Faallo: Fitnada Federaalka– (By Galeyr)

0
Tuesday March 13, 2012 - 05:01:05 in Maqaallo by Xarunta Dhexe
  • Visits: 2045
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Faallo: Fitnada Federaalka– (By Galeyr)

    Fitnada Federaalka Waxaad arkaysaa dad jibaysan, oo calallo iyo maryo midabyo leh oo magacyo lagu xardhay qaarkoodna farshaxan qurux badan lagu daabacay iyo astaamo lagu yaqaan carriga Soomaaliya la socdaan, waxaa hawshan lagu mashquuliyay dh

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Fitnada Federaalka Waxaad arkaysaa dad jibaysan, oo calallo iyo maryo midabyo leh oo magacyo lagu xardhay qaarkoodna farshaxan qurux badan lagu daabacay iyo astaamo lagu yaqaan carriga Soomaaliya la socdaan, waxaa hawshan lagu mashquuliyay dhalinyaro badan iyo haween oo la isku yiraa: “Gaas Dhagoole!”, oo ku soo koray xilliga dowlad la’aanta, intii ka badbaadday dagaalladii baahsanaa ee sokeeye, calamadan iyo magacyadan faraha badan waxaa gadaal kaga wada taal State iyo Land . Maxay yihiin calamadan ama calaladani?

Waxaa inta badan aqoonyahannadii Soomaaliyeed ee lahaa Prof, Dr, Ing, Falsafuuf iyo Indheer-garad, ee laga sugayay inay badbaadiyaan oo samata-bixiyaan umaddooda, nin waliba qaytay oo hankiisa iyo hamigiisa ku koobay wax dhan Afar Km, isaga oo aqoontiisii iyo siyaasaddiisiiba ku koobay inta beeshiisu degto iyo jufada uu ku abtirsado, sanadkii la soo dhaafay bishii April ayaan waxaa ka qoray maqaal, aan maamulgoboleedka kaga hadlayay oo ciwaankiisu ahaa sidan (Maamul Goboleedyadu Ma Guul la Gaadhaybaa Mise Waa Geeri iyo kala Guur Hor leh? Markaas maysan jirin maamullo badan oo hadda lagu dhawaaqay, mana aysan jirin kuwo hadda soo socda, waxaa ii muuqday ifafaalaha siyaasadeed, Annigoo aad ula yaabanayaa kala qoqobkii qabyaaladdii iyo dhibaatadii laxaadka lahayd ee hore inoo soo martay, ayaa waxaad mooddaa inaynu leenahayba naguma filnayn casharkii hore ee mid cusub ayaan u baahannahay .

Maxaa u sababa Maamulladan badan?

Sida aan wada ognahay, dowladdii Imbaghati ayaa waxay la timid arrin nagu cusbayd, oo la yidhaahdo (Federlasm), sharcigan oo qolo weliba sheegayo inay xaq u leedahay xaafaddeeda, xad iyo xeer u samaysato, calan iyo summad gaarana yeelato, haddaba aritan oo Soomaalida ku ahayd wax cusub, ayaa dadka qaarkii u riyaaqeen, balse, dadka yaqaan Federaalka iyo sababaha loo sameeyo iyo cidda samaysan karta federal aad ayay uga digeen.

waxaa la yidhi waxaa lagu raadinayaa xal, waxay ka dhigantahay ninkii bukay ee la gubay, ee la yidhi xanuunkaagii hore kan danbe ku illow, ee markuu asqoobay la weydiiyey: “Sidee tahay, xaalkaaga ka waran?” ee yidhi: “Waa fiicanahay” muxuu kaloo odhan lahaa! Hadduu yidhaahdo waa jiranahay armaaba wax dabka ka sii daran lagugu sameeyaa ayaa ku jirta, federaalkiina sidaasoo kale ayaa ummaddii loogu jujoobay.

Ma inoo Danbaa mise waa Dulmi hore leh?

Haddii aan kala oodanno deegaamada, oo aan awooddeena qaybino oo aan tafaraaruq xal u aragno, danteena guud ahaaneed ma ku jirtaa? Mise qolyaha (Madaxweyne mar i dhaha ) xigmaddii uu yidhi Abwaan Mustafe Sheikh Cilmi ayaan tooda fulinaa? Su’aashan waxaan u dhaafayaa jawaabteeda aqristaha iyo guud ahaan umadda Soomaaliyeed ee arintani khusayso.

Khilaafka hadda iyo maamul goboleedka ?

Madaxda dowladda ku meelgaadhka ah, ayaad mooddaa inay iska indhotiraan xaqiiqada, waxaa muran ka taagan yahay maamullada cusub ee hadda dhulka laga xoreeyay kooxda Shabaab iyo maamulka cusub ee Khaatumo, maxay tahay sababtu? maxay ku kala duwan yihiin maamulladii hore looga dhawaaqi jiray ? Waa sax iyo waa khalad midna lama odhan jirin? Muxuu salka ku hayaa khilaafka ka soo baxayaa golaha wasiirrada iyo madaxweynaha ee ku saabsan maamullada cusub ?.

Ka soo billow maamullada la sheego, Puntland, miyaad maqasheen weligiinse aragteen Puntland oo Golaha wasiirrada la marsiiyay oo Baarlamaanka la horgeeyay oo Madaxweyne saxeexay, oo xad iyo xeer iyo xuquuq loo sameeyay ? Wax aan ahayn in dadka deegaankaasi maamul u gaara samaysteen, Puntland ma ka haysataa aqoonsi iyo sharci Dowlada dhexe? Xad u gaara oo sugan ma leedahay ? Xeer iyada iyo Dowladda u dhaxeeyaa ma jiraa ? Waxaan u malaynayaan inaan su’aalahan jawaabtooda cid haysaa jirin, laakiin, qof weliba arkay labada Madaxweyne ee isku awoodda iyo miisaanka ah midna Xamar joogo midna Garoowe, saw lama odhan karo Puntland ma aysan buuxin shuruudihii maamulgoboleedka looga baahnaa ? Maadaama aysan dowladdu ansixin, wareegto dowladeedna aysan haysan.

Sidoo kale, yaa arkay meel Galmudug lagu marsiinayo Golaha wasiirada, Baarlamaanka iyo Madaxtooyada? Xeer, xad iyo xukunna lagu sameeyay ama aqoonsi lagu siiyay? Iyada oo aan ognahay baaxaddeeda iyo inta ay gaadhsiisan tahay awooddeeda maamul iyo dhaqaale.

Su,aasha isweydiinta mudan ayaa ah maxaa Hiiraan iyo Khaatumo loo yidhi ma waafaqsana axdiga ku meelgaadhka ah, mana buuxin kaalinta maamul goboleedka looga baahnaa ? (La jiifiyaana bannaan la joojiyaana bannaan) tani waxay ku tusaysaa maamulgoboleedkii ay doonayaan inuu sharci yahay, kii ay diidaanna uusan buuxin shuruudihii loo baahnaa, labadan maamul waxaa si toosa u diiday Ra’iisal wasaare Cabdiweli Gaas iyo ku xigeennadiisa Wasiirka Beeraha Maxe’d Maxu’d iyo Wasiirka Gaashaandhiga Xuseen Carab, ee dowladda ku meelgaadhka ah, haddaba wasiiradani ma hayaan caddaymo maamullada ay aqoonsan yihiin inay buuxiyeen iyo in kale ? Khilaafkan iyo hadalladan is burinayaa ee madaxda Dowladda ku meelgaadhka ah ka soo yeedhayaa, waxuu billow u yahay isqabqabsiga cusub ee Federaalka umadda loo horkacayo.

Maxaad u malaynaysaa Haddii cilladani beelaha u gudubto?

Haddii beeluhu billlaabaan inay calamo ka taagaantuulooyinka, oo ay nuuriyad mariyaan xadadka qaarkood, dhagaxyo magacyo ku qoran yihiin maamullo magacyadood ay ku sameeyaan iyo xuduud aan la taaban karin, oo ceel la wada degan yahay ama tuulo laba calan laga taago, oo laba maqaaxiyood oo iska soo horjeedda laba calan laga taago ( Allow yaa dadkayga uga diga dabinka loo daadshay , allow yaa dadnimadii horiyo dowladnimo raaca, allow ayaa dukaamadan la furay dacal isaga leexsha ) maamulgoboleedyada waxaa wanaagsan in la helo qaabkii xalka looga gaadhi lahaa, inta aan la samaynna waa inay dowladda ku meelgaadhka ah gebi ahaan kuwa jira iyo kuwa iman doona ka hortagtaa, iyaduna sida ku qoran axdiga ku meelgaadhka ah sida uu sheegay Wasiirka arimaha gudaha Abdisamad Macallin Mahamud Sheikh Hasan waxaa dalka ka jira ayuu yidhi 37 maamulgoboleed, marka lagu daray kii xalay lagu dhawaaqay ee Banaadirstate, waxaay noqonayaan 38 maamul goboleed iyo qaar hawada ku soo jira, gebi ahaan kuma dhisna hannaan iyo nidaam dowladeed, ee waa jufooyinkii shalay la kala baxay magacyadan, SSDF, USP, SNF, SPM, USC, USSC, USC/SNA, USC/SSA, SDM, SNM, SSNM, SNL, IQB , innaguma cusba is barbar orodka iyo nidaamyada ku salaysan beelaha, ee magaca Soomaaliyeed loo bixiyo ama lagu muujiyo astaan Soomaaliyeed balse hoosta ka beleysan,

Beel Keligeed Maamul ma noqon kartaa?

Haddii tusaale ahaan sida Puntland, Galmudug iyo Khaatumo, aan nidhaahno maamullo ha loo sameeyo, gebi ahaantood waa beelo Soomaaliyeed, oo weliba jufooyin hoose ah, haddii beeshaasi dowladda dhexe ka waydo waxay doonayso, sow isla markiiba sidii dhaqanka iyo caadada noo ahayd meel inooma taallo nama metelo iyo wax xidhiidha nagama dhaxeeyo dowladda dhexe iyo kalsoonidaan kala noqonay.

Aqriste meel fog ha ka doonin, shalay ayay ahayd Oktoober 2010 markii Madaxweynaha Dowladda ku meelgaadhka ah, Shariif Sh. Axmed u magacaabay wasiirka koowaad mudane Maxamed Cabdilaahi Farmaajo Waxaa isla markiiba u arkay inaysan dantoodu ku jirin Maamulka Puntland oo ugu horreeyo Madaxweynaha Maamulgoboleedkaas Cabdiraxmaan Faroole, isaga oo warbaahinta si badheedh cada uga sheegay inaysan Dowladda dhexe aysan metelin kalsoonidiina ay kala laabteen haddiiba ay keentay nin aan ahayn beeshooda oo aysan iyagu diyaar u ahayn.

Miyaanay taasi markhaati noogu filnayn in beel weliba gooni isu taagi doonto? haddii ay danteeda gaar ahaaneed ka waydo dowladda dhexe, oo la arki doono gobollo dalka ku dhex yaal oo leh Annaga Dowladda dhexe nama metesho, waanuna ka madax bannaanahay, sidaa awgeed miyeysan haboonay in laga hortago aafooyinka iyo fitnada foodda innagu soo haya, ee Federalsmka, waxaan ku soo afjarayaa Maanso aan horay u tiriyay oo la yidhaahdo Qaran iyo Qabiil ayaa waxaa ka mid ahayd in qabiilku mar walba jecelyahay kala qaybinta iyo kala fogaynta umadda Soomaaliyeed, waana tan tixdii Qabill oo la doodaya Qaran:
Qabiil
Qaranow war li’idaa
Soomalida is qalatee
Qabiilladan iswada nacay
Midba qaytan meeshiis
Miyaad qaran ka dhigiyoo
Wax u qaybin karaysaa
Oo ay kuwada qancaayaan?
Waa mid aan qabsoomayn
Kala qaybsanaantiyo
Kala qaaranaantiyo
Qaxa iyo dagaalkiyo
Qatliga iyo xumaatada
Qorshahayga weeyaan
Is qabsiga gacmaha iyo
Quluubtoo is fahantaa
Qandho iyo xanuuniyo
Qarribkayga weeyaan
Qaranoow ayaamahan
Qarnigan aynu nool nahay
Qaaradaha aduunyada
Quful bay i saareen
Qoyska aan la noolahay
Aadna ii qadariyaa
Qoomka aadka ii jecel
Een qalad sax uga dhigay
Qabuuraha ku wada guray
Qaafiliinta Soomaal
Qaxoontiga aduunyada
Ayaan qayb wadaagnaa
Mana iga qancaayaan
Imana quudhsan karayaan!



Waa Qalinkii

Cabdiraxiin Hilowle Galayr

Galayr1977@hotmail.com
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip