Akhriso. Dhacdooyinki ugu muhiimsana kulamadi shalay Horyaalka Ingiriiska + Sawiro

0
Sunday December 08, 2013 - 10:55:34 in Sports by Web Admin
  • Visits: 2773
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Akhriso. Dhacdooyinki ugu muhiimsana kulamadi shalay Horyaalka Ingiriiska + Sawiro

    Natiijooyinka horyaalka dalka ingiriiska Daawo Sawirada

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Natiijooyinka horyaalka dalka ingiriiska Daawo Sawirada

Man City ayaa ciyaartii ugu adkeyd mudooyinkan waxaa ay caawa kala kulantay kooxda Southampton kadib markii lagu qabtay 1-1.

Sergio Agüero ayaa hogaanka u dhiibaya Man City daqiiqadii 10 aad in kasta uu qasaariyay goolal badan.

Xiddiga u dhashay Italy Pablo Osvaldo ayaa ka dhaliyay Man City gool aan la rumeysan karin 1-1.

Wiilasha Jose oo ku hor kufay garoonka kooxda Stoke.

Stoke City oo si lama filaan caawa Guul taariiqi ah ugu gaartay kooxda Chelsea 3-2

Goolka Chelsea ayaa ku horeysay wxaana u dhaliyay daqiiqadii 10 aad Andre Schürrle,hasayeeshee Peter Crouch ayaa bar bareeyay 42 daqiiqo.

Qeybtii labaad Chelsea waxaa u saariyay goolka labaad Stephen Ireland,hasayeeshee Andre Schürrle ayaa mar kale 2-2 ka dhigay 53 daqiiqo.

Ugu dambeyn Stoke ayaa Chelse ka dhalisay goolkii guusha ee seddexaad daqiiqadii 90 aad Oussama Assaid.

Chelsea ayaa ku jirta haatan kaalinta Seddexaad waxaana ay leedahay 30 dhibcood.

Dhanka kale kooxda Livepool ayaa wali wadata guulaheedi isdaba jooga.

Liverpool ayaa ku raaxeysatay guul 4-1 oo ay ka gaartay kooxda West Ham United.

West ham ayaa goolka iska dhalisay daqiiqadii 42 aad Guy Deme ayaa iska dhaliyay taas oo fursad u noqotay Liverpool waxaana ay la timid goolkeedii labaad waxaana dhaliyay Mamadou Sakho 47 daqiiqo.

Martin Skrtel oo gool iska dhalis ku soo baxay ayaa gool iska dhaliyay 2-1 .

Luis Suarez ayaa dhaliyay goolka Seddexaad ee Liverpool daqiiqadii 80 aad,isaga ayaana dhaliyay goolka afaraad.

Suarez ayaa gool dhalinta Premier league ku hogaaminaya 15 gool.

Liverpool ayaaa ku soo laabatay kaalinta labaad iyagoo leh 30 dhibcood,farqiga goolasha ayey booska uga xoogtay Chelsea

Kulamada kale ee dhacay waxaa kamid ahaa:

FT Crystal Palace 2 – 0 Cardiff City
FT West Bromwich Albion 0 – 2 Norwich City 


Fiiro Gaar Ah, Hadii aad Mobile Kadaawaneyso Sawirada

Riix Halkaan




Source: laacib.so

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip