Wiil Somaali ah Oo Dab lagu qabadsiiyay Deegaanka Khayalisha

0
Monday April 23, 2012 - 14:59:19 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 612
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wiil Somaali ah Oo Dab lagu qabadsiiyay Deegaanka Khayalisha

    warar inaga soo gaarayo Magaalada Cape Town ee dalka South Africa ayaa sheegayo in xalay dab laqabadsiiyay Muwaadin Soomaaliyeed oo kunool Dalkaasi kadib markii ee kusoo weerareen Goob ganacsi oo kusugnaa kuna taalay Deegaanka Khayalisha ee Magaalada

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

warar inaga soo gaarayo Magaalada Cape Town ee dalka South Africa ayaa sheegayo in xalay dab laqabadsiiyay Muwaadin Soomaaliyeed oo kunool Dalkaasi kadib markii ee kusoo weerareen Goob ganacsi oo kusugnaa kuna taalay Deegaanka Khayalisha ee Magaalada Cape Town,. Kooxaha hubeysnaa ayaa Dukaanka ee kusugnaayeen Sadax Nin oo Soomaali ah kusoo weeraray Bistoolado iyagoona halkaasi dhac ka geestay kadibna Dab qabadsiiyay Mid kamid ah Wiilashaasi halkaasna uu ku geeriyooday.

Labadii Wiil ee kale la joogay Marxuunka la gubay ayaa goobtaasi ka baxsaday iyagoona aad uga murugsanaa sida naxariis darada ah ee loo dilay Saaxiibkood iyaga oo u jeedana Nolosha ku gubtay.

Ciidamada Booliiska ee South Africa ayaa goobta mashaqada ka dhacday gaaray kuwaa oo bilaabay baaritaano aan wali lagu guuleesan in gacanta lagu soo dhigo kooxihii manaxayaasha ahaa ee Dilka geestay.

Dilkan xanuunka badan ee xalay ka dhacay Deegaanka Khayalisha ee Magaalada Cape Town ayaa cabsi badan ku beeray Soomaalida kunool Dalkaasi oo iyagu marwalbo loo geesto dilal aan joogsi laheyn iyo dhac iyo boob.

Magaalada Cape Town ayaa Hogaanka hada u haysa Magaalada ugu dhibka Badan ee Soomaalida kunool yihiin iyadoona Magaaladaasi kaalinta koowaad kaga jirto magaalooyinka ugu dilalka badan ee Soomaalida sida gaarka ah loogu gumaado.
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip