Ciidamada dowlada oo rasaas kudilay shaqaale katirsan Somali Power

0
Thursday March 15, 2012 - 11:28:19 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 884
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamada dowlada oo rasaas kudilay shaqaale katirsan Somali Power

    Gaari ay saarnaayeen shaqaale katirsan shirkada korontada Somali Power ee fadhigeedu yahay magaalada Muqdisho ayaa waxa habeenki xalay xabadi kushubay rag kulabisan dareeska dowlada.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Gaari ay saarnaayeen shaqaale katirsan shirkada korontada Somali Power ee fadhigeedu yahay magaalada Muqdisho ayaa waxa habeenki xalay xabadi kushubay rag kulabisan dareeska dowlada. Mashaqadaani ayaa sababtay dhimasho iyo dhaawac soo gaaray qaar kamid ah shaqaalihi saarnaa gaariga oo marka uu falka dhacayay marayay isgoyska Balaag Sii ee magaalada Muqdisho.

Dhimashada ayaa ilaa iyo hada inta la xaqiijiyay gaarayaan hal ruux oo kamid ah shaqaalaha iyadoo tirada dhaawacantayna lagu sheegay 5 kale.

Inkastoo si dhab ah loo ogeyn sababaha kadambeeyay mashaqadaani ayaa hadana waxa ay qeyb katahay dhacdooyinka sida joogtada ah magaalada Muqdisho uga dhaca kuwaasi oo ay geestaan dabley ku hubeesan dareeska dowlada.



W/D: Abdi Shiine Moalin
E-mail: shiine173@hotmail.com
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip