(HADAL AAN FIIRSI LOO ORAN IYO CAANO AAN FIIQSI LOO DHAMIN FEERAHEEY WAXYEELEEYAAN)
Muqdisho ayaa noqotay goobta
idaacadaha FM-ta ugu badan ka furan yihiin marka la fiiriyo dunida,
taasina waxay dadka qaar ku macneeyeen in ay ka dambeyso iyadoo qof
kasta uu doonayo in uu dhaqaale ka helo sidii doono ha u adeegsadee,
waxaana haatan Magaalada M uqdisho ka furan ilaa 25 FM oo ay ka mid
tahay Radio SIMBA, Shabelle, Danan, Maanta, Mustaqbal, Kulmiye,
VOD,Jubba, Banaadir, Star FM, Barkulan, Sahan, GoobJoog, Gool FM,BBC FM
VOA, Radio Muqdisho, Dayax, Andulus, Radio Furqaan, Risaala Codka
Nabada,Dalsan Xurmo iyo kuwo kale oo aan halkaan magacyadooda lagu soo
koobi Karin Waxaa meesha ka baxay Hornafric,Capital Voice, STN,Soomaali
weyn iyo GBC waa tiro aad u badan oo qofka uu garan waayo wax uu
dhageysto oo hadaba dhinac u eryo Cirbadda mar aan tagey Imaaraadka
Carabta waxaa halkaa ku soo arkey in Wadanka oo dhan uu leeyahay hal FM
waan Dal dhinac waliba naga hormarsan,marka la fiiriyo dadka qaar baa
aamisan in Tirada Idaacadaha ee sii kordhaya ay tahay Horumar ,halka
kuwa kale ay aaminsan yhiin in ay yihiin kuwa dab ku sii shidaya
Xaalada Murugsan ee Soomaaliya,haddaba idaacadahaas intooda badan
markii la aasaasayey ayaa qolooyinka shirkadda ku ah marka ay la
yimaadaan Qalabka FM-ta waxay durbadiiba xoogga saaraan ama ka fikiraan
sidii goobta ay Idaacadu ku taalo loogu heli lahaa ilaalo qaas ah iyo
waxaana waqti iyo kharash la geliyaa ilaalada iyo hubka, waxaana la soo
iibiyaa Qoryo culus sida Dabamiishaarka, Baasuuke, AK-47, halkii laga
fikiri lahaa Wariyaha oo si gaar ah muhiimada loo siin lahaa haddaba
waxaa isweydiin mudan sababta ay Idaacad FM ah oo joogta dhowr kun oo
doolar keliya in ay ka muhiimsanaato wax soo saarkii ama xoogii shaqo
(Taste Force) ee Idaacadda sida Agaasimayaasha, Weriyaasha iyo
shaqaalaha kale.Soomaalida waxay tiraahdaa (LAX WALIBA SHILALKEY IS
DHIGTAA LAGU QALAA)
Marka la furayo idaacad FM ah waxaa durbadiiba ku soo yaaca
Dhallinyaro fara badan, waxaa marka ugu horeysa loo sheegaa in inta ay
Idaacadda laga baranayo aan wax dhaqaale ah la siin doonin, qaarkood
markiiba taas way ka gilgilshaan waa kuwa Damiirka leh, kuwana way
ogolaadaan, marka la fiiryo sharciga shaqada iyo shaqaalaha, qofka loo
shaqeeya ah waxaa ku waajibeysa in uu ka war qabo shaqaalaha u
shaqeynaya nafsadooda, caafimaadkooda, Mushaarkood iyo in marka
dhibaato la soo gudbaanaato la caawiyo, balse intaas oo dhan meesha way
ka baxeen oo Weriyaasha qaarkood ayaa Milkiilaha u sheega in aysan wax
lacag ah dooneyn balse ay doonayaan magac taasna waxaa si weyn ugu
guuxa ninka Milkiilaha ah, waayo waxa uu helay shaqaale jaban, Waagii
Fufka ee qarnigii Warshadaha, Milkiilayashii Warshadaha waxay xiligaasi
heleen shaqaale aad u jaban oon aan laheyn wax daryeel ah iyagoo ka
faaiideysanayey Duruufta xiligaa jirtey,sidaas oo kale maanta ayay
taagan tahay xiligii fufka oo kale, waayo Milkiilayaasha FM-yada waxay
heleen Dhallinyaro raqiis ah, marka Milkiilayaasha waxay ka
faa’iideysteen duruufta dhallinyarada Soomaaliyeed oo aan wax shaqo ah
haysan xiligaan balse doonaya in ay noqdaan kuwa ka dhex muuqda
Bulshada.
Waxaa iigu yaab badnaa markii aan Wiil dhallinyaro ah oo weriye ahaa
weydiiyey wuxuu shaqada uga tegay, wuxuuna iigu jawaabey “Nafsadeyda
ayaa halis la geliyey?”, waxaan weydiiyey sida nafsaddiisa halista loo
geliyey, wuxuu igu yiri “Xog ayaan keenay, waxaana laga sii daayey
Idaacadda, qolo warbixintaas dhibsatay ayaa soo wacday Milkiilihii
Idaacadda, wuxuuna Milkiilihii si aan gambasho laheyn qoladii ugu
sheegay in xogtaasi aan anigu keenay aana mas’uul ka ahayn”. Haddaba
marka sharciga saxaafadda la fiiriyo waa macnuuc in weriye xog
idaacadda u keenay in isaga lagu gooni yeelo xogtaasi wixii ka yimaada,
Sharciga saxaafadd ayaa dhigaya tusaale ahaan qof ayaa war ka heshay,
qofku wuxuu kaa codsaday in magiciisa aadan sheegin, warka noocaas ah
haddii lagu qabsado oo Maxkmad lagugu soo taago, ma sheegi kartid
qofkii aad warkaan ka heshay xitaa haddii laguu tooganayo, waxaana
hadda muuqata in Soomaaliya aysan ka shaqeyn wax sharci saxaafadeed ah,
maalin dhaweyd waxaa isoo wacay Dhageyste ka cabanaya idaacad ka mid ah
FM-ta Muqdisho ku yaal, wuxuu yiri ninkaasi “waxaan kala socday
Idaacaddaas tafsiirka Qur’aanka Kariimka, balse waqtigii tafsiirka la
soo deyn jiray laga jeclaystay in la soo daayo Cayaar Kubbadda Cagta ah
oo si toos ah loo tabinayo iyadoo idaacadaha shisheeye ee FM-yada ku
leh Muqdisho oo ciyaarta wax ka tabinayey ay Barnaamijyadooda kale ku
wareegeen markii waqtigooda la gaaray, haddaba FM-taas yey raali
gelisay, tani waxay ka mid tahay qalaadaadka ay galaan FM-yada
Magaalada Muqdisho oo inta badan dadku ka cabtaan.
Maalmahaan dambe Idaacadaha qaar waxay sii daayaan warar aan xaqiiq
ahayn oo runta ka fog, dhawaan ayey ahayd markii Jariidadii ugu
weyneyd ee ka soo bixi jirtey Dalka Ingiriiska Albaabda la isugu
dhuftey hadaba maxay sababsatey in la xiro Jariidadaas waa war ay si
qalad ah u martey oo ay u sii deysey marka Soomaaliya waxaa xaqiiqo ah
in FM-yada ku shaqeyn Alla ka cabsi iyo sharci Saxaafadeed toona
Soomaalida waxay tiraah (HADAL AAN FIIRSI LOO ORAN IYO CAANO AAN FIIQSI
LOO DHAMIN FEERAHEEY WAXYEELEEYAAN) marka waxaa leeyahay dhamaan
wariyayaasha Soomaaliyeed in ay raacaan Oraahdaas oo ah mid qiimo weyn
ku fadhida,tirada Idaacadahaas ee FM-ta markaad dhageysato kuligood waa
isku Barnaamijyo xitaa Habeenkii marka la gaaro 9:30 Fiidnimo waxaa soo
gala Barnaamij looga faaloodo wararka 24-Saac waxaan waqtigaan aan ugu
magacdarey Waqtiga Fadhi ku Dirirka FM-yada Muqdisho ilaa iyo hada ma
jiraan Idaacad ka wareegtey waqtigaas iyadoo qaarkood ay noo sheegeen
in ay ku qasbanaadeen in waqtigaas ay baahiyaan Barnaamijkaas waxayna
wararkaan u badan yihiin kuwo siyaasadeed oo Colaad sii hurinaya ma
jiraan kuwa ka hadlaya wararka Horumarka waxaa iigu yaabka badneyd
markii Qolo Indhoolayaal ah oo sameysanayey Xaflad Sannad Guuro ay
tageen mid ka mid ah Idaacadaha Muqdisho markii ay maamulkii u
bandhigeen in ay ka soo qayb galaan Xafladaas ayaa waxaa lagu yiri “
waa in aad bxisaan lacag gaareysa Shan Boqol oo Doolar inta yaabeen
ayey ku yiraahdeen “Xafladaba Taburacaad baan ku soo uruuriney “ mid
ka mid ah in dhoolayaashii ayaa ku yiri Maamulkii Idaacada “waxaa sii
deysaan war aydaan wax dhaqaale ku qaadaan oo ah Wararka Colaadaha
marka keena muxuu kaga duwan yahay Wararkaas keenaaba Horumar ka
hadlaya gaar ahaan sida ay wax u bartaan Indhoolyaasha “meeshii ayey
isaga soo tageen markii la hor dhigey in ay bxiyaan dhaqaalahaas “waxaa
ii soo baxay in Idaacadaha ay u abuurmeen in ay Baansiin ku shubaan
Xaalada Murugsan ee Soomaaliya
Maqaalkaan aan ugu magacdaray FM-ta iyo Weriyaha yaa muhiimsan,
waxaana ku keenay markii aan arkay sida loola dhaqmayo Weriyaasha da’da
yar ee Soomaaliyeed oo aan ku tilmaami karo sida xaabada dabka lagu
shidayo, waxaana layska dhigaa oo Darbi u noqdeen qatarta jirta iyadoo
loogu abaal gudo in mar walba oo uu soo galo xarunta Idaacadda isaga
laga shaki qabo oo baaritaan lagu sameynayo, waxaana muhiimadda la
siiyey ilaalinta FM-ta oo keliya balse xil lays kama saarin Wax soo
saarkii idaacadda sida Weriyaasha, waxaana maalin walba maqleysaa hebel
waa la dilay iyo ka gudub marka labo maalmood tacsi loo dhigo
qaarkoodna maba helaan tacsi. Markaad fiiriso idaacadaha caalamka ama
warbaahinta caalamka waxaa xoogga la saaray Weriyaha, wuxuuna
Warbaahinta uu u shaqeeyo ku yeelanayaan xuquuq fara badan haddii wax
la gaarsiiyo Xitaa looma diro Goobaha ay Halis ku galayaan halka
Soomaaliya xuquuq oo dhan uu leeyahay Milkiilaha, haddaba dhallinyarada
saxafiyiinta waxaa dhihi lahaa xaggee idinka maray Dareenkii sidee ku
ogolaateen in war aad Qatar ku galeyso aad ka sii deyso meel aan lagaa
difaaci doonin waxaa mar kale ku leeyahay Oraahdii ahayd .(HADAL AAN
GARASHO LAHAYN IYO GAROW AAN IIDAAN LAHAYN LABADUBA NAFSADAADEEY
WAXYEELEEYAAN) .
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk
FM-ta iyo Weriyaha yaa Muhiimsan
(HADAL AAN FIIRSI LOO ORAN IYO CAANO AAN FIIQSI LOO DHAMIN FEERAHEEY WAXYEELEEYAAN)