
Walaalkey Xussein Xaaji Bood, Ilaaheyga Ween jannadi ha ka ugu bishaareeyo, inteynaan ka dambeysana sabar iyo iraaddo tosan.
Xaaska ow ka dhintay, Dr. Xabiiba Xaaji Jimcaale Kulmiye, oo eh qof aad iyo aad noogu dheer, haddaan nahay heer Axmed Maxamuud Cadde, waxaan uga tacsiyeynay magaalada Nayrobi, isla muggaan maqalnay geeridiisa murugta leh. Haddana, iida ka sokow waxaan mid taas la mid eh u direynaa dhammaan heer Xaaji Bood iyo heer Xaaji Jimcaale meel kastooy joogaan; Ummadda Soomaaliyeed, intii la soo halgantay ee ow xaq u dirirnimada u horseeday; dhammaan Beelweynta Mudullood, dalka inta joogta iyo inta ka maqanba, oo wiil qaali eh ow ka xijaabtay.
Faaduma Axmed Maxamuud Toronto, Canada
Madina Axmed Maxmuud Toronto, Canada
Iyo Wadaadkeeda Maxmed Suubiye
Maxamed Axmed Maxamuud Yellowknife, Canada
Falhad Axmed Maxamuud Virginia, US
Khadija Axmed Maxamuud Virginia, US
Ruqiya Axmed Maxamuud Cairo, Egypt
Maryan Axmed Maxmuud Toronto, Canada
Cabdulqaadir Axmed Maxamuud Brampton, Canada
SiidCali Axmed Maxamuud Addis Ababa, Ethiopia
Iyo qoysaskoooda,
wexey idiinla qabaan tacsida oo eh mid noo wada taal. Ilaahey, meeshow banneeyay Xussein Xaaji, dhaxanta naga ma soo geliyo. Aammiin Yaa Rabbi.
Xusseenow waxaad
Nooga tagtay xasuus,
Taariikhda lagu xardhoo
Soomaali wada xusaan
Xaashaaye cilmiga
Siyaasadda ood xafidday.
Xarakadii loo guntaday
Xeerkii lagu dajiyay
Xirfaddaadey eheed
Xussein ina Xaajiyow.
Xussul intii duubatoo
xureeya shacabka tiri
Codkaagoow xayyisanaay
Adaa ka xishooday cabsi,
Xisaabtan iyo xabsi la galo
Adaa xaadirka u ahaay
Xaqana ow ku caddaay,
Xukunkii na duudsiyeen
Xilligaas tali jireen
Soomaali xakkaarka baday.
Adaan toog ka xiisinoo
Xarbi adagna u galay
Nabadda in la xoojiyoo
Bayaankii xambaarsaday
Xuduudda u dhaafayoo
Jabuutiyo xero walbaba
Gogoshi loo xaaro nabad
Xurmeeya heshiiski yiri.
Xilalkaad soo qabatay
Xafiisyadaad noo fadhiday
Xatooyo kama geline
Xalaalquudataad eheed
Aan xadin xoolo ummad.
Xiddigga Mudullod dhalow.
Lama xaasido runtee
Xisbigaagaa nabad ahaay
Xaqdhowr iyo xeer ku dhaqan
Xannaanada shacabka iyo
Ilmaha iyo xaawaley
Intaan xoog badan leheen.
Jiilalka soo xoogsadaa
Xafidaa la dhihi tagaa
Casharradadii xulnaay
Jidkow noo xaaray iyo
Xussein raadkiisi mara.
Marxuum ina Xaajiyow
Xaakimkaan tuugnayee
Xariirtii hugso jannada
Xareeddi Kawthara waraab
Intow xulay Eebeheen
Xaggoodii adna ahaaw.
MADINA AXMED MAXAMUUD (QOORWEYNE )
MA DHIMAN EE WAA DHUUNTAY DR. XUSSEIN XAAJI MAXAMED BOOD ALLAHA U NAXARIISTO
MA DHIMAN EE WAA DHUUNTAY DR. XUSSEIN XAAJI MAXAMED BOOD ALLAHA U NAXARIISTO