Dhageyso:-Madaxweynaha Oo Ka Qeybgaley Aas Qaran Oo Loo Sameeyay S/Guud Maxamed Cali Samantar + Sawirro

0
Thursday August 25, 2016 - 17:34:40 in Wararka by Xafiiska Muqdisho
  • Visits: 1899
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dhageyso:-Madaxweynaha Oo Ka Qeybgaley Aas Qaran Oo Loo Sameeyay S/Guud Maxamed Cali Samantar + Sawirro

    Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Taliyaha Guud ee Ciidammada Qalabka Sida, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta ka qeybgaley aas qaran oo xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga ee magaalada Muqdisho loogu sameeyay Allah ha u nax

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Taliyaha Guud ee Ciidammada Qalabka Sida, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta ka qeybgaley aas qaran oo xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga ee magaalada Muqdisho loogu sameeyay Allah ha u naxariistee marxuum S/Guud Maxamed Cali Samantar oo Madaxweyne Ku-Xigeen ka soo noqdey xukuumaddii militariga ee Soomaaliya.

Aaska ayaa waxaa sidoo kale ka soo qeybgaley Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka, Mudane Maxamed Cusmaan Jawaari, Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid Sharma’arke, madaxweyneyaasha maamulka Jubbaland iyo Koonfuur Galbeed Soomaaliya (Axmed Maxamed Islaam iyo Shariif Xasan Sheekh Aadan), xubno ka tirsan labada gole, taliyeyaasha ciidammada, danjireyaasha waddamada shisheeye, ururrada bulshada iyo qoyska marxuum Samantar.

Aaska kadib ayaa waxaa isla xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga lagu qabtey munaasabad xus iyo duco isugu jirta oo lagu maamuusayey marxuumka.

"Innaa Lillaahi waa Inaa Ileyhi Raajicuun. 

Marxuum S/Guud Maxamed Cali Samantar waxaa uu ahaa hoggaamiye muddo dheer waddankan u adeegayey, inagoo ixtiraamkaas iyo waxqabadkaas eegeyna ayaan ku maamuusney inaan aaskan heerka qaran ee uu mudan yahay u sameyno. 

Ciidankeena waxaa uu mar noqdey mid ka mid ah kuwa ugu fiican Afrika, waxaana marag ma doonnto ah in General Samantar uu kaalin weyn ku lahaa dhismaha ciidanka tayadaasi iyo karaamadaas leh ee waddankeena magaca u soo hoyey’’.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Jeneral Samantar iyo waxqabadkiisa ay ku baaqi ahaan doonaan taariikhda Soomaaliya, qof walba oo Soomaali ahna uu waajib ka saaran yahay inuu waddankiisa wax u qabto si horumar loogu tallaabsado.

Waxaa uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu munaasabadaasi mid mid ugu gacanqaadey xubnaha qoyska marxuumka, isagoo marxuumka Ilaahay uga baryey inuu naxariistii janno ka waraabiyo, iyagan uu samir iyo iimaan Ilaahay ka siiyo.

Marxuum S/Guud Maxamed Cali Samantar ayaa xilligii dowladda militariga dalka ka soo noqdey Madaxweyne Ku-Xigeen, Ra’iisul Wasaare , Wasiirka Gaashaandhigga iyo Taliyaha Ciidammada Xoogga Dalka, waxaana uu 19-kii bishan August 2016 ku geeriyooday gobolka Virginia ee dalka Mareykanka.






----------------------------DHAMMAAD--------------------------

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip