Xuska Xaajiyo Xaawo Sh Ooyaaye oo lagu qabtay Nairobi

0
Wednesday June 06, 2012 - 19:14:08 in Siyaaro by Xarunta Dhexe
  • Visits: 6474
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xuska Xaajiyo Xaawo Sh Ooyaaye oo lagu qabtay Nairobi

    Waxaa magaala madaxda dalka Kenya ee Nairobi lagu qabta xuska Allaah u naxariistee Xaajiya Xaawo Sh Ooyaaye oo aalaaba xilligaan oo kale la qabto waxaana xilligaan lagu qabta magaalada Nairobi gaar ahaan Degmada Kama-kunji xaafada Somaalida u badanta

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa magaala madaxda dalka Kenya ee Nairobi lagu qabta xuska Allaah u naxariistee Xaajiya Xaawo Sh Ooyaaye oo aalaaba xilligaan oo kale la qabto waxaana xilligaan lagu qabta magaalada Nairobi gaar ahaan Degmada Kama-kunji xaafada Somaalida u badantahay ee Eastleigh.
Xaajiyo Xaawo oo uu dhalay shiikha caanka ee macruufka ka ah dalkeena iyo dibada ee Sh Ooyaaye ayaa waxey aheyd Khaliifad weyn oo ka m id Khulufada Qaadiriya.

Xuska Khaliifada ayaa waxaa lagu billaabay qadmooyin qur'aan aqris ah waa sida caadad u aheyd Culamaa'udiinka Ahlusunna Waljameeca ee ay aalaaba sameyaan waxaana markii lagu dambe lagu xijiyeyqaar kamid ah Qasaa'idkii dadka saalixiinta ah ee diinta Islaamka kaalinta weyn kulahaa oo uu ugu Horreeyo Salliga Xabiibkeena Muxamed CSW.

Qur'aan aqriska iyo qasaa'idka macaan kadib waxaa halkaasi loogu hidiyeey Rasuulkena Muxamed CSW, Anbiyada SCW, Owliyada, Khaliifada la xusayey iyo dhammaan inta Muslimiin ah amwaada ah.

Galabnimadi ayaa waxa ay maamulka siyaarada qaban qaabiyeen Bannaanbax lagu soo gaba gabeynayo Siyaarada islamarkaana loogu duceynayo dhammaan kasoo qeybgalayaasha siyaarada hadey ahaan lahaayeen Culamaa'udiin, Odayaal, dhalinyaro, Haweenka iyo qaban qaabada siyaarada.

Bannaanbaxa ayaa waxaa ka xadreeyey Xelqada Uweysiya oo ka mid ah duruuqu Suufiyah iyadoo dadka kasoo qeybgalay ay ku raaxeysanayeen xelqada macaan ee uweysiya oo ay soo xaadireen dhalinyaro tayadooda sareyso islamrkaana isla helaya digrida jihada uu usocdo.

Gaba gabadii iyo gunaanadkii bannaanbaxa ayaa waxa halkaasi duco kusoo qatimay saaxibul Sajaadadal Qaadiriya (Hogaanka Duruuqul Qaadiriya) Sh Axmed Sh Uweys Sh Muxidiin Sh Uweysul Qaadiriya oo u dhammaan dadka kasoo qeybgalay siyaarada hadey ahaan lahayeen Culamaa'udiin, Odayaal, dhalinyaro, Haween iyo dhammaan maamulka iyo Qaban qaabada Siyaarada isagoo dadka faray in lala yimaado Alle ka cabsi waxaana uu sidoo kale u duceeyey dalkeena Soomaaliya oo dhibaatada ku habsatay in Ilaahey ka dulqaado islamrkaana u nasri ugu badalo waxaana uu aaqirkii Siyaarada uu Shiikha u duceeyey dhammaan Muslimiinta in Ilaahey maslaxo caam ah dhax dhigo gaaladana Ilaahey Jibiyo iyo kuwa diinta ku qarabta ee daafaha caalamka ku sugan oo dadka nacsiyey diinta Islaamka ayagoo qaraxyo iyo balaayo la daba joogo.

Culamaa'udiinka kasoo qeyb galay Siyaarada:

Sh AXmed Sh Uweys
Shariif Ceydaruus
Shariif Mukhtaar
Sh C/raxiin Sh Xassan Qoryooley
Macalin Ismaaciil C/lle Ax'ed
Sh C/wahaab C/llaahi Cali
Sh Muraad Macalin
Sh Abuukar Sh Ax'ed yare
Sh Liibaan Cismaan Shuuriye
Macalin Feysal

Qaban Qaabada Siyaarada:

Sh C/rasaaq Max'ud Barre
Sh. C/llaahi Baasto
Khaliif Daanyare
Khaliif Cumar Quuri
Khaliifad Cibaado
Khaliifad Hindi

Qoraa :Cali Sh Axmed (Caliyare)
Sawirqaade:Max'ud Sh Ax'ed Yare

Daawo sawirada












Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip