Paddy Akunda: "Afgooye ayaan usoconaa" Wareysi VOA-da
- Visits: 448
-




(Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
- 0 0
-
Share
Taliska ciidammada nabad illaalinta Midowga Afrika AMISOM ayaa sheegay in goor dhow ay la wareegi donaan deegaanno ay ka mid tahay degmada Afgooye ee gobolka Shabeellada Hoose, Afhayeenka ciidammada AMISOM Kabtan Paddy Akundha oo wareysiiyay uu siiyay Idaacadda VOA-da qeybteeda af-Soomaaliga ayaa sheegay in ciidammada AMISOM iyo kuwa dowladda Soomaaliya ay sii wadayaan howlgallada, isla markaana qorshaha ay ugu jirto sidii ay u gaari lahaayeen meello ka baxsan dulleedka Muqdisho, sida deegaannada loo barakacay.
“waxaa guul ah in ciidammada dowladda iyo ciidammada AMISOM oo wadajir ay la wareegeen intii ka harsaneyd degmada Dayniile, qorshaheenna waa in aan Afooge gacanta ku dhignaa laakin waxaa ka horreeyaa duullaan aan kula wareeegi doono deegaannada loo barakacay, sidoo kale shacabka Soomaaliyeed ee meellahaasi ku nool waxaan u diri doonaan farriin ku aadan in halkaasi ay isaga baxaan, ayuu yiri Mr. Paddy.
Mr. Paddy Akundha oo ka hadlyay khasaarihii dagaalkii shalay ka soo gaaray ciidammada AMISOM ayuu tilmaamay in uu uga dhintay hal askari isla markaana ay afar kale uga dhaawacmeen, isagoo xusay in uusan xog ka heyn dhinaca ciidammada dowladda waxa ka soo gaaray howlgalkii guulleystay ee shalay lagula wareegay guud ahaan degmada Dayniile, iyo deegaannada ku xeeran.
Mar wax laga weydiiyay afhayeenka AMISOM, sida ay ugu suura gali karto in ay gaaran deegaannada loo barakacay iyo degmada Afgooye ayuu ku jawaabay in ciidammada AMISOM iyo kuwa dowladda ay yihiin ciidammada habeysan oo Military ahaan Al-Qaacidda ka awood badan, iyo in aysan Shabaabku xillaagi taageero ka hali Karin shacabka.
Afhayeenka AMISO oo haddalkiisa sii wata ayaa hoosta ka xariiqay in gullaha ay ciidammada dowladda iyo AMISOM gaareen in ay asal u yihiin taageerada shacabka, iyo baahida joogtada ah ee ku aadan rabitaanka dowladda ee shacabka ku noo meellaha ay Al-Qaacidda ku sugan yihiin.
Paddy Akunda: "Afgooye ayaan usoconaa" Wareysi VOA-da
Taliska ciidammada nabad illaalinta Midowga Afrika AMISOM ayaa sheegay in goor dhow ay la wareegi donaan deegaanno ay ka mid tahay degmada Afgooye ee gobolka Shabeellada Hoose,