AMISOM "Qabashada Afgooye waxay Joojineysaa Weeraradi Alsbabab ee Muqdisho"

0
Sunday May 27, 2012 - 17:15:11 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 463
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    AMISOM "Qabashada Afgooye waxay Joojineysaa Weeraradi Alsbabab ee Muqdisho"

    la wareegidda degmada Afgooye iyagoo ku tilmaamay mid dhabar-jab ku ah Al-shabaabAfhayeenka ciidmada Midowga Afrika ee AMISOM, Col. Paddy Ankunda ayaa sheegay in qabsashada degmada Afgooye ee gobolka Shabeellada hoose ay u tahay muhiim, ayna yareynay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

la wareegidda degmada Afgooye iyagoo ku tilmaamay mid dhabar-jab ku ah Al-shabaabAfhayeenka ciidmada Midowga Afrika ee AMISOM, Col. Paddy Ankunda ayaa sheegay in qabsashada degmada Afgooye ee gobolka Shabeellada hoose ay u tahay muhiim, ayna yareynayso weerarradiii ay Al-shabaab kusoo qaadi jireen Muqdisho. Col. Ankunda wuxuu sheegay in degmada Afgooye ay ahayd meesha labaad ee ay Al-shabaab ka abaabuli jireen weerarrada ay ka geysanayaan Soomaaliya marka laga reebo degmada Kismaayo oo uu sheegay inay tahay goobta ugu weyn ee laga abaabulo weerarrada Al-shabaab.

"In ciidamadeennu ay Afgooye gaaraan muhimi ayay ahayd waayo waxay ahayd goob laga soo abaabuli jiray weerarrada Muqdisho lagu soo qaado, balse wixii hadda ka dambeeya taasi ma jiri doonto," ayuu yiri afhayeenka AMISOM.

Sidoo kale, afhayeenku wuxuu sheegay in ciidamadooda ay mareen dhul howd ah markii ay qabsanayeen degmada Afgooye ujeedadeuna ay ahayd sidii loo badbaadin lahaa dadka shacabka ah ee ku nool inta u dhexeeya Muqdisho iyo Afgooye.

Ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda Soomaaliya oo isgarabsanaya ayaa waxay gudaha u galeen degmada Afgooye duhurnimadii Jimcaha, kaddib dagaal saddex maalmood ka socday inta u dhexeysa Muqdisho iyo Afgooye, iyadoo degmadan ay noqonayso tii ugu horreysay ee ka baxsan Muqdisho oo Al-shabaab laga qabsado.

Kumannaan dad ah oo ku noolaa inta u dhexeysa Muqdisho iyo Afgooye ayaa uga soo barakacay halkaas dagaalladii dhexmarayay ciidamada hardamaya, iyadoo ay jiraan dad ay waxyeello dhimasho iyo dhaawac ah kasoo gaareen dagaalladaas.

Ugu dambeyn, saraakiisha dowladda KMG ah ee Soomaaliya ayaa si aad ah u soo dhaweeyay
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip