Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu dilay Dalka Koonfur Afrika + Sawirro

0
Saturday November 24, 2018 - 09:50:50 in Wararka by Warsheekh Muqdisho
  • Visits: 1477
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu dilay Dalka Koonfur Afrika + Sawirro

    Waxaa xalay Xaafad lagu Magacaabo Hanover Park oo hoos timaadda Magaalada Cape Town ee dalka Koonfur Afrika lagu dilay Muwaandin Soomaaliyeed,kaasi oo kamid ahaa Ganacsatada Soomaalida ah ee Magaaladaasi ku ganacsata.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa xalay Xaafad lagu Magacaabo Hanover Park oo hoos timaadda Magaalada Cape Town ee dalka Koonfur Afrika lagu dilay Muwaandin Soomaaliyeed,kaasi oo kamid ahaa Ganacsatada Soomaalida ah ee Magaaladaasi ku ganacsata.

Marxuumka la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Hilaal Xirsi Jaamac,waxaana uu kamid ahaa Soomaalida muddo dheer joogtay Koonfur Afrika.

Sida ay Xaqiijiyeen qaar ka mid ah Ganacsatada Soomaalida ee Magaaladaasi, Marxuumka dilkiisa kadib ayaa waxaa goobta ka baxsaday Kooxdii ka dambeysay Weerarkii lagu dilay Hilaal Xirsi.

Qaar ka mid ah dad ay saaxiibo dhaw ahaayeen Hilaal ayaa sheegay in Kooxdii dilka u geysatay ay baxsadeen ka hor inta aan goobta aysan tagin Ciidamada Booliska.

Muddooyinkii dambe ayaa waxaa sii kordhayay weerarada loo geysanayo Ganacsatada Soomaalida ee Koonfur Afrika ku nool,waxaana goobaha ay ka dhacan dilalka iyo dhaca loo geysto Ganacsatada Soomaalida ah taga Booliska Koonfur Afrika,iyagoona halkaasi ka sameeya Baaris aan kasoo bixin wax Natiijo ah.
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip