Gabayga:Dareen Shacab!– (By Galeyr)

0
Saturday May 25, 2013 - 13:00:19 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 1717
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gabayga:Dareen Shacab!– (By Galeyr)

    Daryeel Shacab. Gabaygan waxaa uu ka turjumayaa Muhiimada Maamulka iyo dowladnimadu leedahay iyo inay tahay arrin daruuriya oo sida qofku ugu baahan yahay, Cuntada,Biyaha iyo Hurdada uu ugu baahan yahay, Maamul iyo nidaam iyo kala dambayn inuu he

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Daryeel Shacab. Gabaygan waxaa uu ka turjumayaa Muhiimada Maamulka iyo dowladnimadu leedahay iyo inay tahay arrin daruuriya oo sida qofku ugu baahan yahay, Cuntada,Biyaha iyo Hurdada uu ugu baahan yahay, Maamul iyo nidaam iyo kala dambayn inuu helo meel kasta uu joogo.
1. Deelka gabayga, diiwaan murti leh, Dedan wax loo sheego
2. Dan ka hadalka, doodii waxtara, Daacad lagu taaro
3. Damal geeynta, xaajada delegan, Duqayda loo saaro
4. Dacwadeedu goortay dhacdana, La iska daaweeyo
5. Dakanadii horaatana la dhayo, Daanadiyo boogta
6. Diyo iyo wanaag lagu dabaqo,Ddeeble laga dhiibo
7. durtaba saamax laga qaatee, Duco la raacsiiyo
8. Dabkii baxayey baa lagu danshaa, Dirir colaadeede
9. Dadkii kala durkaa lagu helaa, Dib u heshiintoode
10. Dirirkeedii suugaanta waa ,Daawo dhalinteede
11. Difaacii xumaantay ahayd , Doorka nabadeede
12. Dayr iyo gu’ dayey ahayd, Doog ka soo baxa e
13. Dalo iyo waxsheeg bay ahayd, Daacad loo hura e
14. Darka ceelka iyo bay ahayd, Dawlis aan go’ine
15. Dalaalimo wanaageey lahayd, Lagu daryeelaaye
16. Dugsi iyo aqoon bay ahayd, Lagu dareeraaye
17. Dayax nuurayiyo bay ahayd, Dab u iftiimaaye
18. Deegaan barwaaqay ahayd, Lagu dalxiisaaye

19. Doodeeda anigoo xidhoo , Daayey gebibeedba
20. Ayuunbaa durbaan lay tumay, Aan ku diirsadaye
21. Da,yartii dalkaygaan arkayo, Door ka soo baxaye
22. Niman danaha guud wada ayaa., Daayin soo diraye
23. Diiwaanka ruuxii galaa, lagu daraasayne
24. Dariiqyadi xidhnaan jiray, raggaa layrarka u daaray
25. Ee nabadda doonaaya iyo ,Dowladnimadeeda
26. Inaad dacal istaagan rabaa ,Dood u mariyaaye
27. Dadku inuu nabdaan doonaya, Dib u heshiiyaaye
28. In dagaalka laga joojiyo, Dirirta naafaysay
29. Degelki burburey doogsadoo, Doogtii laga reeysto
30. Oo dabaqdheer laga dhisiyo ,Duni iftiimaysa
31. Oo daacad loo dhaqo shacbiga, Dacaladeed yaala
32. Dugsiga islaamkiyo la furo, Door aqooneedka
33. In la daayo xumahaan rabaa Samo la doonaaye
34. In dedaal waddaniyeed lagalo, Duunyo lagu doonin
35. Ama daraja iyo magac la rabin Daacadnimo uuna
36. Oo deeqna lagu sii baxshaan Doonayaa abide.

37. Duqaydiyo caruurtaan rabaan Inaan dugsiinaaye
38. Dhalinta iyo dumarkaan rabaa, Inaan daryeelnaaye
39. Dadkaygoo dhan baan doonayaa , Inaan u duubtaane
40. Inta ruux damiir laan rabaa, Inay dareemaan
41. Intaas waa danti guud dadyahaw ,Lagama dayrshaane
42. Bal aan dulucda hoosiyo u dego, Ararta duubkeeda.


43. Dadkuna waa xigaaliyo duriyad, duudii soomaale
44. Danta lama huraan, waa dalkiyo, diinta eebahaye
45. Dadkuna waa kuwii loo diraye , daayacayn abide
46. Dalkii waa kanoo dowladnimo , Laysku wada diidye
47. Nin waliba halkuu dego hadduu, Daacad u ahaado
48. Oo dayrtoo oo maamul iyo ,Doorsan ka abuuro
49. dadweynihiyo shacabkaa degani helo, Daryeel fiican
50. Miyaa laysku diidaa dunidu, Way ku socotaaye

51. Dakanadiyo dhiiladii horiyo, Dirirtaan soo dhaafnay
52. Dura waxii la soo maray dad, Weli doonayaa jira e
53. Darsi umaysan noqon daanadiyo ,Duulankii hore
54. Dambiyadii Shalay doonayaan, Door labaad kale
55. Diin ruux ka been sheegaya,Damac hubaalaysan
56. Isku duubni ruux diidanoo ,Beelnimo u duuban.
57. Dibindaabyadii hore mid fali ,Weli dariiqeeda
58. Mid uun dooni duul wada dhashay, Diradireyntooda
59. Deegaanka Soomaaliyeed ,Deyr ku kala oodi
60. Miyaa ruux damiirliyo, dal jire ,Weli ku doodaaya.
61. Federaalku waa daano iyo ,Dabin gumaysaade
62. Waa inaan dib loo arag midnimo, Lagu dakayeeye
63. Waa inay difaac kala galaan, Deriska deegaane
64. Waa inaynu duulaan mar kale, La is duqeeyaaye
65. Waa iney dadkuna kala durkaan, Dirir Bilowgeede
66. Ninkii dowlad Soomaaliyeed ,Diiday maqalkeeda
67. Ee dano qabiil doonayoow ,Daalin baad tahay
68. Dersi nimaan ka baran daqaradii ,Gaadhay baad tahaye
69. Dood ruux qaboo weli darxumo, Doonayaa tahay

70. Dabka aad shidaa daalinoow, Wuu ku diliyaaye
71. Dabinkaad xidhaa dirdiroow, Waad ku dagantaaye
72. Daleeshaad dhigtaa xaajada, Ku darnaan abide
73. Darajiyo wanaag laguma helo, Docodocayn jaane
74. Allow yaa dar bay tuban tahaye, Dib uga soo foofsha
75. Allow yaa dubihii shalay ku dhacay,Daawasho u geeya
76. Allow yaa darxumadey mareen, Dib u xasuusnaada
77. Allow yaa digtii iyo damtii, Dirirta maantoole
78. Ee danabyadeedii midh tirey, Daaya garansiiya
79. Naga daaya duul kala saftiyo, Dacarta laaqeeda
80. Oo dowladnimo waa jannee, Doona hadafkeeda.
81. Damal iyo hadh weeye dugsiga, Noloshu ay taale
82. Isku duubni guul weeye ,Doona Qarankeena
83. Danbi maaha ruux ii dantiyo ,Dowlad curiyaaye
84. Kuwa duubtay maantoo dedaal, Guula weeyaan
85. Haka daalinaan odhan lahaa waa, La degayaaye
86. Waxba gabaygu yuu ila durkine ,Waxaan ku soo dayray
87. Naftu waxay dareentaa dadyahaw ,Dowladnimo weyne
88. Dadku waxuu gaajaysan yahay ,Maamul daacada,he
89. Dantuna waa dadkoo wada dega ,Oon lays durayneeyne

90. Allahayoow adigaa daayimaoo ,Cidi ku diidayne
91. Adigaa dunidan weyn iska leh ,Dood lagaa geline
92. Rabiyoow dadkaagaan nahaye ,Nabad na daawaysa
93. Darxumada na haysiyo rabiyo ,Diifta naga qaada
94. Naga dami dabkaan iyo danbigay ,Gaadhay dunidoo dhan
95. Ilaahay degani noogu deeq, Dowladnimo taam ah.
96. Ducada naga Ajiib Daahiroow,Daacad baan nahaye
97. Dadkaagaan nahaye daayimoow , Diinta nagu toosi !!!


Cabdiraxiin Hilowle Galayr
Galayr1977@hotmail.com


Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip