Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax sababay dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacay Isgoyska Ex-koontorool ee Afgooye ee Magaalada Muqdisho.
Qaraxaasi ayaa ahaa nooca miinada dhulka lagu aaso,isla markaana lala eegtay Kolonyo gaadiid ay la socdeen Ciidamo ka tirsan AMISOM xili ay marayeyn agagaarka Isgoyska Ex-koontorool.
Dad ku sugnaa xiliga uu qaraxa ka dhacayay ayaa Warsheekh u sheegay in Qaraxa uu haleelay mid kamid ah gaadiidkii ay wateen ciidamada AMISOM,waxaana ka dhashay Khasaaro kala duwan oo soo gaaray Ciidamadii saarnaa Gaariga.
Qaraxa kadib ayaa Ciidamada AMISOM waxa ay fureen rasaas xoogan oo dhalisay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac, waxa ay sidoo kale ciidamada AMISOM xireen wadada laamiga daqiiqado badan.
Ugu yaraan Afar ruux oo Shacab ah ayaa saakay Ciidamada AMISOM weerar kadib dileen,waxaana AMISOM dadka ay dileen sadex kamid ah ay fadhiyeen goob shaaha laga cabo oo ku taalla meel aan ka fogeyn halka qaraxa lagula eegtay.
Wararkii u dambeeyay ee haatan nasoo gaaray ayaa wax ay sheegayaan in kolonyada Ciidamada AMIOSM ay socdaalkoodii sii wateen,isla markaana Isgoyska Ex-koontorool uu ka socdo banaanbax looga soo horjeedo dadka Shacbaka ah oo ay dileen.
Qarax ka dhacay Muqdisho & Ciidamada AMISOM oo dad Shacab ah dilay
Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax sababay dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacay Isgoyska Ex-koontorool ee Afgooye ee Magaalada Muqdisho.