Ururka Haweenka magaalada Qoraxaad ayaa soo saaray baaq ay ku taageeraayaan Musharax Xildhibaan Muxubo Cismaan Guuleed
baaqan ayaa u qorna sidatan : Annagoo ah ururka Haweenka magaalada Qoraxaad ee Gobolka Gardafuul waxaan si kal iyo lab ah usoo dhaynaynaa Murwo Muxubo Cismaan Guuleed oo ah Musharax Xildhibaan Baarlamanka cusub ee Puntland.
Kadib dood iyo wadatashiyo aan samaynay waxaan u aragnay Murwo Muxubo Cismaan Guuleed inay tahay qof wax u qaban karta dalka iyo dadka.
Anagoo ku hadlayna magaca haweenka iyo hooyoyinka magaalada Qoroxaad waxaan ku hanwayn nahay Murwo Muxubo Cismaan Guuleed oao ah Iftiin u soo baxay dadka deegaanka iyo reer puntland
sidaas awgeed waxaan ka codsanaynaa isimada nabadoonada iyo cuqaasheena sharafta mudan inay nala qaataan murwo muxubo cismaan
guuleed oo aan ku rajawaynahay inay wax badan ka qaban doonto haduu eebe idmo baahiyaha hooyooyinka iyo ubadka sida xarumaha caafimaadka, xarumaha waxbarashada , barnaamijyada daryeelka hooyada iyo dhalaanka, tayaynta iyo tababarka kalkaaliyaal caafimaad , gaari ambalace ee dhulkaan gaariwaaga ah iwm
mar labaad waxaan ka codsanaynaa beeldaajaheena iyo cuqaasheena u xilsaaran soo xulista xubnaha barlamaanka cusub inay nala qaatan oo
soo xulaan murwo muxubo cismaan oo aan ku naqaan firfircooni daacadnimo hufnaan iyo waxqabad.
ururka haweenka Qoraxaad ee uu kasoo baxay baaqan taageerada ah ayaa kala ah;-
Ururka Haweenka magaalada Qoraxaad Oo Taageero U Muujiyay Musharax Xildhibaan muxubo cismaan guuleed
Ururka Haweenka magaalada Qoraxaad ayaa soo saaray baaq ay ku taageeraayaan Musharax Xildhibaan Muxubo Cismaan Guuleed baaqan ayaa u qorna sidatan :