Faallo: Wasiiro Cusub, Ma Waa' Cusub Baa?

0
Thursday January 29, 2015 - 02:16:33 in Wararka by Web Admin
  • Visits: 1887
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Faallo: Wasiiro Cusub, Ma Waa' Cusub Baa?

    Xalay Ra'isulwasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid waxa uu ku dhawaaqay golaha wasiirada cusub oo ka kooban 20 wasiir.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xalay Ra'isulwasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid waxa uu ku dhawaaqay golaha wasiirada cusub oo ka kooban 20 wasiir.

Inkasta oo aad loo filayay in gole wasiiro lagu dhawaaqayo, hadana waxaa lama filaan weyn noqotey kuwa ay yihiin wasiirada iyo qaabka lagu soo xulay , halkanina waxaan ku falanqeyneynaa isbadala muuqda iyo saameynta ay yeesheen.

Soo magacaabistaan waxay aad uga yaabisay inta badan bulshada iyo mudanaaya baarlamaanka ku jira oo aanba filayn haba yaraatee in tiro intaan la eg oo dhallinyaro ah golaha wasiirada lagu soo daro, waxaa kalo arin la yaab leh noqotay in dhammaan wasiirada laga keeney banaanka Baarlamaanka.

Da’da


Inta badan wasiirada waa wada dhalinyaro, marka laga reebo Jaangali iyo Hadliye oo ah rag odayaal ah, halka xukuumaddii tan ka horeysey ay odayaashu u badnaayeen wasiirada.

Dhallinyarada oo ah dadka ugu badan ee Soomaaliya ku nool, ayaa wixii hadda ka horeeyey aanan helin fursadda ka qeybqaadashada siyaasadda, iyada oo wax kasta ay horey u qaateen odayaasha oo ay iska yartahay waxa ay soo kordhiyeen.

Dhallinyaradaas wasirada loo magacaabay waa rag aad u firfircoon bulashada dhexdeedana magac iyo maamuus ku leh, waxay sidoo kale hayaan xillal muhiim ah oo loogu adeegayo bulshada saamaynta ay bulshada ku dhex leeyihiina waa mid muuqata.

Wasiiradaan lasoo magacaabay oo hadda golaha shacabka ka sugaya codka kalsoonida waxaa laga fila karaa inay wax qabtaan, waxaan kaloo lays barbar dhigi karin da’dooda iyo wax qabadka lagu yaqaano oo illaa hadda laga arkay.

Awood qeybsiga beelaha

Iyada oo dastuurka dalka ku qorantahay nidaamka quursiga ah ee awood qeybsiga siyaasadda in uu yahay 4.5 , hadane golahani wasiirada waa loo simanyahay, waxaana si isla’eg xilalka loogu qeybiyey beelaha iyaga oo shan (5) ah.

Tani inkasta oo aysan ku filneyn in ay meesha ka saarto quursiga beelaha qaar, maadaamaa dastuurka quursiga uu dhigayo, hadane waa talaabo horey loo qaaday, islamarkaasina dhiirogalin karta dadka la sheego in laga tirada badanyahay.

Aqoonta


Dhammaan wasiiradda waa kuwa aqoonta ka gaaray heersare, islamarkaasina xilalka loo magacaabay intooda badan waa shaqo ay kasoo bixi karaan markii loo eego aqoontooda iyo wax qabadkoodi hore.

Marka la’isku geeyo dhalinyaronimadooda oo tamar badan ay ku leeyihiin iyo aqoontooda, waxaa laga filan karaa waxqabad, xili waqtiga u haray dowladda hadda la magacaabay oo xiligeedu dhamaanayo sanadka 2016-ka.

Arrimaha Kale

Waxaa jira qodobo kale oo ay gaar la yihiin wasiiradani, kuma jiro qof xildhibaan ah ama wasiiradii dhacay ka mid ah, taasi oo ay dood badan ka taagneyd.

75 ka mid ah xildhibaanada ayaa dhamaantood doonayay xil wasiirnimo, taasina waxa ay adkeysey in golaha wasiirada ay baarlamaanka maraan maadaamaa xildhibaankii iska dhex waaya uu codka kalsoonida u diidayo.

Wasiirada cusub badankood waa dad siyaasadda ku cusub, islamarkaasina aanan gorgortan badan iyo loolan badan u galin , taasina waxa laga yaabaa in ay ka dhigantahay in xilalka loo dhiibey haddii ay aqbalaan ay daacad ka yihiin, waxqabad sax ahna la iman doonaan.

Caqabadaha horyaala

Caqabadda ugu wayn oo soo wajihi karta wasiiradaan cusub waa waqtiga ay haystaan oo yar iyo shaqada u taala oo aad u tira badan, waxaa looga fadhiyaa in ay wax ka qabtaan gacana ay ka gaystaan sidii sanadka 2016 dalka ay uga dhici lahayd doorasho ay dadku codkooda ka dhiibtaan.

Waxaa kaloo sugaya shaqa badan oo qabyo ah inay sii dhamaystiraan, waxaa kaloo jira in inta badan wasaaradahii ay ku shaqayn lahaayeen ay burbursan yihiin, dhismohoodana laga yaga yaabo inay xilli dheer qaadato taasina waxay keeni doontaa inay ku shaqeeyaan xarun aan hayn wasaaradahoodii

Waxaa kaloo laga yaabaa in caqabad ay kasoo wajahdo golaha shacabka oo badankood raadinayay xilka wasiirnimo hadana markay arkaan wasiiradaan laga filan karo mucaarado iyo caqabad.

midnimo.
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip