Masjidka Göteborg oo bilaabay Qaab Cusub oo loo Tukanayo Salaada Jimcaha

0
Saturday January 08, 2022 - 19:03:27 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 650
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Masjidka Göteborg oo bilaabay Qaab Cusub oo loo Tukanayo Salaada Jimcaha

    In Salaada Jimcaha la tukado labo mar ayaa ah mid caadi ah iyadoo dadka loo qeybinayo labo qeybood lakin Masjidka Göteborg ayaa bilaabay Qaab cusub.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

In Salaada Jimcaha la tukado labo mar ayaa ah mid caadi ah iyadoo dadka loo qeybinayo labo qeybood lakin Masjidka Göteborg ayaa bilaabay Qaab cusub.


Qaabka Cusub ayaa ah in Dadka la Talaalay ay Tukadaan Salaada Qeybta hore hore ee masjidka Marka labaad ay salaada Tukanayaan Dadka aan Qaadan Talaalka.

 
Madaxa Warfaafinta ee Masjidka Göteborg Kalthoum Kalim ayaa sheegay in Masjidka lagu tukan doono iyadoo dadka qaatay talaalka ay ku tukanayaan Hoolka weyn ee Salaadda, halka kuwa aan la tallaalin ay ku tukan doonaan Maqaaxida madama Salaada hore ay imaan karaan dad aanan la talaalin.

 
Go’aankan cusub ayaa dhigaya in ugu badnaan 500 oo qof ay tukandoonaan marka hore, marka ay dhammeeyaanna waxaa salaadda labaad tukanaya dadka aan la tallaalin iyadoo la ogolyahay ugu badnaan 350 qof iyadoo la ilaalinayo masaafada u dhexeysa.

Bayaan uu siiyay SVT, ayuu Kalim ku xaqiijiyay in masaajidka ka go’antahay fulinta Xayiraadaha, isagoo xusay in "Iimaamka masaajidka uu sii wado inuu dadka ugu baaqo inay qaataan tallaalka, laakiin ma mamnuuci doono salaadda kuwa aan la tallaalin haddii ay dowladdu sameyso.

 
Somaliska.

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip