Wararkii ugu dambeeyay dagaalka Gaalkacyo & Guuleed oo hadlay

0
Sunday November 29, 2015 - 03:03:47 in Wararka by Web Admin
  • Visits: 1817
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wararkii ugu dambeeyay dagaalka Gaalkacyo & Guuleed oo hadlay

    Ugu yaraan 7 qof ayaa dhintay, in kabadan 30 kalena way dhaawacmeen, kadib markii maanta mar kale dagaal uu magaalada Gaalkacyo ku dhexmaray ciidamada maamullada Puntland iyo Galmudug.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ugu yaraan 7 qof ayaa dhintay, in kabadan 30 kalena way dhaawacmeen, kadib markii maanta mar kale dagaal uu magaalada Gaalkacyo ku dhexmaray ciidamada maamullada Puntland iyo Galmudug.
 
Askari katirsan milatariga DFS


Dagaalkan ayaa dhacay saaka aroortii, waxaana wararku sheegayaa in dagaalkan uu sababay in dad badan ay magaalada ka qaxaan.

Waxaa muuqata inay guuldareysatay waan-waan uu labada dhinac ka dhex waday RW Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Sharmaarke oo isagu maanta dib ugu noqday magaalada Muqdisho.

Dhinaca kale Madaxweynaha Maamul Goboleedka Galmudug Mudane Cabdi Kariin Xuseen Guuleed oo ku sugan Magaalada Cadaado ayaa goordhaw qabtay shir jaraa’id uu kaga hadlay dagaalka kasoo cusboonaaday Magaalada Gaalacyo .

Mudane Guuleed ayaa sheegay in ay aad uga xun yihiin dagaalka saakay dib uga qarxay Magaalada Gaalkacyo, waxa uuna tilmaamay in Ciidamada Maamulka Puntiland ay saakay duulaan kusoo qaadeen Ciidamada Galmudug xili ay fariisamdooda ku sugnaayeen.

Waxa uu tilmaamay Madaxweynaha Maamulka Galmudug in Ciidankooda aysan marnaba duulaan ku aheyn dariskooda ayna difaac ku jiraan, waxa uuna ku eedeeyay dhinaca Maamulka Puntiland ay dulaan yihiin ayna kasoo horjeedaan in nabad lagu wada noolaado.

Cabdi Kariin Xuseen Guuleed madaxweyne noqdayDhinaca kale Madaxweynaha Galmudug ayaa ka hadlay kulankii ay shalay Cadaado kuwada qaateen Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, waxa uuna sheegay Madaxweynaha in ay soo dhaweeyeen dadaalka nabadeed uu waday Ra’isul Wasaaraha.

Waxa uu xusay Madaxweynaha Galmudug in ay aqbaleen in xabad joojin kalala dhax dhigo labada Ciidan balse ay arintaasi kasocon weysay dhinaca Maamulka Puntiland , waxa uuna intaa raaciyay in mar walbo diyaar u yihiin nabad kuwada noolaansho iyo daris wanaag.

Hadalka Madaxweynaha Galmudug ayaa imaanaya xili maanta mar kale dagaalo u dhaxeeya Ciidamada Maamulka Puntiland iyo kan Galmudug uu dib uga qarxay qeybo kamid ah Mgaalada Gaalkacyo , ayna guul dareesteen waan waantii labada dhinac laga dhax waday.

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip