Wararki dagaaalada Muqdisho iyo dowlada oo shaaca kaqaaday

0
Monday February 06, 2012 - 10:30:24 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 1003
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wararki dagaaalada Muqdisho iyo dowlada oo shaaca kaqaaday

    Wararki ugu dambeeyay ee dagaalada Muqdisho ayaa waxey sheegayaan in habeenki xalay markale magaalada caasimada ah ee Muqdisho ay ka dhaceen dagaalo udhaxeeyo ciidamada dowlada Somaliya, Amisom iyo kuwa Alshabaab.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararki ugu dambeeyay ee dagaalada Muqdisho ayaa waxey sheegayaan in habeenki xalay markale magaalada caasimada ah ee Muqdisho ay ka dhaceen dagaalo udhaxeeyo ciidamada dowlada Somaliya, Amisom iyo kuwa Alshabaab.
Dagaaladaani oo ahaa kuwa si siman ciidamada alshabaab ay weerar ugu soo qaadeen dhamaan dhufeesyada ciidamada dowlada iyo Amisom kuleeyihiin cirifyada Muqdisho iyadoo dagaalkana ahaa mid xoogan oo la isku adeegsaday hubka nuucyadiisa kala gedisan.

Goob joogayaal ayaa kusoo waramaya in dagaalku uu ahaa mid xoogan isla markaana socday qadar saacad ah hasa yeeshe waxa markale dib uga baxay aagaga dagaalka ciidamada Alshabaab kuwaasi oo dagaalo kudhufow kadhaqaaq ah had iyo jeer kusoo qaaday ciidamada dowlada iyo kuwa Amisom xiliyada habeenki.

Dagaaladi xalay ayaa intooda badan waxey ka dhaceen difaacyada ciidamada dowlada iyo AMISOm ee kuleeyihiin degmooyinka Kaaraan, Hurwaa iyo Yaaqshid, hasa yeeshe si rasmi ah looma garan karo khasaaraha dhabta ah ee soo kala gaaray dhinacyada dagaalada wallow sidoo kale iminka aysan jirin warar la xiriiro khasaaro shacabka kazoo gaaray dagaki xalay bacdama meesha lagu dagalay ay aheed goob shacabka ubaneeyeen dhinacya dagaada

Inkastoo dagaalada Alshabaab ay yihiin kuwa si joogta ah loogu soo qaadayo difaacyada dowlada iyo Amisom kuleeyihiin aagaga Muqdisho ayaa hadana saraakiisha ciidamada dowlada waxey sheegayaan in dagaal gabi ahaan lagu cirib tirayo dhawaan ay ku qaadaayaan.

Taliyaha guutada 1,aad ee ciidamada xooga dalka Soomaaliya Gaashaanle sare C/laahi Cali Caanood oo lahadlay waxa uu sheegay in dhawaan xarakada Al Shabaab laga saari doono goobaha yar oo ay kaga sugan yihiin magaalada Muqdisho oo uu ka xusay Xaafadaha suuqa Xoolaha iyo Maslax ee degmada Huriwaa ee magaalada Muqdisho
C/laahi Cali Caanood ayaa waxa uu sheegay in Shabaab aysan lahayn wax awood ah oo ay kusoo weeraraan ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM hase ahaatee waxa uu sheegay in ay jiraan kooxo yar oo aan wax awood ah lahayn kuwaasi oo uu sheegay in ciidamada xooga dalka ay ku daba jiraan.

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip