(Toogasho) Ugaarsi xoogan oo lagu haayo waxgaradka Soomaaliyeed.

0
Friday April 14, 2017 - 08:44:45 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 2413
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    (Toogasho) Ugaarsi xoogan oo lagu haayo waxgaradka Soomaaliyeed.

    Nabadoon Shire Doongaale oo ka mid ah nabadoonada caanka ah ee magaalada Muqdisho ayaa rag bastoolado ku hubeysan toogasho ku dileen caawa xaafada Laba-dhagax ee degmada Warta Nabada ee magaalada Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Nabadoon Shire Doongaale oo ka mid ah nabadoonada caanka ah ee magaalada Muqdisho ayaa rag bastoolado ku hubeysan toogasho ku dileen caawa xaafada Laba-dhagax ee degmada Warta Nabada ee magaalada Muqdisho.

 
Ragii ka dambeeyay dilka nabadoonka ayaa la sheegay inay goobta ka baxsadeen iyadoo halkaa ay gaareen ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka hase yeeshee ku guuleysan waayay inay soo qabtaan ragga ka dambeeyay falka dilka ah.

Nabaddoon Shire ayaa ka mid ahaa Ergadii Xildhibaanada ku soo doortay magaalada Cadaado ee dowlad goboleedka Galmudug.

Ma jirto cid sheegatay dilka nabadoonka hase yeeshee waxaa uu ka mid noqonayaa dadka loo diley doorashadii ka dhacday dalka iyadoo hore loogu diley magaalada Muqdisho iyo magaalooyin kale oo dalka Soomaaliya kamid ah dad ka qeybgalay doorashooyinkii ka dhacday dalka.

 
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip