Weydiinta waxaa keenaya arrimo badan oo isu tagay, oo ay ugu horrayso, qofnimada Guuleed, oon looga baran wax qabad, marka la fiiriyo hoggaamin, maamul iyo maarayn. Sidoo kale, khilaafaadka gobolka ka jira, awood qaybiga siyaasadeed, iyo far,aglinta muuqata, ee lagu hayo, ee leh sokeeye iyo shisheeye, soomaali iyo anabi.
Sida ku cad magaca Cabdikariin awoowgiis, wuxuu ahaa mid Guul u soo hooyey qoyskooda, magacuna iskama baxo, oo Guuleed wuxuu la mid yahay, Guulhaye ama Guulside. Guushu ma ahan inaad hanato kusri iyo darajo xileed, magac iyo muunaad kaliya, ee waa inaad hanato maanka iyo qalbiga ummadeed, ka dibna aad noqoto, halyeey la majeerto oo lagu dhaato, kaasoo hoggaankiisa lagu ammaano; hawlkarnimo, daacadnimo, cadaalad, sinnaan iyo garsoor.
Inta badan "LAGA GUULEYSTUHU” waxuu lugaha qabtaa ama fashiliyaa "GUULEYSTAHA”, oo hadda taasi, dhinac ahaan baqdin badan kama jirto, saa Axmad Fiqi, oo "ALLA SHIEKH” u tartamay, awood kuma lahan G/Dhaxe, in kasta oo sidoo kale, guulaysttaha qudhiisu dhankaa kala mid yahay, ee cabsida baa ah, in Guuleed uu guusha gacantiisa ku godgeliyo, haddaba, aan inyar ka sheego caqabadaha ugu adag halka ay ka soo wajahayaan guddoonka Guuleed iyo maamulka Galmudug.
1- Aragtida gurracan, ee qolyaha Sunno sheegta ay doonayaan inay gobolka dhan afduub ku haystaan iyo xuurto ah: waa soo dagaalnay, dhiig baa nooga daatay iyo dhallin baa nooga dhimatay ayaa ah tan ugu adag!
Ogow, marka ay saa leeyihiin, waa run been lagu labay, ama xaq baadil lagu maray, maxaa yeelay, cidna dood iyo dubaaq kama qabto inay soo galeen halgan iyo hawl lama huraan ah, sidii gobolkan looga sifayn lahaa, hortegi lahaa, loogana hor istaagi lahaa daacuunkii Alshabaab iyo halaaggii wehliyey, haddana, Sunno ma noqon awood iyo aragti lagu aflaxo.
Ka sokow, maba ahan aqli iyo itaal bulshada deegaanka ka soo maaxday, oo qof walba ayaa og in Amxaaro ay abuurtay, maalna gashatay, oo hub iyo saanad ugu deeqdo. Hubaal, in ay jiraan dad deegaanka ah, oo dhaqaale iyo dhawaqba ku bixiyey, sidii loo garabsiin lahaa Sunno, oo waliba Sunno in ay iska dhicinta Shabaab Shaydaan xitaa u kaashato aysan dhib lahayn, balse, waxaan la qaadan karin in gobolku 8sano ka dib, uu halkii joogo, una xirnaado xerow iyo xaqlo wadaad!
Qormadii hore waxay ku qoray sidan: "Saddax sano ka dib,DEEGAANKA GOBOLLADA DHEXEyaa taladiisa gacanta ku haya? Haddii qorshe daba dheeraado, wuxuu keenaa daldaloollo badan, sidaa awgeed, kanAHLUSUNNAisagaaba markii hore iska daldaloolaye, maxaa yeelay, haddaadAL uga gabbanaysoALkale inaadan meel dheer gaarayn way muuqataa. Waxaan uga jeedaa, caqli ahaanWADAADwaaWADAAD, ee waxay ahayd inWADAADDADA SUBAGLAYDAah, aan loo dayn kaaligood maamulka deegaanka. Ma ahan inaysan wax ku lahayn ama loo diidayo, ee waa iyaguba inaysan ka aragti gaddisnayn kuwa ay iska caabbinayeen dhanka maamulka iyo awood qaybsiga.
Waxaan uga jeedaa, maamulku waa inuusan salka ku hayn wadaad iyo warkii. Illeen wadaadku inuu Aadane yahay ka sokow, waxaaba nooga filan inta aan indhaheenna ku aragnaye, oo dib dambe aannaan ugu dagmin. Waa haddii la doonayo nolol iyo naruuro. Haddiise ay tahay inta ka sacabba jafatid seerada ha loo daayo waa gaar, waana midda aan ka baqayo inay iminka hirgali rabto, haddii aysan hirgalinba.”
Sunno waxay aamin satahay in ururrada ka sokow in aysan xaq ahayn, ay yihiin magacyo badan, oo hal aragti u taagan, haddaba, sidee looga guulaysan karaa, wadaad qori wata, oo aan qof kale wax u oggolayn? Waxaa muhim ah, in aragtida lagu saleeyo, in beesha Dusmo reeb, la isu diro, oo lagu yiraa: beelaha kalaba ururro diimeedyo iyo waa leeyihiin wadaaddee, idinka meel aan idiin kugu soo hagaagno yeesha, beel ama urur diimeed?.
Sunno waa in ay ogaataa, in wax loo qaybsaday beelnimo iyo reernimo, ee aan wax loo qaybsan yaa Alle u dhaw ama Alle baryi yaqaan! Ka muhimsane, waa inay ogaadaan in dadka deegaanka u dhashay, ee aan abtirkooda cidna diidi karin ay leeyihiin: Wahaabiyo noocyadeeda kala duwan, sida: Alitixaad, Alictisaam, Alshabaab IQK, sidoo kale ay leeyihiin Alislaax jaadadkiisa, sida: Aala Sheekh, Islaax iyo Damjadiid, intaa waxaa u dhexeeya, waa dadkii aan kuwaana ahayn, sheekada Sunnana aysan ku socon, ee leh aragtidooda u gaarka ah, ee ay nolosha iyo jiritaanka ka aamisan yihiin, haddaba, kuwaan sidee la yeelaa? Ka sokow, miyeysan ahayn in iyaguna ay qori qaataan, sidii ay qabsi iyo qasab wax ugu heli lahaayeen? Waxaan dhihi lahaa, ha la gaaro, marka urur iyo koox wax lagu qaybsanayo, ama lagu tartamayo, inta ka horraysa, ninkii ama kooxihii xil raba, ha ku dabafaylaan reerahooda, ninkii ama kooxihii ka dhaga adayga, reerahooda ayaa laga rabaa inay af u bixiyaan, oo dadka ka qabtaan, haddii aysan is qaban karinna ha sheegaan, yeysan dadka waqti ka dhumine, si wadajir ah ha la isaga dhiciyee!
Wadaad shalay Kitaab laqbaynayey, ee celcelis eray iyo ku jiray afcelin, waxaa la yaab leh, waxa asagoo wali sidii duub iyo bafto cad u xiran tahay, uu kursi iyo ugu xoog weyn yahay jago! Ogoow, culimada waxaa lagu yaqaan, wax la yiraa: ZUHDI, WARAC iyo TAQWO xad dhaaf ah. GABLAN!
Dhibku ma ahan Sunno, oo sooyaalka ayaa baray in ay arkaan kuwo ay isku hayb "wadaad” yihiin, oo xilal qabtay, Shariif, Janaqow, Waayeel iwm.
"Wadaaddada waallidu waddo!” Weer, aan u deegsado, inta badan qoraallayda. Dad jecel, oo aad uga helay, inaan haleelay iyo in ka caraysanba, waxaan rabaa inaan meeldhaw idin ka tuso, waxa aan u adeegsado.
Sunno, qolyaha sheegta, ee xoogga ku qabsaday Caasimadda gobolka Galguduud, ahna xarunta maamulka Galmudug, u fiirso, sida ay u dhaqmayaan.
Ka sokow, in ay qabsadeen magaalo ay awood qaybsi iyo ku joogeen inay maamulka ka mid yihiin. Ka sokow, inaysan ku ekaan deegaannadii heshiisku dhigayey in la kala joogo. Ka sokow inay daganaasho iyo xasillooni darro abuurayaan. Ka sokow iyo ka sokow intaa in kale, haddana, magaalada waxay ku qabsadeen dagaal la’aan, oo eheed tallaabo caqli iyo ku dhisneed garasho dheer!
Inta wiil kale dhiman lahaa, magaaladu burburi leheed, dadkuna qixi lahaa, Sunno iyo sunteeda inay qabsadaan ayaa dhaanta. Si walba, oo is mari waa iyo is afgarad la’aan u jirto, marna in dagaal kale dhacaa, waa dabbaalnimo tii ugu weyneed, marka waa in la helaa waddo walba, oo dagaalka loogu hortagayo.
Haddii dagaal uu dhacana, waxaa eeddeeda qaadaya; Madaxweyne Xasan Sheekh, Wasiirka Arrimaha Gudaha Abdurahman Odowaa Wasiirka Qorsheynta Cabdiraxmaan Caynte, Wasiirka Gaashaandhigga Diini, maamulka gobolka Galguduud, Cabdikariin Guuleed Madaxa Galmudug iyo dabcan madaxda Sunno.
Awood qaybsiga dalku waa beel iyo qabiil, ee ma ahan diin iyo urur, ee horta Sunno taa ma ogtahay? Shirka Cadaado, waxaa ku shiray, odoyaasha dhaqanka deegaanka, oo metalaya beelaha dega Gobollada Dhexe, si ay u dhistaan maamul la yiraa GALMUDUG, oo ay xarun u noqondoonto Dusmo reeb.
Haddaba, iyagu beesha ay metelaan waa tee? Ma ta ay deegaannadeeda qabsadeen mise mid kale? Ka sokow, horta danta ay ku shaqaynayaan waa tee? Ma dadka deegaanka, mise, mid ka baxsan, oo Soomaali iyo shisheeyaba dagaal ka riixayaan? Tan dambe u badi.
Iyagoon beel metelin, iyagoon qabiil ka socon, iyagoon awood qaybsiga shirka Cadaado meelna uga bannaanayn, ayaa haddana, Wasiir Odowaa, wuxuu u oggolaaday 10 Xildhibaan, oo loogu daro Baarlamaanka Galmudug, wasiirradana qayb ku yeelan doonaan, oo aan ku iman qabiil, si loo qanciyo, mase aqbaline! "Nin meeli u caddahay, meeli ka madaw!”
Ragga Cadaado ka sharraxnaa, waxaa ka mid ahaa, rag Damjadiid ah, urur diimeed, rag Aala Sheekh ah, urur Diimeed kale, haddaba, Sunno maxaysan qof u sharraxan, oo aysan tartanka doorashada uga qaybgelin? Midda ka muhimsan, maxaysan u sugin inta laga gaarayo, in wax lagu qaybsado URUR DIIMEED iyo waalli wadaad?!
La yaabku waa, madasha ay shirka ku qabsadeen, ee ay dheheen gogol baan dhigannay, waxaa maalgashtay, oo dayactiratay beesha degmada, haddana, Sunno, sidee rabtaa inay xoolo aysan shaqaysan, oo u soo dhididin ku qaataan?.
Hoolka shirka ay ku qabsadeen, kuraasta waa weyn ee taal, bilicda iyo bidhaanta ka muuqata, waa hanti beeli uga shaqaynaysay hormarinta deegaankeeda, sidaa awgeed, Sunno, saw ma ahayn, shirka in ay ku qabsadaan xarun kale, ama ugu yaraan mid ay dayacrirteen, oo dhaqaalehoodu ku bexeen?.
Intaa oo qallooc ah kuma ekaane, Wadaaddada waallidu waddo, waxay si rasmi ah oo muuqata, shir maalmo socoday, kaga dhawaaqeen inay ay doorteen Madaxweyne! "Madaxweyne, mar i dhaha!”
Haddi ogow, shirarkoodu ma ahan mid dhaafsiisan aragtidooda leexsan, dhiirrigelinta Xabashida iyo sida ay jecel yihiin madaxda maamulka Bari, sida uu sheegay Cali X. Warsame!
2- Xabashida, oo kaalin isku dir, kala geyn iyo kala fogayn ah ka wadda gobolka, illeyn, sidee Sunno ku qabsan kartaa Dusmo reeb, caasimadda Galguduud, ahna xarunta Maamulka Galmudug, iyada oo ay Xabashidu joogaan Garoonka diyaaraha, ee Ugaas Nuur iyo duleedka magaalada, haddana, la sheegayo inay isaga baxayaan degmada Cadaado.
Dad badan baa rumaysan, in Xabshidu ciyaaraysay laba kaarto ama lama qorshe, oo ah, haddii uu soo baxo mid ka mid ah Guuleed iyo Fiqi, in ay afka ciidda u darto wixii halkaa ka soo baxa, sidii ayaadna mooddaa inay wax u dhacayaan.
In Xabashidu raalli ka tahay qaska Wadaaddada waallidu waddo, waxaa kuugu daliil ah, sidee ku dhacday, in ay Dusmo reeb qabsadaan, iyada oo Garoonka Ugas Nuur, ay joogaan Ciidammo Xabashi ah? Kaliya ma ahane, far iyo faruur ma dhaqaajin! Haddaba, Xabashi deegaanka iyo waddanka, maxay u joogaan, ma nabad ilaalin, mise, dantooda? Qofkii tan hore moodi jiroow, hurdada ka kac, ee dhacdadan iyo shirkii Shariif Sakiin lagu madaxweyneeyey ku quus qaado!
Maxay uga hadli la’ yihiin, oo uga aamuseen; Madaxweyne Xasan Sheekh, Wasiirka Arrimaha Gudaha Cabdiraxmaan Abdurahman Odowaa Wasiirka Qorsheynta Cabdiraxmaan Caynte, Wasiirka Gaashaandhigga Diini, maamulka gobolka Galguduud, guddigii farsamada shirka, murashaxiintii iyo guddoonka cusub, ee la doortay? Haddaba, isweydiintu waa, Galmudug, Guuleed, Gebre iyo Gobollada dhexe, inteey isu jiraan?.
3- Dhanka ugu dambeeya waa, damaca maamulka bari iyo doonistiisa ah, REER aan ANAGA ahayn yeysan jirin! Hubaal, in xadka gobolka Mudug, ee laga dhigay Nugaal ay tahay welwel ay qabaan, haddana, Dastuuri ahaan Mudug, Nugaal ayaa xad u ah, marka waqooyi laga xadanayo, ee sidee la yeelayaa, miyaa jihadaa la tiraa?.
Dhawr sano ka hor, Gaas, ayuu ahaa, qofkii gacantiisa ku saxiixay in GALMUDUG la isku yiraa: gobollada Galguduud iyo Mudug, maanta labadii ayaa la mideeyee, maxaa is badalay? Waa maxay waawareydan iyo hayaaydan aan kala hakadka lahayn?.
Hadday midnimo, wadaag iyo wanaag jacayl ka ahaan leheed, maxaa iga bi’i lahaa, oo ay sidaa ku heli karaan tageerada qof walba, oo Soomaali ah, ee doonaya, dawladnimo, ee baroortoodu waa, dalku ha u qaybsanaado maamullo beleed iyo jufooyin, oo yaan la soo hadal qaadin aragti ka duwan!
Aragtida kale, ee muhimka ah, ee meesha taali waa, ujeedka shirkii Cadaado looga saaray odoyaasha ka socday waqooyiga Gaalkacyo, ee gaarayey afartameeyda, maxay ahayd? Cumar Cabdirashiid, RW xukuumaddu, muxuu u cuskaday? Ma qabyaalad iyo beelaysi, mise, dastuur? Hadday tan hore tahay, maxay RW ka yahay? Haddayse, tan dambe tahay, yaa noo sheegi kara qodobbadaa iyo qaanuunnadaa? GABLAN! Socodka waayaha, amminka iyo aayama dambe, aan wada sugno.
Gunaanad:
Shirka Dusmo reeb, ee ka soo horjeeda shirka Cadaado, iila ekaa, aragtidii CAKAARO iyo SEEY BIYAANO, ee sababtay geerida Gen. Caydiid, fashilisayna dawladdii Salballaar, ee uu ka dhisay koofurta dalka; Kismaayo illaa Gaalkacyo!
Gen. Caydiid, xukun iyo madaxtinnimo jacaylba ha ka ahaatee, haddana, aragtidiisa iyo awooddiisu wuxuu isu geeyey, sidii uu hirgelin lahaa dawladdaa curdanka ah, oo uu markii dambana, shirkii Qaahira, ku soo duugay wiilkiisa Xuseen!
Wadaaddada waallidu waddo, ee Sunno, maanta, iyaguna waxay u heellan yihiin, sidii mar kale, loo fashil lahaa, himilada ka soo muuqatay Gobollada Dhexe, ee lagu dhisayo maamul, ay u dhan yihiin beelaha wada dega gobolka, iyaga, oo sidii loo fashilin lahaa shirka Cadaado shaqo ka dhigtay! GABLAN!
Haddaba, Guuleed, waxaa looga fadhiyaa, dabacsanaan, jileec iyo tanaasul badan. Hadalkiisii ahaa, inaan dagaal iyo xabbad wax lagu xallinayn, wuxuu lahaa muhimmaddiisa, ee waa inuu ku dedaalaa, sidii looga miradhalin lahaa himilada iyo hanka reer Gobollada dhexe iyo maamulkooda GALMUDUG.
Bashiir M. Xersi
https://bilediraac.wordpress.com/
Guddoonka Guuleed Gobollada Dhexe guul ma gaarsiin karaa?!
Maarso, 2013kii, ayaan qoray qormo cinwaankeedu ahaa: "Gobollada Dhexe: maxaa Guddoon la'aan dhigay?!" warcelinta weydiintan, waxaan u helnay, si hordhac ama billow ah, sanado ka dib, haddana, weydiin ahaan meesha ugama bixin, oo waxay