Kadib markii uu maray dhaqancelin xagga jirka ah oo loogu sameeyey dalka Maraykanka ayaa Alexandre Pato waxaa horyaal in uu sare u qaado qaab ciyaareedkiisa inta ka dhiman xilli ciyaareedka si uu ula sii joogo kooxda AC Milan. Waqtiga uu la joogay Pato kooxda Rossoneri ayaa waxaa la dersey dhaawacyo daaweyntan ugu dambaysayna waa mid la isku dayayo in lagu dhameeyo dhibaatada xagga jirka ah ee soo noqnoqotay ee Pato.
Weeraryahankan ayaa booqday dhaqtar ku taqasusay Chiropractiv-neurologist Carrick si uu soo afjaro dhibaatada ka haysata murqaha.
Tababaraha Milan Massimo Allegri ayaa u sheegay Goal.com “Waxa ay dheelitir ku sameeyeen qaab dhismeedka jirkiisa taasna waxa ay ka caawineysaa in uu ka fogaado dhaawacyada soo gaara”.
Kadib markii uu soo ladnaaday ayaa Pato waxa ay tahay in uu dadaal dheer galo si uu booskiisa kooxda uu u buuxiyo ama dhamaadka xilli ciyaareedka kadib in la iska iibiyo, waxaana bishii Janaayo xiiseynayay laacibkan kooxda ka dhisan dalka Faransiiska ee Paris Saint-Germain.
Waxaana la ogyahay in kooxda Milan ay xiiseyneyso weeraryahanada Robin van Persie iyo Carlos Teves waana in Patointa ka dhiman xilli ciyaareedka uu ismuujiyo sida ay fahamsan yihiin qubarada ku xeel dheer ciyaaraha.
Ciyaaryahankan reer Brazil ayaa lagu soo daray kooxda u safartay Barcelona si ay lugta labaad ee quarter finalka Champion-ka ula soo ciyaaraan kooxda haysata horyaalka Spain iyo kan Championkaba.
Pato Oo Dhaawacyada Uu U Nugul Yahay Darteed Halis Ugu Jira Inay Milan Iska Iibiso.
Kadib markii uu maray dhaqancelin xagga jirka ah oo loogu sameeyey dalka Maraykanka ayaa Alexandre Pato waxaa horyaal in uu sare u qaado qaab ciyaareedkiisa inta ka dhiman xilli ciyaareedka si uu ula sii joogo kooxda AC Milan.