Degmada Warsheekh oo laga dareemayo Dhiilo Colaadeed (Warbixin).

0
Saturday July 12, 2014 - 17:48:54 in Wararka by Web Admin
  • Visits: 2637
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Degmada Warsheekh oo laga dareemayo Dhiilo Colaadeed (Warbixin).

    Waxa habeenki xalay soo buux dhaafiyay Xarunta Degmada Warsheekh ee gobolka Shabeelada Dhexe ciidamo aad uhubeesan oo isugu jiro ciidamada xooga dalka Soomaaliya iyo kuwa nabad ilaalinta Midowga Afrika ee loo yaqaano AMISOM.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxa habeenki xalay soo buux dhaafiyay Xarunta Degmada Warsheekh ee gobolka Shabeelada Dhexe ciidamo aad uhubeesan oo isugu jiro ciidamada xooga dalka Soomaaliya iyo kuwa nabad ilaalinta Midowga Afrika ee loo yaqaano AMISOM.

Ciidamadaani oo kuhubeesan gawaarida gashaaman ayaa difaacyo xoogan ka sameestay daafaha degmada iyadoo warar is qilaafsana ee kasoo baxayaan dhaq dhaqaaqa cusub ee iminka laga dareemayo gudaha degmada Warsheekh.

Goob jooge kusugan degmada Warsheekh oo lahadlay Shabalada Warsheekh ayaa xaqiijiyay in ciidamada iminka soo gaaray degmada Warsheekh uu hogaaminayo sarkaal katirsan ciidanka dowlada oo magaciisa lagu sheegay Qaasim.

Sarkaalkaani ayaa sida la xaqiijiyay ah ninka ugu sareeyo ciidamada dowlada ee gobolka Shabeelada dhexe gaar ahaan ah hogaamiyaha duulaanada kadhanka ah Alshabaab ee isla gobolka Shabeelada Dhexe.

Warar kale oo subaxnimadi hore ee saakay naga soo gaaray Degmada Warsheekh ayaa sheegaya in ciidamadaani ee kuwajahan yihiin deegaano ee kamid tahay Xarunta Degmada Cadale oo wili kujirta gacanta ururka Alshabaab.

Maamulka degmada Warsheekh iyo kan gobolka Shabeelada dhexe ayaa wili kahadlin dhaq dhaqaaqa xoogan ee xiligaani laga dareemayo gobolka kuwaasi oo ee wadaan ciidamada dowlada iyo kuwa AMISOM.

Degmada Warsheekh oo dhacday Waqooyi Bari ee Magaalada Muqdisho, kana tirsan gobolka Shabeelada dhexe ayaa ah degmo qadiimi ah isla markaana leh Xeeb aad udheer ayaa waxey marin muhiim ah utahay isku xirka gobolada Shabeelada dhexe ilaa Gobolada Dhexe ee Dhulkeena Soomaaliya, hasa yeeshe sanado dhowr ah oo ee katalinayeen Ururka Alshabaab waxa iminka si xoogan gacanta ugu hayo ciidamada AMISOM iyo kuwa dowlada Soomaaliya.

Dhaq dhaqaaqyadaan wixi kusoo kordha kala soco wararkeena danbe

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip