Shacabka ku nool Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Dalka Soomaaliya ayaa saakay kusoo Waabariistay Ciidamo ka tirsan dowlada kuwa Booliska oo xiray inta badan Wadooyinka ugu Muhiimsan Muqdisho.
Isgoysyada qaar ayaa waxaa lagu arkayaa Ciidamo ka tirsan Dowladda , kuwaas oo Gaadiidka u diidaya in ay maraan,iyada oo dadka qaar ay lugeynayaan.
Ciidamada Booliska dowlada Wadooyinka ay xireen ayaa waxaa kamid ah Wadada Wadnaha oo ka xiran Isgoysyada Howlwadaag iyo Tarabunka halka Wadada Maka Al-Mukarama inteeda badan ay xiran tahay,sidoo kale waxaa xiran wadada dhanka Isgoyska Jubba ilaa iyo Taalada Daljirka Daahsoon ee Degmada Boondheere.
Sababaha Wadada loo xiray ayaa waxaa ay tahay xili maanta la filayo in Magaalada Muqdisho oo markii ugu horeeyay uu ka furmo Shirka Ururka Iskaashiga Islaamka,kaasi oo ay ka qeyb galayaan Madax ka socota in ka badan 15 Wadan.
Sidoo kale waxaa lagu wadaa in Maanta Muqdisho ay soo gaaran Wafuud Caalami ah,isla markaana ka qeyb galaya Shirka Ururka Iskaashiga Islaamka oo markii ugu horeysay ka furmaya Muqdisho.
Wadooyinka Ugu Muhiimsan ee Muqdisho oo Maanta xiran
Shacabka ku nool Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Dalka Soomaaliya ayaa saakay kusoo Waabariistay Ciidamo ka tirsan dowlada kuwa Booliska oo xiray inta badan Wadooyinka ugu Muhiimsan Muqdisho.