Sanadguuradi 71aad ee ururka waddaniga ee afrikaan ee soomaaliyeed (SANU)‏

0
Wednesday April 16, 2014 - 10:40:26 in Wararka by Web Admin
  • Visits: 2527
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sanadguuradi 71aad ee ururka waddaniga ee afrikaan ee soomaaliyeed (SANU)‏

    Jamhuuriyadda Federaalka EE Soomaaliyeed Somali African National Union Qudbadda sanad guuradda 71aad 1943-2014 iyo ku dhawaaqida xisbiga waddaniga ee sanu

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Jamhuuriyadda Federaalka EE Soomaaliyeed Somali African National Union Qudbadda sanad guuradda 71aad 1943-2014 iyo ku dhawaaqida xisbiga waddaniga ee sanu


Mudanayaal iyo marwooyin culumada odoyaasha dhaqanka aqoonyahanada dhalinyarada haweenka soomaaliyeed saxaafada iyo marti sharafta ka soo qaybgalay xafladaan.

Marka hore waxaan dhamaantiin idinku salaamaaya salaanta islaamka assalaamu caleykum waraxmatullaahi wabarakaatu.

Maanta oo ay 15/4/2014 waxaan eebe ka baryeena in dowladda federaalka ee soomaaliyeed ee inoo hana qaaday in uu alle la garab galo howsha culus ee ummaddu u idmatay.

Haddaba mudanayaal iyo marwooyin markii aan u degno taariikhda wax qabadka sanu waxaan ka wada dharagsanahay halgankii dheeraa iyo marxaladihii kala duwanaa ee la soo maray manta waa maalin taariikhi ah sababta oo ah waxay xambaarsan tahay 2 munaasabadadood eek ala ah.

a) Sanadguurada 71aad ee ka soo wareegatay markii udubadda loo taagay ama la assaasay ururka faca weyn ee sanu oo ka soo wareegatay 71 sano marka laga soo bilaabo 1943-2014 ka.

B) iyo ku dhawaaqidii xisbiga waddaniga ee sanu oo ah xisbi siyaasadeed.

Waxaa nasiib wanaag ah in manta ay dalka ka jirto dowlad rasmi ah oio caalamka aqoonsan tahay isla markaasna dejisay qorshayaal ku aadan in 2016ka ay dalka ka dhacaan doorashooyin xor ah ay ku tartamaayaan axsaab siyaasadeed soomaali wada ah oo ku loolameysa talada dalka soomaaliya hadduu alle idmo insha allah

Haddaba waxaa xusid mudan in aan dhambaal halkaan ugu diro hambalyo ku aadan sanadguuradda 71aad iyo ku dhaqaaqida xisbiga xisbiga wadaniga sanu guddoonka sare guddiga fulinta guddiga dhexe taageerayaasha iyo shacabweynaha qowmiyada banaadiriga iyo kan soomaaliyeed dhamaantood u rajeynaaya in sanadkaan sanadkiisa kale ku gaaraan nabad caddaalad horumar sinaan bashabash iyo barwaaqo insha allah

Sidaas darteed madaxda sare ee dowladda federaalka soomaaliyeed axsaabta siyaasadeed iyo shacabweynaha beelaha banaadiriga iyo qowmiyada banaadiriga in xisbiga wadaniga sanu oo si toos ah manta loogu dhawaaqay magaalo madaxda muqdisho 15/4/2014 anigoo ah guddoomiyihii hore ee ururka sanu haddane si kmg ah u sii haynaayo guddoomiyaha xisbiga wadaniga ee sanu intii ay golaha dhexe ee sanu isugu imaanaayaan shirweyne guud (congress) sanadlaha ah markaas ciddii ay u doortaan guddoomiyaha xisbiga waddaniga ee sanu ayaa la aqoonsan doonaa isla mar ahaantaana la shaqeyn doonaan .

 

WABILAAHI TOWFIIQ assalaamu caleykum waraxmatulaahi wabarakaatu

 

Guddoomiyaha kmg ah ee xisbiga wadaniga ee sanu

COLL ABUUKAR SH ABUUKAR BAAFO

Waxaan halkaan iddinku soo gudbinaynaa guddoomiyayaashii soo maray ururka sanu

 

1) Muddane axmed shariif cali

2) Xaaji muxidiin cali

3) Shariif maxamed xuseen 9sharif seenow)

4) Shariif musalam

5) Cabdulaahi sh macoow

6) Abuukar xaamud sokoroow

7) Maxamed abuukar abooke

8) Muxidiin baaraxuud

9) Dr.avv maxamed raajis maxamed

10) Maxamed cusmaan maye

11) Jaylaani nuur iikar

12) Coll abuukar sheikh abuukar baffo

 

Xamar 16/4/2014

w.d col abuukar sheikh abuukar baffo

guddoomiyaha km gee xisbiga waddaniga ee sanu

email.dr.abatialfaghi@hotmail.com

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip