Hadalki RW, Cabdili oo dhiilo xoogan geliyay dadka Muqdisho (Warbixin)

0
Friday January 08, 2016 - 22:16:42 in Wararka by Web Admin
  • Visits: 2771
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hadalki RW, Cabdili oo dhiilo xoogan geliyay dadka Muqdisho (Warbixin)

    Ra'iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, haddana ah Guddoomiyaha Madasha Midnimada iyo Dimoqraadiyada Soomaaliyeed Dr. Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed ayaa magaalada Muqdisho ku tilmaamay dadka jooga inay wax waliba bililiqeysteen, wuxuuna tusaale

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ra'iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, haddana ah Guddoomiyaha Madasha Midnimada iyo Dimoqraadiyada Soomaaliyeed Dr. Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed ayaa magaalada Muqdisho ku tilmaamay dadka jooga inay wax waliba bililiqeysteen, wuxuuna tusaale ahaan u soo qaatay inay ka dhisan yihiin 5000 ururo dhalinyaro oo mid waliba sheeganayo inuu urur Soomaaliya yahay.

"Xamar waxaa ka jiray intii aan Ra’iisal wasaaraha ahaa 5000 urur dhalinyaro oo leh mid waliba ururka dhalinyarada Soomaaliya, weligoodna ma dhaafin Boondheere iyo Kaaraan,” ayuu yiri C/weli oo intaas ku daray isagoo qoslaya in wax waliba la biliqeystay guryo, hay’adihii iyo magacii.

Hadalkan ayuu Dr. Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed ka jeediyay kulan uu la qaatay dhalinyarada Puntland. Waxaan arrintan ka xumaaday dad badan oo C/weli Sheekh Axmed ku eedeeyay inay qabyaaladi qaaday.

"Haddii dadkii kale magaca Soomaali naceen oo iska tuureen, haddii reer Muqdisho sheegtaan oo ku faanayaan, ma wax ceeb ahbaa mise waa bililiqo… miyaanay dadka Muqdisho Soomaali ahayn” ayuu yiri Cali Muuse Xuuti oo ka mida dhalinyarada Muqdisho oo qoraal u soo diray Xogta Media, wuxuuna intaas ku daray: "Muqdisho waxay ku faantaa Soomaalinimo, waana tan lagu soo dhoweeyay C/weli Sheekh Axmed oo uu Ra’iisal wasaaraha ku ahaa isagoon tegi karin degaanadii uu ka soo jeeday, waana abaal dhac iyo gef inuu maanta reer Muqdisho ku ceebeeyo Soomaalinimada ay ku dhegan yihiin…”

Wuxuu kaloo Cali Muuse is weydiiyay C/weli Sheekh oo hadda sheegta inuu madax ka yahay Madal Soomaaliyeed, degaanada Soomaaliyeed oo dhan inuu tegay oo ka dhisay iyo inay Muqdisho iyagoo jooga oo dhowr siyaasi ah ay sheegtaan Madal Soomaaliyeed oo la ogyahay inaysan gaarsiisneyn Afgooye iyo Balcad iska daaye degaano kale.


Aragti kale oo Aqriste ayaa sidaan udhigneed, Abdi Gorod Qaamuus·
Waxaa jirtay gabar farshaxan ahayd khiimo badnayd quruxna alle ugu daray markaas yaa waxaa arkay nin sanyare la oran jiray oo aan micne badan lahayn gabadhuna ay aad taqiinay madaamaa ay ood wadaag ahaayeen wuxuu ku yiri dheeman in aan ku guursado ayaan rabaa ee ka waran dheeman oo layaaban damaciisa waalan iyo foolxumadiisa ayaa u qaadan wayday su.aashisa marin habowsan ayaa habeen waxaa latumay cayaar markaas ayay tiri ayaduu u quusdhabaysa sanyare tusaysana dhalinyada kale in uusan u qalmi ayaytiri nafla soo naagadoon sanyare iga daba nohlee oo micneheedu yahay iima qalmo ee ogaada qofkaanhabowsan dulucda iyo ujeedadaydu waxaa weeye ra.isalwasaarii hore ee somalia cabduwali sheekh axmed hadduu reer muqdisho uu bililiqo ku caayayo ma i loobay fadeexadii ka raacaday bililiqdii cayrta canada oo muntiryaal iyo tii ontario oo jornaaladu qoreen oo ay ku yiraahdeen war hadaad somalia raisalwasare ka noqotay noo soo celi lacagtii aad been abuurka lada gobol uga xadday ciirtaada dhame ayaa caydaada yaqaan qurunka iyo qabyaaladdu way ka soo uraysaa haddaad ag maraysid asaga ayaa kursi bililiqo oo uusan xaq u lahayn ku fariistay walow laga eryay waxaanse u sheegayaa ku daarasho way dhamaatay puntiland wax ay kuu hayso majirto ama qosol ama boy adiga ayay kuu taal

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip