Amar kasoo baxay Maamulka Gobolka Banaadir ayaa waxaa lagu sheegay in maalmaha Talaada iyo Arbacadda la xiri doono wadooyinka Magaalada Muqdisho sababo la xiriira Caleema-saarka Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo).
Maamulka Gobolka Banaadir ayaa shacabka Magaalada Muqdisho ku wargaliyay in maalamahaas ay u dulqaataan xirnaanshaha Wadooyinka Magaalada Muqdisho,islamarkaana dib loo furi doono markuu dhamaado Caleema-saarka.
Qaban-qaabada Xafladda caleema-saarka Madaxweynaha cusub ee dowlada Soomaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) ayaa haatan ka socota Magaalada Muqdisho,wasaaradda arrimaha Dibada Soomaaliya oo arintaan loo xilsaaray ayaa casuumad u dirtay Madaxda dalalka dariska ah.
Maalinta Arbacada ah oo Taariikhda ay ku beegan tahay 22-ka Bishan ayaa Madaxtooyada Soomaaliya waxaa ka dhici doonta Munaasabad lagu Caleemo Saarayo Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya, taasi oo ay ka soo qeyb gali doonaan Madax ka socota Afrika.
Wadooyinka Ugu Muhiimsan Magaalada Muqdisho Oo La Xiri Doono
Amar kasoo baxay Maamulka Gobolka Banaadir ayaa waxaa lagu sheegay in maalmaha Talaada iyo Arbacadda la xiri doono wadooyinka Magaalada Muqdisho sababo la xiriira Caleema-saarka Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed