Maansada; Guuleed

0
Monday May 26, 2014 - 08:42:31 in Wararka by Web Admin
  • Visits: 2191
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maansada; Guuleed

    Mogadishu, 26 May 2014 – Wasiirka Warfaafinta Mudane Mustaf Dhuxulow ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/G Daahir Cilmi Adan (Indho-Qarsho), oo ay wehliyaan Taliyeyaasha Ciidanka Badda Admiral Madey

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Mogadishu, 26 May 2014 – Wasiirka Warfaafinta Mudane Mustaf Dhuxulow ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/G Daahir Cilmi Adan (Indho-Qarsho), oo ay wehliyaan Taliyeyaasha Ciidanka Badda Admiral Madey Nuurey Sheekh Ufurow, Taliyaha Ciidanka Cirka S/G Duuliye Maxamud Sheekh Cali (Doble Pilote), Hogganka Saadka G/Sare Cabdullahi Macalin Nuur iyo saraakiil kale. Wasiirka waxaa ku wehliyey kulanka Agaasimaha Guud, Agaasimaha Warbaahinta, Agaasimaha Radiyo Muqdisho iyo La-taliyeyaasha Wasiirka.


 

Mudane Soomaali ah, oo xil loo dhiiba, ee marka uu wadi waayo iska casila, waxaa laga sheegay Mudane Axmed Keyse Xaaji Cabdille Wasiirka Beeraha ka ahaa xukuumaddii u horraysay dalka, iskana casilay ka dib markii nin Talyaani ah ku yiri; "Halkan anaa ku koray, adi meel fog ayaad ka timid!” oo madaxdii dalka xilligaa ay wax ka qaban waayeen, sidaana xilka isaga casilay.

Mudane Axmed Keyse, waxaa xigay kontan sano ka badan ka dib Wasiir Guuleed oo 24kii May 2014kii isna xilkii uu yahay iska casilay. Haddaba, anoo u riyaaqay tallabadaa ayaan maansadan ka curiyey isla habeenkaa, waxayna leedahay;

 

Maansada; Guuleed

Guuleed[i]salaan sare

Shalay galab anaa qoray

Inaad gaabis tahayoo

Xilku gaasir kaa yahay

Guurguur wax tari karin.

Mar haddaad is garatoo

Golihii Wasiiradda[ii]

Ka GALBADEYna leedahay

Xilka iga guddoomoo

Ka gayoodey leedahay

Gudbisoo waraaqdii

Geesinnimo u dhiibtay

Adigoon gunuusiyo

Guuguuna daba wadin

Gunno qaadan iyo shilin

Gooni aad is taagtay

Gacan qaaddey gebigood

Waa guul billow ehe

Anna waxaan guddoonsaday

Inaan kuu gabyaa oon

Geeraarro kuu diro

Kuu tiriyo Guuroow

Adigoon is giijayn

Guuleed war iga hoo.

Guuleed salaan sare

Garashada qofkii hela

Ee Garaad la kaashada

Taladiisa guunka ah

Garwadeenka xaajada

Geesmarin ujeeddada

Ma gefaayo weligii

Mana gebi dhacleeyee

Horta garo dhambaalkeey.

Guuleed salaan sare

Goobdoon qofkii ehi

Guutada kamuu haro

Gadaal kama fariistoo

Garabkooda kama baxo

Gumac iyo rasaastiyo

Gantaalaha dhexdeeduu

Ka ganaa had iyo jeer.

Guuleed salaan sare

Dib u gurashadaadaan

Haddii aysan Geni iyo

Diinnaar ku gaagixin

Waa goolal ugub ehe

Guusheeda kuu qiray!

Guuleed salaan sare

Geyigeenna Soomaal

Gobolkeenna gaarka ah

Siyaasiga ku geyfane

Gafanaha sidiisii

Ugu godaya miciyada

Geesinnimuu ka gaabshaad

Guuleed ku dheerrataye

Haddaad garatay goor uun

Gallad Eebbe weeyee

Guusheeda kuu qiray!

Gobonnimo waxay tahay

Taladaadan goyn karin

Ama aadan gali karin

Gorfeynteeda hagi karin

Inaad gaar ka noqotee

Xil jacayl gunnimo iyo

Waa gumaysi kula hara

Geerida ka daranoo

Cududdaada kala gura!

Guuleed salaan sare

Gaabiskiinna muuqdee

Gabannada dhallaankiyo

Dadka gabi ahaantiis

Ay wada gareysteen

Guuro iyo dharaar iyo

Gudcur iyo iftiin iyo

Goob walbaaba yaalla

Guuleed maxaa dhalay

Yaa guubaabo tirayoo

Guulguulay gacalkii?

Eelkiyo gunnimaad

Yaa gacanta laga galin

Luquntiyo garbaha iyo

Guntiga loogu xirayaa?

Waa goorma goortaan

Gayaankeen ka dabategi?.

Guuleed salaan sare

Guuxii dadweynuhu

Gaarsii i yiri baan

Kuu soo gudbinayaa

Af gobaadsi ma ehee

Guurtida warkood maqal;

Faaraxii Garsoorkiyo[iii]

Inta godobta beertiyo

Gilgilkiyo xumaantiyo

Guhaaddiyo colaaddiyo

Kuwa gooha dhaliyee

Ama gaaska ololkiyo

Kuwa beera gaajada

Gayshkii[iv]sirdoonkiyo[v]

Intaan gudan xilkoodee

Gunno iyo mushaar iyo

Gaaweeto sidataba

Giddigood is daba dhiga

Inta GADANNA yey harin!

GUULEED garwaaqsaye

Yaa GOOBBE[vi]garansiin

KOOFI[vii] yaa u guudmari

SAACID[viii] yaa gogol fidin

EREG[ix] yow galliin noqon?

Ha ka reebin GAAFOOW![x]

Googgaale maahee

Inta gocorra joogtiyo

Gaangistarkoo idil

Ha na daayo GODANANA

Garbaduub ha loo xiro

Gocoshiyo dhimaal iyo

Gabbal dhacay ka daalnaye!

Gunta iyo dhammaadkii

Aan gunaanadee maqal

Maskax gurani maax ma leh

Maan gudbanina miil ma leh

Guddoon xumi wanaag ma leh

Garsoor xumi garow ma leh

Umadyahaw geddaa socon

Umadyahay u guur samo

Sinnaanta iyo Gobonnimo.

Dhammaad.

24/05/2014

 

Bashiir M. Xersi

brdiraac@hotmail.com

http://bilediraac.wordpress.com/

 



[i] Wasiirkii Amniga Qaranka C/kariim XuseenGuuleed, horana u ahaa, Wasiirkii Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka RW Saacid

[ii]Cabdiweli SheekhAxmed, Wasiirka koowaad ee Xukuumadda

[iii] Faarax Sheekh C/qaadir, Wasiirka Garsoorka iyo Federaalka, horena u ahaa, Wasiiru Dawlaha Madaxtooyada xukuumaddii RW Saacid

[iv] Madaxda Ciidanka Qalabka sida

[v] Madaxda Sirdoonka iyo nabad sugidda

[vi]Taliyaha Hay'adda Nabad sugidda Bashiir Maxamed Jaamac (Bashiir Goobbe)

[vii]Taliyaha Nabadsugidda Gobolka banaadir Col: Maxamed Aadan Koofi.

[viii]Taliyaha Ciidamada Booliska Jen. C/xakiin Daahir Saciid "Saacid

[ix]Taliyaha Ciidanka Nabadsugidda Khaliif Axmed Ereg

[x] Madaxa Laanta Socdaalka Jen. C/llaahi Gaafow


Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip