Faallo:- Doollarka oo qarka u saaran inuu baddalo Shilin Soomaaliga

0
Monday July 29, 2013 - 10:16:51 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 1574
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Faallo:- Doollarka oo qarka u saaran inuu baddalo Shilin Soomaaliga

    Bishaan Luulyo 27-keedii, waxaa magaalada Beledweyne ee Xarunta gobolka Hiiraan, isugu soo baxay dadweyne aad u tiro badan oo bannaanbaxyo ka dhigaayay halkaasi, si ay u muujiyaan si ay uga caraysan yihiin lacag been abuur ah oo gobolka la keenay, ta

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Bishaan Luulyo 27-keedii, waxaa magaalada Beledweyne ee Xarunta gobolka Hiiraan, isugu soo baxay dadweyne aad u tiro badan oo bannaanbaxyo ka dhigaayay halkaasi, si ay u muujiyaan si ay uga caraysan yihiin lacag been abuur ah oo gobolka la keenay, taasoo sababtay inuu sicirbarar xooggan ku yimaado dhammaan waxyaalaha qutul daruuriga ah, dadka danyarta ahna ay wax iibsan kari waayaan, ayadoo sarrifka 100ka doollar uu gaaray 4.000.000 Shilin Soomaali.
Si loo dejiyo bannaanbaxayaasha oo ku dhawaaqaayay “Xooshdiide doonimayno, Doollarqaate doonimayno”wuxuu guddoomiyaha degmada Beledweyne Cabdi Bishaar Aaadan meel fagaare ku ku gubay lacag faalso ah ee uu sheegay in laga soo saaray Khasnadda Dowladda, taasoo markii horeba inaysan ahaynin inay soo gasho, wuxuuna intaa sii raaciyay in lacag gubidaan ay bilow u tahay in kuwa kalena la gubi doono.

Waxaa muuqato sida maamulka Gobolka Hiiraan uu ugu guuldarraystay inuu gobolka ka ilaaliyo in la soo geliyo lacag been abuurah. Waayo Ka-hortaggu wuxuu ka wacan yahay waxkaqabadka.

Lacagaha been abuurka ah kuma koobna gobolka Hiiraan oo qura. Hase yeeshee waxaa la wadaago gobolka G/Guduud oo degmadiisa Guriceel socodreeb (curfew) lagu soo rogay, kaddib markay bannaanbaxyo ka dhigeen dadweyne muujinaayo dareenkooda iyo sida ay uga caraysan yihiin lacag faalso ah oo degmada la keenay, lagu dhacaayo hantida dad, keentaynay sicirbarar xooggan.

Tan iyo markii ay dhacday xukuumaddi Maxamed Siyaad waxaa jirta in lacagtii qaranka oo ku jirtay gacmaha dadka inay duluf noqotay, inteeda badanna ay baaba,day, meeshaana ay ka dhalatay baahi loo qabo lacag wax lagu kala baddasho, taasoo ay ka faa'iidaysteen shakhsiyaad u abuubulan sida mafia Talyaaniga.

Kuwaasoo dalka soo gelin jiray ilaa haddana soo galsho lagaco been abuur ah, kuna baddasho doollar, guryo ama xoolo nool oo ay dibedda u dhoofshaan si lacag adag uga helaan.
Dowladdii kumeelgaarka ahayd ee Sheekh Shariif Sheekh Axmed, waxay ku baraarugtay baahida loo qabo in la soo daabaco lacag shilin Soomaali cusub oo rasmi ah, taasoo ay ka dalbatay dalka Suudaan oo u daabacday, hase yeeshee aan la keenin khilaaf saxiixayaashii khiriiddada nabadda soo kala dhax galay awgii.

Waa mas'uuliyad darada xukuumadda maanta dalka ka talisa inay iska indhatirto baahida loo qabo shilin Soomaaliga, diidana inay dalka soo geliso lacag qaranka loo daabacay oo diyaar ah.

Maxaa u sabab ah in xukuumaddu ay qaadato mowqifka nuucaan ah? Dadka qaarkiis waxay qabaan in xubno sarsare oo dowladda ka mid ah ay ku lug leeyihiin ka faa,iidaysiga iyo suuq gelinta lacagaha been abuurka ah (counterfeit currency speculation).

Sidaa darteedna dani ugu jirto in shilin Soomaaliga suuqa laga waayo. Qaar kalena waxay qabaan in lacagta Suudaan taalo, halkaa loogu haayo si uusan sharaf (credit) ugu helin Madaxweynahii hore Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo laga yaabo inuu ka soo qaygbgalo doorashada madaxweynaha oo dhici doonto saddax sanno kaddib.

Si kastaba ha ahaatee, haddii dowladdu ay qabato inay waxka qabato nidaaminta hab lacageedka (financial System) dhabarkana u jeediso shilin soomaaliga, lagama bixi doono ku-isticmaalka lacagaha been abuurka ah. Waayo dadku uma noqon doonaan habkii badeeco badeeco kale kubaddalashada oo lagu dhaqmi jiray ka hor intaysan lacagtu soo bixin.

Lacagtu waa mid ka mid ah astaamaha uu qaran leeyahay oo lagu garto, kuna faano, taasoo aad moodo inay naga sii dhumayso, maskaxdaynuna ay noqotay mid doollar ku shaqayso (dollar-minded) bacdamaa uu noqday midka lagu kala iibsado guryaha, beeraha, baabuurta, qalabka guryaha la dhigto (furniture) Makhaayadaha qaarkoodna looga cunteeyo. Ma waxaan noqonay Gobolkii 52aad ee Maraykanka?.



Axmed Moxamed Axmed


Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip