Maansadan waxaan curiyey ka dib su’aal igu soo noqnoqtay oo ahayd “yaad taageersantahay ama yaad doonaysaa inuu dalka Madax ka noqdo?” iyagoo dadku inta badan marba qof kugu suntaya oo aan ku qanacnayn jawaabta aad siiso ee ku saabsan dareenkaaga shaqsiyadeed,
waxaan markaas is idhi anigoo iska leexinayaa tuhunka faraha badan ee Soomaalidu ku caan baxday ayagoo adeegsanaya maahmaahdii ahayd “Daadku intaanu ku soo gaadhin baa layska moosaa” “Hadalkaaga hortii afeefbaa la dhigtaa Aqalkaaga hortiisana ood baa la dhigtaa” ayaan ku halqabsaday bal iyaguna inay wax ka yidhaahdaan eraygan soo noqnoqday asxaabtayda dhalinyarada ah, ee qalinka iyo hal-abuurka aan ku tebayey Bashiir M. Hersi iyo Maxamed Cilmi Dhicisoow, waxaan markaas u sheegayaa dadkana barayaa ciddii haddiiba cod lay weydiiyo aan u codayn lahaa waaba haddaan codeyn karayee, ileen cod shacab waqtigiisii lama joogo aniguna shacabkaan ka mid ahay.
Kumaad u codayn lahayd?
Anoon caynkeeda iyo
Ciraabteedaba ka tegay
Suugaantii aanan curin
Codkeedii aanan tirin
Cawaynteediiba nacay
Cabsida Eebbiyo baryada
Cibaadada doorbidaa
Cod buuxa dadkii dhaheen
Su’aal cadna laygu yidhi
Haddaad cid u dooran layd
Carriga Soomaaliyeed
Ayaad u coddeyn lahayd?
Cagtiiba la joogsadoo
Jawaab ku cadeeyeyoo
Waxaan u coddeyn lahaa
Niman cillad lagu ogayn
Cilmiga Diintiyo yaqaan
Casriga maaddiga la helay
Cidnaba aan hore u dilin
Cilaaq iyo muran aqoon
Cad xaaraana aanan cunin
Cuudkii maatadana dhicin
Cadiifad qabiilna galin
Nimaan cidi keeninoo
Galbeed cududiisu wadin
Midaan carrab dalab aqoon
Abidkiis laba codlayn
Cad quudheed aan cunayn
Waxaan u codayn lahaa
Xalaashu mid ceesh u tahay
Dadkiisiyo ciidda jecel
Mid caawiya maatadoo
Cad gooniya aanan rabin
Cilmiga uu soo bartiyo
Caqliga u haneeya oo
Carbiye ummaddiisa oo
Caruurta samaanta bara
Cirroolahu garab ka helo
Ciseeya haweenka oo
Cadliga jecel iyo sinnaan
Ciddiisiyo cidaha kale
Codkiisu u siman yahoo
Casabi aan lagu aqoon!
Waxaan u Codeeyn lahaa
Casiis aan ceeb lahayn
Caqiilkii horumar jecel
Midkii cudurrada dawayn
Midkii ceel noo qodiyo
Midkii Casmigeena jecel
Colaadda midkii ka diga
Nabadda Calankeeda sida
Carriga nabaddiisa jecel
Waxaan u codayn lahaa
Midkii calankiisa jecel
Cawo maalin kii jiree
Ka caajisin danaha guud
Canaad aan madax adkayn
Ninkii Cadowgiis yaqaan
Codkooda dhegaysanayn
Dadkiisa caaliqayn
Culuumtiyo Sayniskiyo
Casriga cilmigaa la helay
Caqliga ku barbaariyo
Haddey caafimaadka tahay
Haddey cirka iyo dhul tahay
Haddey nolol curinta tahay
Haddey cudud ciidan tahay
Carbiya nolosheena ee
Camuud iyo tiir ka dhiga
Waxaan u codeyn lahaa
Casiimka go’aanka adag
Cafiifka ka dhawrsan xumo
Cabqari xeeldhiri lehoo
Cilmiga diintana yaqaan
Cufkeediyo aqoon yaqaan
Siyaasadda Calaamkiyo
Culaabta galbeed yaqaan
Hullaabta Carbeed yaqaan
Afrika Camalkeed yaqaan
Canaadka adduun yaqaaan
Kaasaan u codayn lahaaye.
Haddaadse codayn lahayd
Wadaniga la ciilayoow
Abwaannada caanbaxee
Casiisku murtida baree
Cuudkoodii ay tahoow
Curiyihii ina Diraac[2]
Igaarkii ina[2]cilmoow
Cadeeya ujeeddadoo
Ayaad u codayn lahayd?
Cabdiraxiin Hilowle Galayr
Galayr1977@hotmail.com
Sharax Erayada
Diraac= Bashiir M. Hersi (Diraac)
Ina Cilmi= Maxamed Cilmi Dhicisoow
Maansada Codeyn, (By Galeyr)
Maansadan waxaan curiyey ka dib su’aal igu soo noqnoqtay oo ahayd “yaad taageersantahay ama yaad doonaysaa inuu dalka Madax ka noqdo?” iyagoo dadku inta badan marba qof kugu suntaya oo aan ku qanacnayn jawaabta aad siiso ee ku saabs