FAALLO: Waddaniyadu Hiilo Waddani Bay Rabtaa!!

0
Tuesday February 18, 2014 - 13:56:30 in Wararka by
  • Visits: 3097
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    FAALLO: Waddaniyadu Hiilo Waddani Bay Rabtaa!!

    Marka aad maqasho Ereyga ama magaca "Wadaniyad"Waxaa durbadiiba maskaxdaada kusoo dhacaya ruux leh damiir ku haga jaceel buuxa oo uu dalkiisa u qabo,waxaadna bilaabaysaa xusuus ay ku larantahay dareen danqasho leh oo ka imaanaya qulqulka dh

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Marka aad maqasho Ereyga ama magaca "Wadaniyad"Waxaa durbadiiba maskaxdaada kusoo dhacaya ruux leh damiir ku haga jaceel buuxa oo uu dalkiisa u qabo,waxaadna bilaabaysaa xusuus ay ku larantahay dareen danqasho leh oo ka imaanaya qulqulka dhiigaaga cadaynayana dareenka dal jaceyl ee aad u qabto halka aad dhalasho ahaan aduunka kaga abtirsato taasi oo ah wadanka aad dhalasho ahaan kasoo jeedo.
Inkastoo ay jiraan qaabab dhawr ah oo lagu qeexo Waxa ay tahay Wadaniyadu hadana waxaan jeclahay in aan kasoo qaato in Wadaniyadu tahay Dareen macaan oo geesinimo leh kaasi oo Muwaadin kastaa u qaado Dalkiisa iyo dadkiisa.

Wadaniyadu waa in aad qaab geesinimo leh ugu dhiirataa in dhamaan danahaaga shaqsiyadeed ka hormarisaa kuwa dalkaaga iyo dadkaaga noqotaana ruux aaminsan in danahaagu yihiin kuwa ka raqiisan kuwa dalkaaga.

Waa in aad noqotaa Wadani leh hami dheer oo ku wajahan dalkiisa wadaniyaduna ahaataa abaanduule kugu hogaamiya in aad ubaxyo udgoon u abuurto dalkaaga kuwaasi oo jiilasha kaa dambeeya ay dhaxli karaan.

Waa in aad ahaataa Muwaadin qaab geesinimo leh u wajaha dhamaan waajibaadka dalkaaga kaa saaran una gudataa qaab daacadnimadu horseed u tahay adiga oo maanka ku haya in aad tahay muwaadinka saxda ah ee jecel
dalkiisa.

Haa waa sax Waajibaadka wadaniyadeed ee ruux walbaa kaga aadan dalkiisa waa kuwa kala duwan laakiin hadii aan laba un ka eegno waxa ay tusaale ahaa noqonayaan:Hadii aad tahay masuul dalkiisa xil u haya noqo geesi Nafsadiisa u hora gudashada wajibaadka dalkiisa taasi oo nasiibku maanta kusiiyay,Noqo Halyeey reeba dhaxal wanaagsan oo dhanka wadaniyada
ah,Noqo Masuul daacad ka ah qaybta uu ka joogo maamulka wadankiisa una gudo howshaada qaab daacad ah alle ka cabsiguna gaashaan u hayay.

Sidoo kale hadii aad tahay ruux aan wax xil ah oo dalkiisa uu u qabto aan nasiib u yeelan ogow in waajibka wadaninimo ee kaa saaran dalkaagu yahay asal ma guuraan ah lagaana doonayo in aad marwalbaa gudato adiga oo noqonaya muwaadin daacad ka ah danaha dalkiisa, taageero hagar la’aan ahna siinaya awooda dawladeeda ee wadankaaga ka shaqaysa adiga oo aflagaado iyo hagardaamaba ka dhawraya,Noqo wadani wadnihiisu weheshado wadaniyada taasi oo kobcin karta xiisaha iyo jaceelka aad u qabto dalkaaga.

Waa Hubaal in qaar badan oo inaga mid ah ay yihiin saaxiibo ku tayasho mudan lehna quluub wadaniyadu ku hoyato kuwaasi oo aan haysan hiil ay ku dhaqaajiyaan hanaanka dal jaceelka.

Taas badelkeeda waxaa iyana aan la inkiri karin in ay jiraan manaxayaal damiirkoodu dhintay Wadaniyaduna xitaa maalin ay harsan waysay quluubtooda,kuwaas oo har iyo habeenba ku howlan waxyeelaynta dalka kana xun dhaqdhaqaaqyada hormarineed ee wadankeenu maanta samaynayo.

Kala wacan diiwaanadu qofkastaana baal ayuu kaga qormayaa,laakiin isku day in aad ka mid noqoto asxaabta qaaliga ah ee baalka cad ka gasha dalkeena iskana ilaali inaad magacaaga galiso baalka madow.

Waligaa maku fakartay in aad ka mid noqoto asxaabta taariikhdu xusto mustaqbalka ?maku fakartay in aad reebto dhaxal waxtar leh? ma isku xisaabisay in aad qayb ka noqoto geesiyaasha ka qayb qaata hormarinta dalkeena ?

Iswaydii qalbikaagu Wadaniyadu maku soo dhiiran kartaaa? su’aalahaan waxaan waydiiyay muwaadiniin soomaaliyeed oo aan la kulmay
iyo kuwa kale oo aan ka waydiiyay Boggaga lagu sheekaysto laakiin dhamaantood waxa ay qaab qiiradi ku dheehantahay iigu sheegeen in aan kawada seexanay wajaibaadka dalkeena naga saaran, wadaniyadiina aan xabaalnay laakiin loo baahanyahay in markale aan qalbiyadeena uga dhisno daaro ay wadaniyadu dagto.

Maanta waxaan haysanaa fursad qaali ah oo aan markale kusoo noolayn karno Wadaniyada waxaana lagama maarmaan ah in ruux walbaa qalbikiisa ku beero qiimaha dal jeceelka kadibna qaybtiisa ka qabtaa waajibaadka dalkeena.

Wadaniyadu waa in Bahdeena Saxafaada,Bahda Suugaanta iyo dhamaan Bulshada qaybaheeda kale loo istaagaa in aan Dadkeena halka uu maanta haalo ka qaadnaa Bulshadeenana quluubtooda ka iibinaa wanaaga ay Wadaniyadu leedahay.

Ugu dambeyn Akhriste Waligaa ma u ilmaysay Wadaniyada adiga oo eegaya qaabka wadankeenu yahay?!!!!!

W/Q: Mohammud Hassan Idaajaa.
Idaajaa4@gmail.com.
idaajaa_11@hotmail.com.
Stockholm-Sweden
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip