C/kariin Xuseen Guuleed Oo Laduubtay Saaxibkiis Kana Soo Horjeestay Mooshinka Xildhibaanada

0
Friday August 14, 2015 - 21:20:59 in Wararka by Warsheekh Media
  • Visits: 1692
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    C/kariin Xuseen Guuleed Oo Laduubtay Saaxibkiis Kana Soo Horjeestay Mooshinka Xildhibaanada

    Madaxweynaha Maamulka Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed ayaa ka hadlay mooshinka laga keenay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, isagoo xusay in mooshinkaas in hada la keeno aanay ku habooneyn xaalada dalka uu ku jiro.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Maamulka Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed ayaa ka hadlay mooshinka laga keenay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, isagoo xusay in mooshinkaas in hada la keeno aanay ku habooneyn xaalada dalka uu ku jiro.

"Waxaa ogtihiin in labadan maalmood ee la soo dhaafay inuu soo ifbaxay mooshin laga geeyay baarlamaanka federaalka madaxweynaha jamhuuriyada oo la leeyahay waa mooshin xil ka qaadis, shaki kuma jiro inuu baarlamaanka awood u leeyahay, awoodihiisa dastuurka ayay ka mid tahay in Madaxwenaha xilka ka qaadaan”ayuu yiri Madaxweyne Guuleed.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in daruufta iyo xaalada dalka uu ku jiro aanay ku habooneyn in mooshinka la keeno, isla markaana aanay maslaxad u aheyd dalka iyo dadka sida uu yiri

"Waxaa u soo jeedin lahaa baarlamaanka Soomaaliyeed inay dib u eegis aad u weyn ku sameeyaan, loona garto is qab qabsiga hey’adaha dowliga in aanay habooneyn looguna turo dalka marxalada uu marayo, waxaan ognahay xukuumado markii mooshin laga keeno, marka Xukuumadahaas meesha ka baxdo waqtiga qaadanayso in la soo dhiso, tan Madaxweynaha waa ka sii daran tahay, waayo waa shaqsiga dalka ugu sareeyay”ayuu yiri Madaxweynaha Galmudug.


Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip