Walaac soo wajahay ajnabiga ka bar bar dagaalama Shabaab

0
Sunday March 18, 2012 - 11:23:27 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 1435
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Walaac soo wajahay ajnabiga ka bar bar dagaalama Shabaab

    Waxa isasoo taraya wararka la xiriira kala shakiga soo kala dhax galay madaxda ururka Alshabaab iyo dagaalyahanada Ajnabiga ah ee ka bar bar dagaalanta.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxa isasoo taraya wararka la xiriira kala shakiga soo kala dhax galay madaxda ururka Alshabaab iyo dagaalyahanada Ajnabiga ah ee ka bar bar dagaalanta.
Hadal heyntaani ayaa waxa ay cirka isku shareertay kadib marki si rasmi ah aalada Internetka lagu shaaciyay muuqaalka Abuu Mansuur Al-Amriiki oo sheegaya inuu kujiro qatar kudhaw dhimasho.

Kadib baahinti filimka muuqaalka ah ee Abuu Mansuur ayaa waxey keentay gabi ahaan kala shaki soo dhax galay Madaxda Alshabaab iyo horjoogayaasha Ajnabiga ah iyadoo sidoo kale dhamaan deegaanada ay xarakada kataliso laga dareemayo kala shakigaan cusub.

Idaacada ku hadasha Afka dowlada oo inta badan raadisa xogaha la xiriiro qilaafka ururka Alshabaab iyo saaxibadooda Alqaacida ayaa waxa ay ku sheegtay war qoraal ah oo lasoo dhigay barta internetka ee radiyo Muqdisho, Radio Muqdisho oo helay xog ku aadan waxyaabaha ka dambeeyay in uu cabasho muujiyo Al-Amriiki oo ah in u dhashay dalka Mareykanka, isla markaana magaciisu saxda yahay Cumar Xamaami, ayaa xogta waxa ay sheegeysaa in uu khilaaf xooggan soo kala dhexgalay horgoogge Ibraahim Xaaji Jaamac Miicaad, oo loo yaqaano Ibraahim Afqaan iyo Al-Amriiki.

‘wararka ayaa sheegay in Ibraahim Afqaan uu dilay horjoogge ay saaxiibo ay ahaayeen Abuu Mansuur Al-Amriiki kadibna arrintaasi ay sii xoojisay khilaafka, iyadoo Afqaan uu isku dayay in uu si xeeladeysan u dilo Al-Amriiki.

Axmed Cadbi Godane iyo Ibraahim Afqaan ayaa la rumeysan yahay in ay ka dambeeyaan dilal qorsheysan oo siyaabo kala duwan loo geystay ragga ajaanibta ah, kuwaa ay ka mid yihiin dilkii ay ciidammada Xoogga u geysteen Fazuul Cadalla Maxamed iyo rag kale, iyadoo hadda uu fashilmay dil ay qorsheenayeen in ay u geystaan Al-Amriiki


Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip