Murashax iyo Madaxdoon (Faalo, By Galeyr)

0
Saturday June 09, 2012 - 10:37:10 in Maqaallo by Xarunta Dhexe
  • Visits: 1632
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Murashax iyo Madaxdoon (Faalo, By Galeyr)

    Waa duni iyo waayaheed, waagii beryaaba waayihiis ayuu la beryaa, ummad weliba waxay ku waaberiisataa weji iyo nolol cusub, waa samaad ama waa dhibeed hadba wixii Weyne u qadaray, waqtiguna waa Macallin wuxuu ina barayaa dersi waaweyn oo mid welib

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waa duni iyo waayaheed, waagii beryaaba waayihiis ayuu la beryaa, ummad weliba waxay ku waaberiisataa weji iyo nolol cusub, waa samaad ama waa dhibeed hadba wixii Weyne u qadaray, waqtiguna waa Macallin wuxuu ina barayaa dersi waaweyn oo mid weliba wacyigiisa wato.
Waxaa muddooyinkan la soo dhaafay dhegaheena ku badnaa, Mashxarado iyo alalaas badan, xaflado lagu magacaabi jiray maamul goboleed iyo madaxweynayaal xaafadeed.

Beryahan danbesa subax walba iyo waagii beryaba waxaan maqalaa murashaxa Madaxweynanimada u taagan oo shir ku qabtay ardaa guri nagaadi lagu nasto (Hotel) ku wacay dad badan oo kala meeqaam iyo muuqaallo duwan misana kala da’a, qaarkood waa dhalinyaradii laga dhigtay Sharaxaad magaca ninka is sharaxaya dhar uu ku qoran yahayna loo geliyo ama sawirkiisa lagu soo xardhay, oo waxa dhacaya war uma hayaan, qaarka kale, waa da' dhaxaad, maan fadhiya laguma ogayn, meherad jirta laguma aqoon, magac u yeel aan la mahdin dheh, qaar ugu dambeeya waa odoyaal, si ahaan waa laba qeybood, qaab ahaanse waa mid, qaar shaxaad doon ah, dhawr boqol haddaan jeebka loo galin aan waxba fahmin, qaarka kale, waa qaswadayaal, ujeedkooda waa yaan la dagin, kan sharraxan iyo kan shiidi doona waxba kama galin, Dhaydaamo odoyeed!

Haddaba, inta aanan qormadayda dulucdeeda u degin, bal aan wax yar idin xasuusiyo shalay iyo maantoole aan soo marnay, tagto aad mooddo inay qalbigeena ka tirantay, Berisamaadkii ama xiligii nidaamka dowladeed shaqaynayey inta u dhaxaysa 1960-1990 30 sanadoode, waxaa dalka ka jiray jagooyin badan oo la qabto oo kala duwan, bal aan qaarkood carrabaabo si aan u xasuusiyo bulshada dhegahoodu aysan maqlin muddada dheer, Ilaahayoow ka abaalmari raggii eray bixiyey iyo kuwii hannaanshayba,waa na sidan: Wasiir, Xildhibaan, Agaasime, Isku Duwe, Maareeye, Maamule, Xoghaye, Afhayeen, Qasnaji, Xisaabiye, Madax waaxeed, Madax laammeed. Badankoodu waxay lahaayeen ku xigeyaal, haddase, sheekadu waxay maraysaa (Adiguna boqor baad tahay, Aniguna boqor baan ahaye, kumaa Dameerka hoggaamin doona!) nin weliba oo Soomaaliyeed waa inuu Guri iyo Gaadhi, Xafiis iyo jago uu xukumo oo Madaxweyne ah weliba helaa, haddii dadku wada madax noqdaan yaa shacab noqonaya?!

Haddaba, waxaa dadku inta badan afka ku hayaa, inuu dalku u baahan yahay isbedel, illeen dadkii waa wada Madaxweyne iyo Murashaxe, yaa dalka horumarinaya, oo hawlaha loo baahan yahay fulinaya? Bal is weydii, halkee ayaynu ka heli doonnaa hawlaha ina sugayaa masuuliyiintii fulin lahayd?.

Dalku miyuusan u baahnayn Waxgarad ilaaliya Shuruucda, Xeerarka iyo nidaam dalka u degsan, iyo Xildhibaano aqoontooda leh? Dalku miyuusan u baahnayn Garsoor caddaalad ah oo eex ka fog, kalana saara madaxda dalka maamush iyo shacabka?

Dalku miyuusan u baahnahayn Xeeldheerayaal ciidan oo dhisa ciidamada dalka, ee kala duwan Badda, Cirka, Dhulka iyo Sirdoonka?

Dalku miyuusan u baahnayn Macallimiin iyo bareyaal la dagaallama jahliga iyo Aqoondarrada una diyaariya dhallinyarada mustaqbal iyo nolol wanaagsan?

Dalku miyuusan u baahnayn Dhakhaatiir Dadka iyo duunyada iyo delegaba dawaysa?

Dalku miyuusan u baahnahay injinneerro iyo muhandasiin dhinacyada dib u dhiska, bilcinta iyo kor u qaadista tayada qaab nololeed ee bulsho?

Dalku miyuusan u baahnayn Farsamo yaqaanno ku xeeldheer dhinacyada kala duwan ee farsamada gacanta?

Dalku miyuusan u baahnayn Duuliyeyaal kaxeeyaa oo kicitimiya diyaaradaha iyo gaadiidka cirka?

Dalku miyuusan u baahnayn Badmaaxayaal xaawiya oo sabbeeyaa badaha korkooda, oo dar ilaaliya, dar wax ka soo saara iyo dar u kala gooshaba dunida?

Dalku miyuusan u baahnayn Hal abuur farshaxan, jilayaal, Hoobollo ku naalooda oo ku dhaata astaana u ah dhaqankooda, oo bulshada haga oo hanuuniya?

Dalku miyuusan u baahnayn Culumo wanaagsan, oo diinta ku baraarujiya dadka, kuna kala saarta xaq iyo baadil, una sheega if iyo aakhiro wixii anfacaya?

Haddaba bulshayahay Soomaaliyeed inagoo intaasoo hawl iyo ka badan na sugayso, dalkiina looga baahan yahay, maxaa sababay inaan isku koobno hal meel, hal kursi, oo shaqooyinka baaxaddaa leh oo aan la’aantood waxba suura galayn loo dayacayaa oo baylah looga dhigay? Aysana jirin cid u diyaara inay qabtaan hawlahaa.

Prof aqoonta laga sugayey waxuu rabaa Madaxweyne! Dr Caafimaad looga fadhiyey waxuu rabaa Madaxweyne! Ing Dhismaha dalka iyo dib u dhiska looga fadhiyey waxuu Rabaa Madaxweyne! Lawyer Shuruucda iyo qawaaniinta looga fadhiyey waxuu rabaa Madaxweyne! Dhaqaale yahankii horumarka iyo hannaanka dib u habaynta bangiyada looga fadhiyey waxuu rabaa Madaxweyne! Deegaanyahankii looga fadhiyey Sadaalinta Cimilada iyo Horseedka bulsho ee ku salaysan ka hortaga Aafooyinka, Abaaraha, Biyo la'aanta waxuu Rabaa Madaxweyne! Shiikhii Wacdiga, waxsheegga iyo baraarujinta looga fadhiyey wuxuu rabaa madaxweyne! Haweenkii oo awal hore cudurkan aanu saamayn hadda waxay rabaan Madaxweyne!

Madaxweynoow lagu jecel, waxaan mar walba oo aan magacaas maqlo igu soo dhacda Xigmaddii Abwaan Mustafe Shiikh Cilmi ee ahayd: “Madaxweyne Mar i dhaha” waxaa kaaga daran, iyada oo la ogyahay sida xaal yahay, oo aanay cidna ka dahsoonayn, ayaan jirin nin socda inuu dalka iyo dadka u adeego, ee nin weliba wuxuu rabaa kaliya in magaciisa laha hor marsho magaca Madaxweyne, wixii meesha yimaada madaxiisa laga shubo, haddii wadaniyad, waxqabad iyo badbaado loo ordi lahaa ma ciil baan qabi lahaa Soomaaliyeey!

Waxaan qormadayda ku soo afmeerayaa, kursigu waa mid keliya, inaguna waan badan nahayoo nama deeqee, nin ha loo daayo, oo weliba dadka ha kala sugtaan, oo markiiba bal ilaa shan lagu eego, ninka ku soo baxa, balse, haddii beel walba iyo jufo walba 40 iska soo sharaxdo, jahawareer baa imanayaa, guuldaraduna way badanaysaa, adigoo og inaadan Madaxweyne noqonayn ama lagu dooranayn, ha na wareerine, nin weliba reerkiisa ayaa Madaxweynenimo uga baahane ha ku ekaado.

Waxaan ku soo afjarayaa tixdan kooban:



Madaxnimada mooyee

Murashaxa ordaayoow

Macne kale ma haysaa?!



Milge maxaad u leedahay?

Maxaad maanta ka horoow

Maatada dalkaagiyo

Maxasta u samaysoo

Mudane, lagugu doortaa?



Mise magacan baasbaa

Adigana ku madax maray

Mar uun meesha gaadhbaa

La maqiiqan tahayoo

Maqal iyo ogaaliyo

Maba lihid majare saxan!



Mabd’a lagugu aamino

Iyo mawqif horumara

I maqlayda mooyee

maxaa mudane kuu dheer?!



Cabdiraxiin Hilowle Galayr

galayr1977@hotmail.com


Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip