Maansada: Diirnax

0
Monday April 14, 2014 - 20:09:31 in Wararka by Web Admin
  • Visits: 1893
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maansada: Diirnax

    Tixdan "Diirnax" waa maanso ka hadlaysa Soomaalida laga celinayo dalka Kenya. Waxay igu dhalatay curinteedu, ka dib markii aarkay qoraallo iyo sheekooyin nuxurkoodu ahaa, in ay sax iyo xaq tahay in Soomaalidu dalkoodu u laabtaan, oo waaba y

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Tixdan "Diirnax" waa maanso ka hadlaysa Soomaalida laga celinayo dalka Kenya. Waxay igu dhalatay curinteedu, ka dib markii aarkay qoraallo iyo sheekooyin nuxurkoodu ahaa, in ay sax iyo xaq tahay in Soomaalidu dalkoodu u laabtaan, oo waaba yaabee, maxay u diidayaan in dalkooda loo celsho? Dooddan, weydiintan iyo kuwa kalaba waxa soo bandhigaya ma ahan ajaanib iyo shisheeye, ee waa isla Soomaali, badankood ku nool Galbeedka (Waqooyiga Amerika "Kanada iyo Maraynkanka" iyo Qaaradda Yurub). Waaba yaabe, siday ugu qanacsan yihiin in ay xaq tahay in Soomaalida dalkooda loogu celsho, iyagu maa u soo laabtaan dalka? Marka anoo dadka Kenya laga celshay u garaabaya, una diirnaxaya, ayaan kuwaa ku diganaya xasuusinaya iyaba inay dhibkan soo mareen.

Tan kale, waxaan ku xusayaa halka shay ee looga cadgoosan karo ama looga aargoosan karo lagula dagaali karo Kenya, oo ah in QAADKA la joojiyo xitaa maalmo kooban, lagana dalbado in ciidankooda ay dalkeenna kala baxaan sida ugu dhaqsiyaha badan. Maansadu waxay ku billaabatay:

Maansada: Diirnax

Dal hadduu burbura’oo
Dagaal iyo belaayiyo
Dirir iyo colaad iyo
Dibindaabyo laga wado
Dowlad li’i ahaadoo
Ciidan diranna uu jirin
In dadkiisu qaxayaan
Dibaddana u baxayaan
Dayac iyo dhib marayaan
Waa midaan daliil iyo
U baahnayn duruus badan.

Sagaal kowdu dabataal (1)
Digtii yeertay waagaa
Dulligii ka daba maray
Dulmigii kacaankee
Uu digtaytar kii falay
Ayaa reebtey Duumada
Dambaaburadii waagii
Ayaa keentey daqarrada.

Jabhadkii dayeysnaa
Ee qabiilku soo direy
Daannadiyo dhibkiisii
Dambiguu gelayaa
Qabqablahu ka dooxmo
Daydayguna ka soo baxay.

Iyadoo dakaaniyo
Dawakh lagu jiraa weli
Dadku doorbideen qolo
Dabcigoodu fiicnaa
Diinta lagu aqoon jirey
Wadaaddana la duubteen
Ka dar Dibi dhal baa timid
Daacuun ka guuroo
Duf iyo diif ka sii qaad
Intay dacar walaaqaan
Dano gaara fuliyaan
Qarax iyo daryaaniyo
Duhurkii dad ololiyo
Da’yar miino laga dhigey
Darxumiyo dhibaatiyo
Diihaal ma keeneen
Dabinnana ma qooleen
Daaraha intii haray
Durbadii ma dumiyeen
Ma dileen carruurtii
Duqaydii ma laayeen
Dumarkii ma baarteen
Dowladaha deriska ah
Dafka maw garaaceen
Dabadeed ma yaaceen?.

Inkastoon dal leenahay
Inkastoon dad weli nahay
Duunyadana muuqiyo
Dusha kaba qurxoon nahay
Dahnigeenna hoosiyo
Dunjigeennu waa bahal
Daahuushka oo kale.

Inagays dileynnee
Horta yaa inoo daran?
Inagaa is duminnee
Horta yaa na soo direy?.

Deelkiyo ujeeddada
Dulucda aan u soo dego;
Daadguraynta keenyee
Raafkaa dadkeenii
Duhurkii la gurayee
Dalkii loogu soo celin
Diyaaraduhu daabbuli
Iyagoon digniin iyo
Loo dirin afiisaba
Waa midaan dadnimo iyo
Diiwaanka qoran iyo
Aan ku ool dastuurrada
Oon daris wanaag qabin
Libaaxuba nin degay iyo
Kii daayey kala oge
Waa la dagiye Keenyaay
Daynkeenu kugu maqan!

Anigoo danyarahoo (2)
Deeq badan lahaynoo
Deris la ah saboolnimo
Dedaal iyo ku jira tacab
Dadka dega Tansaaniya
Dowladdaa Itoobiya
Dani ruuxay keentaba
Weli diiday maan oran.

Markii laygu soo dumay
Daafteey la soo degay
Maa colaadin duulnee
Dib u laabta maan oran
Ha soo degina maan oran
Diif iyo ma badin xumo
Ma dagaalin ruuxnaba
Mana docodocayn jirin
Waataan dedaalkay
Intaan karay la duubtee
Daariyo duggaaliyo
Duunyaan isugu daray
Gobannimada duurkiyo
Daleelaha ma taallee
Sinji iyo dir waayee
Dib u fiiri maalmaha
Haku dagan ninkaan ahay
Hays doorin Keenyaay!

Dabci xume Uhuuroow
Inaad tahay Digtaatoor
Dilaa qamarjiyoo daran
Dadkiisii gumaadoo
Dambi weyn ka galayoo
HEEG laga dacweeyoo
Eedo ay dul yaallaan
Dunidaa ogsoonoo
Diiwaankaad ku qoran tahay.

Haddaan dowlad leen nahay
Ama aan dad jira nahay
Ama daaqad leen nahay
Maan diidno Keeniya
Dan inaan wadaagniyo
Derisnimo dhammaanteen
Inaynaan dalkoodiyo
Tegin degelladoodaba
Iyaguna na daayaan
Degdeg nooga guuraan
Inaan qaadku soo degin
Diyaarado ka soo gelin
Daqliba in laga xiro
Bal ninkay dantiis tahay.

Danaaniga Sujuugaba
Waxaa iiga sii daran
Doqonkaa Galbeedkiyo
Dowladaha Yurubiyo
Degan dunida koowaad
Deeq iyo daryeel iyo
Daawiyo aqoonsiyo
Helay degel qurxooniyo
Deegaanno bilicliyo
Dokumiinti lagu maro
Dastuurkooda lagu dhaqo!

Dooddaydu waxay tahay
Daaraha shisheeyiyo
Aqallada duggaalka leh
Diinaar ma kaa galay?
Doollar miyaad ku bixisaa
Adi maad diyaarsaday?.

Deyn iyo dulsaar iyo
Kumaad degin amaahoo
Adoo diiftu kugu taal
Gaajana la daalqaba
Markii darimmo waaweyn
Iyo dabaq laguu raray
Dammanoow ma moogide
Daltabyadii dorraadiyo
Dalanbaabigaagii
Dacdarradii ma moogide
Kuwa aad ku diganee
Aad daciifsanaysaa
Waa doorki shalay aad
Damac xume ku nooleyd!

Igu digan lahaydaa
Ii darnaan lahaydaa
Duruufaha adduunyadu
Hadba waa doc gaaree
Inay dunidu saan iyo
Dariiqaan ku sii socon
Miyaa maanka kaa degay?!

Ha degdegin wadaayoow
Yey ku qaadin doqonnimo
Ima dheerid duunyiyo
Darajiyo aqoon iyo
Dabci iyo wanaag iyo
Dariskoo la dhawraa.

Qurbajooge dibad iyo
Daafaha adduunyada
Xiisiyiyo dareeniyo
U damqaaya maahiye
Armaa layga daranyoon
Dadka ugu dambeeyaa.

Galbeedkaad degteen baa
Dibjirrada la duray iyo
Daroogada ka dhuuqee
Noloshiyo dadnimadii
Waa hore ka degay bay
Dib u soo celshaanoo
Wax dardaranba keenaan!

Haygu digannin maantaye
Ninba waa darkiisee
Adigiyo dadnimadaa
Adigiyo damiirkaa.

Dhammaad.
09/04/2014

_______________

(1) Waa 1991kii.
(2) Waa Tanzaaniyaankii yimid Xamar, sidii wacnayd ee loo soo dhaweeyey.
_______________

Bashiir M. Xersi
brdiraac@hotmail.com

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip