Aqoonyahan Axmed Yuusuf Muuse oo ahaa murashax Xildhibaan oo u Tanaasulay Murwo muxubo Cismaan Guuleed kuna baaqay in la doorto‏

0
Sunday December 08, 2013 - 21:29:43 in Wararka by Web Admin
  • Visits: 1752
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Aqoonyahan Axmed Yuusuf Muuse oo ahaa murashax Xildhibaan oo u Tanaasulay Murwo muxubo Cismaan Guuleed kuna baaqay in la doorto‏

    Dr. axmed yuusuf muuse oo horay u ahaa murashax u taagan xildhibaanimada Baargaal ee Barlamaanka Cusub ee Puntland ayaa Shaaciyey inuu ka tanaasulay Murashaxnimadiisii isla markaana ku wareejiyey codkiisa musharax xildhibaan Murwo Muxubo Cismaan Guu

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dr. axmed yuusuf muuse oo horay u ahaa murashax u taagan xildhibaanimada Baargaal ee Barlamaanka Cusub ee Puntland ayaa Shaaciyey inuu ka tanaasulay Murashaxnimadiisii isla markaana ku wareejiyey codkiisa musharax xildhibaan Murwo Muxubo Cismaan Guuleed Dr. Axmed Yuusf Muuse oo warbaahinta qaar la hadlay ayaa sheegay in U arkay In ay Muhiim Tahay In uu ka Tanaasulo kadib Markii ay Isla
Gorfeeyeen Odayaashay iyo waxgaradka Beeslaha aadan C/raxmaan isla markaana uu Ku Qancay In Murwo Muxubo hanan karto Xilkaas.

Dr. axmed Yuusuf ayaa intaasi ku daray in uu go'aankaas qaatay kadib markuu arkay barnaamajka waxqabad iyo horumarineed ay wado murwo
muxubo cismaan , iyo yididiilaha ay muujisay intay dadlka ku sugnay asagoo murw muxubo ku tilmaamay inay tahay shakhsi ay dhab ka tahay
inay dadleedii wax u qabato , gaar ahaan dhinac yada waxbarshada iyo caafimaadka.

Diktoorka ayaa sidoo kale intaasi kudaray inuu taageersanyahay doorka Haweenka iyo inay ka muuqdaan masraxa siyaasada puntland , asagoo baaq
iyo codsi gaar ah u diraaya nabadoonada iy cuqaasha wali dib u guranaaya inay doortaan murwo muxubo oo matalaysa rabitaanka bulshada.

diktoorka ayaa si kulul u canbaareeyay baaqyada been abuurka ah oo ay dad dana gaar ah wata bggaga internetka qaar u direen asagoo ku
tilmaamay dadka raba in nin 15 sano iyo sadex xukuumad oo kala duwanaa ku fadhiyay kursigaas inay shan sano oo danbe ku sii fadhiyo wuxuuna
yiri asagoo taas ka hadlaaya

" shan sanaa sheegteene bil raali ugama nihin inuu sii fadhiyo , muxuu qabtay oo ku kasbaday arintaas , ha yimaado dalka haduu tolka
wax ka rabo , intuu garoowe fadhiyo raali buu naga ahaanaayaa "

soo xulitaanka Xubnaha Barlamaanka Puntland ayaa ku jirta maalmihii ugu danbaysay ayadoo wali xildhibaano badan eeysan beelaha qaar ku soo
heshiin cidda u matali lahayd barlamaanka cusub ee puntland xildhibaanadaas oo door wayn ka ciyaari doona doorashada
madaxtinimada ee sanadka soo socda horaantiisa ka dhici doonta Dawlada puntland

Maxamed Ibraahim Axmed
Baargaal
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip