Faalo” Ka hadlaysaa dhibaatada umada soomaaliyeed iyo dhalinta wareerka ka haysta dalkooda (By, Galeyr)

0
Friday September 03, 2010 - 16:47:19 in Maqaallo by Xarunta Dhexe
  • Visits: 1762
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Faalo” Ka hadlaysaa dhibaatada umada soomaaliyeed iyo dhalinta wareerka ka haysta dalkooda (By, Galeyr)

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dulucda Dagaalada soconayaa waa  sidan
Dalkii nacsiinay Dadkane , Diintana Badidood haka Dideen
 
 
Qormadan waxaa igu dhaliyay  dhacdo aan la kulmay maanta oo na dhexmartay aniga iyo dhalinyaro qurbaha qaarkoodna ku koreen qaarkoodna ku dhasheen .
 
 Waxaa nasiibku ii saamaxay inaan maanta   kulano dhalinyaro badan oo soomaaliyeed  dhalinyaradan oo dhamaantood uusan ku jirin nin arkay soomaaliya oo dowlad iyo maamul leh
 
Waxay dhamaantood ka sheekaysanayeen mustaqbalka waxaana sheekadoodii ku dhamaatay
Dad aan lahayn dal oo aamisan wadankan magangelyada siiyay ee yurub ka mida
Waxuu nin waliba sheegayay waxaa uu jecelyahay mustaqbalka waxaan ka waayay nin mar qura soo qaada wadanka  ama soomaaliya ayaan waxaa samaysan rabaa ama ku rajo waynahay ama wax u qabanayaa ama degayaa  mustaqbalka.
 
Waxaan waydiiyay miyaydaan wadankiina inaad ku noqotaan oo wax u qabataan rabin
Waxay hal mara iigu jawaabeen wadankee ayaad sheegaysaa ?
 
Waxaan ku celiyay soomaaliya  wadankiina hooyo saw maaha ayaan waydiiyay,
 waxay ii sheegeen inay aaminsan yihiin jinsiyad ahaan inay soomaali yihiin balse wadankoodu uusan ahayn wadan bani aadam ku noolyahay cid niyaysanaysaa ama ku riyoon kartaana aysan jirin qofkii tagaana uu dhimanayo ama la xidhanayo ama la qarxinayo.
 
Waxaa uu i waydiiyay wiil ka mid ah adiga waligaa ma aragtay soomaaliya oo dowlad leh subixii shaqo iyo school laga aado booliis leh , shineemo  leh,  baarar iyo hoteelo leh waxyaabaha  aduunka laga isticmaalo leh oo aan dagaal ka socon.
 
Waxaan u sheegay inaan arkay oo ay wadanka aan joogno la mid ahayd 20 sano ka hor waan ka dhaadhicin waayay kuligood waxaanay dantu igu qasabtay inaan meel kambuuter leh la raadiyo
Oo aan raadiyo  muuqaalada duubaan ee taariikhiga ah (Somali Documentary)
Markay arkeen ayay u qushuuceen oo ay rumaysteen sheekadaydii  inay dhab tahay ayay isku raaceen  waxay kale oo ka markhaati kaceen hadaan dhibaatadu ka dhici lahayn
Inay ka fiicnaan lahayd wadamada yurub badidooda.
 
Waxaan soo xasuustay maansadii  abwaan maxamed ibraahin warsame hadraawi ee uu lahaa
Isaga oo ka faaloonayaa waxuu dalkani lahaan jiray soomaaliya iyo sidii ay xaalkiisu ahaa  iyo sida uu haatan yahay in ay maqan yihiin inta tiir ee maansadan ku xusan oo dhami iyada oo la heli maahane aysan suuragal noqon karin in la helo wadankii lumay iyo qarankii dumay. Waxuu yidhi abwaanku:-

 Dal iyo magac bay lahayd
dad iyo mudan bay lahayd
duunyiyo mahad bay lahayd
diin iyo dhaqan bay lahayd
duug iyo dhaxal bay lahayd
 dan iyo tacab lahayd
dedaal xejiyey lahayd
dabaylo hadday ruxaan
durbaan weriyey lahayd
 awaal deyis bay lahayd

 dawiyo kabashay lahayd
xidhiidh degsan bay lahayd
 dagaag sharafay lahayd
 duciyo nabad bay lahayd
 caqiibo danbay lahayd
han iyo dugsashay lahayd
 deeq iyo hirashay lahayd
duddiyo gacal bay lahayd
 dareen xidid bay lahayd
 xormiyo deris bay lahayd
dul iyo magan bay lahayd
 xishood dedan bay lahayd
dux iyo soddoh bay lahayd
 dumaashi dhan bay lahayd
 dad kala guran bay lahayd
rag iyo dumar bay lahayd

 nin door taliyey lahayd
marwiyo degel bay lahayd
duq iyo garashay lahayd
 haween darbban bay lahayd
 barbaar diran bay lahayd
habliyo dardaray lahayd
halyey diriray lahayd
darmaan boqran bay lahayd
 duud iyo oday bay lahayd
 da' weyn iyo da' dhexay lahayd
 da'aad yaryar bay lahayd
 
 is daadihin bay lahayd
deryaale cad bay lahayd
 dalaandaliyey lahayd
 horweyn dalmaray lahayd
 irmaan dararey lahayd
 hal iyo dalawey lahayd
 wan dool culus bay lahayd
 sal iyo daab bay lahayd
dallaayad saray lahayd
shishiiyo duluc bay lahayd
 wixii dumey bay lahayd
 
dhalinyaradii ayaa waxaa ka mid ahaa waxyaabaha ka yaabiyay markaan u sheegay in soomaaliya lahayd masaaniic ama warshado wax soo saara, sida warshada sigaarka, warshada saabuunta , warshada hilibka , warshada dharka, warshada  sonkorta, warshada baastada, warshada shamiintada  warshada  kaluunka ,Warshada khudaarta iqb.
 
Waxay igu yidhaahdeen ma wadan afrikaana oo saboola ayaa waxaas oo warshada yeelan kara wadankan aan joognaa xitaa malaha badidooda warshadahaa aad sheegtay .waxaan u sheegay inaan lahayn waxaas oo dhan  waliba  soomaliya ay dheerayd  oo laga helayay  waxbarasho lacag la,aan ah ilaa heer jaamacadeed,caafimaad lacag la,aan ah  inaan lahayn dakado   garooma diyaaradeed, goobo dalxiis iyo geyi barwaaqaysan oo bad iyo bariba laga xamaasho.
 
Waxay I waydiiyeen waa imisa tirade dadka soomaaliyeed waxaan u sheegay in lagu qiyaaso  8 milyan ilaa 9 milyan ,waxay igu yidhaahdeen ajaanibka wadankan ku nool ayaa ka badan tiradaa muwaadinka   waxaa lagu qiyaasaa  12 malyan waanad aragtaa nabad ayay kula noolyihiin dadkan ee maxay  tahay sababta ay isku dilaysaa soomaali ee dhibaatada iyo colaadaha ku kelifay  haday sidaa ahaan jireen hadana samaysan karaan wadanka nimcadaasi taalana haystaan.
 
Waxaan ku idhi waxaa jirta cilad farsamo oo ilaa hada la saari la, yahay oo shisheeye aya nagu shaqaysanayaa, waxaana taladii gacanta u gashay ma naxayaal iyo dad aan lahayn wadaniyad .
 
Way ila yaabeen waxay iigu jawaabeen shisheeyaha  makaa yeelayaa wadankaaga burburi oo dadkaaga dil isaga markiisa hadaad  dhahdo , waxaan ugu jawaabay maya
 
Waxay I dhaheen maxay tahay sababta soomaali u yeelaysaa una fulisaa danaha shisheeyaha
Waxaan ugu jawaabay aniguba garan maayo,  waana arin  iswaydiin mudan oo  cajiiba?
Waxay aad uga xumaadeen oo ka qushuuceen  wadankoodu siduu ahaan jiray  iyo hada sida uu yahay  farqiga u dhaxeeyaa iyada oo aan hadana la ogayn sababta uu sidaa ku noqday:
 
Mid ka mida ayaa waxuu yidhi  haddii soomaalida oo dhami  yihiin dad  isku af, isku diin, isku midab isku dhaqan isku dal ah  oo  walaalo ah waa umad nasiib badan  hadana waxaa nasiib daro ah inuusan jirin qof og waxaay  isku dilayaan ama sababta colaadaha iyo dagaalada  oo si sax uga jawabi kara
Ama kaa siin kara arin cad oo aad ku qanacdo,  mid ayaa ku dhahayaa , waa amar ilaahay, mid waxuu ku dhahayaa waxaa laysku dilayaa qabiil, mid waxuu dhahayaa waxaa laysku haystaa siyaasad iyo anigaa madax noqonayaa, mid waxuu ku dhahayaa  waxaa laysku dilayaa diinta, mid waxuu ku dhahayaa wadanka ayaa cadow ku soo duulay,mid waliba waxuu rabo ayuu ku sheegayaa ilaa hada wax sax ahi ma jiraan.
 
Waxaan aniga iyo dhalinyaradii isla qirnay , laba arimood, aqoondaro iyo qabiil iyo wadaniyad la,aan inay  ka jirto soomaaliya sidaa awgeed shisheeye iyo sokeeyaba u sahlayso inuu waxuu doono ka sameeyo wadanka soomaaliya.
 
Waxaay mar kale I waydiiyeen diinta islaamka dadka haystaa maxay isu dilaan isu qarxiyaan
Saw diin saxa maaha sida waalidka iyo macalimiinta noo sheegeen mise maaha dadkaasi muslin dhibaatada kuwada diinta?
 
Waa su,aal  adag oo u baahan ka baarandeg, waxaan u sheegay inaysan dadkaasi diinta dan ka lahayn iyo sumcada muslinka ayna yihiin dad maafiya ah oo lacag ku qaata sidii diinta loo xumayn lahaa si diinta islaamka ay u diciifiyaana ay xumaanta u sameeyaan si islaamka loo dhibsada ay falalka naxdinta leh u sameeyaan maadaama aysan jirin dowlad  awood leh oo ka difaacda ama ilaalisa xuquuqda diinta iyo  caqiiada islaamka waxuu waqtigu u saamaxay inay  umada islaamka iyo magaca islaamka dhibaateeyaan.
 
Waxaan tusaale u siiyay , bal fiiri sucuudiga , masar khaliijka, malaysiya, singabore , wadamadaas oo dhami saw ma fiicna waxay iigu jawaabeen haa , waxaan dhahay kuwaasiba waa muslin balse wadamada fawdada ka socoto ayaa waa waxyar waxaana badan kuwa  muslimiinta oo dhami nabada ku joogaan lagulana joogo  wadamada dhibaatadu ka jirtaana waa sida   Somalia,  Afganistaan, Ciraaq, jeejniya  Bakistan iyo kuwa kale.
 
Bulshada soomaaliyeed waxay markhaati ka yihiin inaan siyaasi daacad ah joogin  culumo daacad ahna dagaalamayn,balse dulucdu tahay  dalkii nacsiinay dadkane , diintana badidood haka dideen
Waxaa la gaaray waqtigii la dareemi lahaa damaca siyaasada waalan iyo dukaamaysiga diinta lagu hayo dadka soomaaliyeedna dantooda ka tashan lahaayeen.
 
 
Diinta , dhaqanka, dareenka, midkoodna dan uma aha ee dagaalada joojiya
Duqayda, dumarka, da, yarta, midkoodna dan uma aha ee dagaalada joojiya
Dalka , duunyada, degelka soomaaliyeed midkoodna dan uma  aha ee dagaalada joojiya
 
 
Dil walaal guul laguma gaadho
Dalkaaga oo aad gubtana guul laguma gaadho
Dirica oo aan dishona guul laguma gaadho
Dab aad gurigaaga ku shidano guul laguma gaadho
 
Daa,imoow naxariis
Daa,imooow danbi dhaaf
Daa, imoow nabad dooraa
Daa,imoow  dal barwaaqo
Daa, imoow nagu deeqoo
Ducadeena ajiib
 
Daa, imoow degel raaxo
Daa,imoo dhalin doora
Daa.imoow duqay fiican
Daa,imoow isku duubni
Daa, imoow, cir daruur leh
Daa, imoow, daacadaada
Daam,imoow nagu deeq
Ducadeena ajiib
 
Aamiin aamiin aamiin
Aamiin aamiin aamiin
 
Waa Qalinkii
Cabdiraxiin Hilowle Galayr
Galayr1977@hotmail.com

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip