Bariis (Rice) dalagga labaad ee ugu ballaaran caalamka iyo cuntada ugu muhiimsan dadka Asia (Warbixin)

0
Friday September 19, 2014 - 17:11:13 in Wararka by
  • Visits: 4771
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Bariis (Rice) dalagga labaad ee ugu ballaaran caalamka iyo cuntada ugu muhiimsan dadka Asia (Warbixin)

    Bariis waa dalaga labaad ee ugu balaaran farileyda wuxuuna dadka ku nool Qaarada ASIA u yahay cuntadooda koowaad waxuuna Bariisku u kala baxaa labo noon oo kala ah BARIISKA ASIA Oryza sativa (Asian rice) iyo BARIISKA AFRICA Oryza glaberrima (African

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Bariis waa dalaga labaad ee ugu balaaran farileyda wuxuuna dadka ku nool Qaarada ASIA u yahay cuntadooda koowaad waxuuna Bariisku u kala baxaa labo noon oo kala ah BARIISKA ASIA Oryza sativa (Asian rice) iyo BARIISKA AFRICA Oryza glaberrima (African rice).
Bariis waa dalaga labaad ee ugu balaaran farileyda wuxuuna dadka ku nool Qaarada ASIA u yahay cuntadooda koowaad waxuuna Bariisku u kala baxaa labo noon oo kala ah BARIISKA ASIA Oryza sativa (Asian rice) iyo BARIISKA AFRICA Oryza glaberrima (African rice).

Dadka Africa 3500 sano ka hor ayey bariiska beeran jireen wuxuuna asal ahaan beershadiisa ka bilaabatay NIGER RIVER DELTA wuxuuna ku sii fiday ilaa SENEGAL, dhanka kale Qaarada Asia ayaa ah halka ugu balaaran ee laga soo saaro Bariiska 87% ayeyna beeraleyda Asia soo saaraan , 10 -ka dal ee caalamka ugu bariis soo saarida badan 9 ka mid ah waa reer Asia waxeyna kala yihiin : CHINA , INDIA , INDONESIA , BANGALADESH , VIETNAM , THAILAND , MYAMMAR ( PURMA ) , PHILLIPPINNES iyo JAPAN.

Barnaamijka cuntada Aduunka WFP waxa uu sheegay in sanadkii 2009 caalamka laga soo saaray 531.6 Million tan oo bariis ah , 1961 - 2002 wax soo saarka Bariiska wuxuu kor u kacy 40% , dalka Cambodia 90% dhulkooda Bariis ayey ku beeraan ,dhanka kale labada dal China iyo India ayaa ah meesha ugu badan ee lagu cuno, labo dalool marka loo qeybiyo Bariiska ay cunaan dadka ku nool caalamka in ka badan hal dalool waxaa cuna dadka u dhashay labadaas dal , 29.4 % ayey dadka reer China cunaan halka 23.3 % ay dadka India iyana cunaan, halka dadka ku nool caalamka intiisa kale ay cunaan Bariis dhan 47.3%.

Tobanka dal ee ugu soo saarida bariiska waxa ay kala yihiin :

1. China - 2 04.3 Million tan

2. India - 152.6

3. Indonesia - 69.0

4. Vietnam - 43.7

5. Thailand - 37.8

6. Bangaladesh - 33.9

7. Myammar ( BURMA) - 33.0

8. Phillippinnes - 18.0

9. Brazil - 11.5

10. Japan - 10.7
 
halkii hectar waxa ay beeraleyda caalamku kasoo saari jireen 4.3 tons oo u dhiganta 86 loor, hase yeeshee iskoorkaas waxaa jebiyay beeraleyda dalka Australia oo oo hal hecter kasoo saaray 10.8 Tons oo u dhiganta 216 loor , waxaase iskoorkaas jebiyay beeraleyda Yuvan Longoing.co ee reer China oo hal hecter kasoo saaray 19 hecter oo u dhiganta 380 loor, waxaase iskoorkaas sanadkii hore 2013 jebiyay 35 sano jirka reer India Sumant Kumar Bhar oo hal hecter kasoo saaray 22.4 Tons oo Bariis oo u dhiganta 448 loor.

Bariisku waa cuntada koowaad ama cuntada ugu muhiimsan dadka ku nool Qaarada Asia , dhinaca kale 25-kii sano ee aynu soo dhaafnay kor ayey u kaceysay beerashada Bariiska dalka USA ( AMEERIKAANKA ), shantii qof oo Mareykan ahna hal qof ayaa cuna nus saxan bariis ah.

100-kii Gram oo Bariis ah waxaa laga helaa 1527 Kj oo tamar ah, 0.66 Gr oo Dufan ah , 7.13 Gr oo Protien ah , waxaa kaloo laga helaa fiitamiinada b1, b2, b3, b5 iyo b6sidoo kale waxaa laga helaa macdanta kala ah : Calcium, Iron ( BIR ), Magnesium, Manganese, Phosphorus, Potasium iyo Zink, 11.61 gr oo biyo ah ayaa laga helaa 100Gr oo bariis ah.

QALINKII QORAA SARE.

MUSE MOHAMED OSMAN

Muusekiimiko99@hotmail.com

muusekiimiko@gmail.com

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip