Maansadii Murashax (By Galeyr)

0
Friday June 22, 2012 - 16:01:07 in Maqaallo by Xarunta Dhexe
  • Visits: 1997
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maansadii Murashax (By Galeyr)

    Maansadan waxaan curiyey isla bishan juun ee aynu ku jirno badhtankeeda waxaan arkay dad badan oo magacyadooda qaarna cusub yihiin qaarna aynu hore u naqaanay oo dhamaantood murashixiina siday u dhan yihiina doonaya kursiga Madaxweynah

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maansadan waxaan curiyey isla bishan juun ee aynu ku jirno badhtankeeda waxaan arkay dad badan oo magacyadooda qaarna cusub yihiin qaarna aynu hore u naqaanay oo dhamaantood murashixiina siday u dhan yihiina doonaya kursiga Madaxweynaha
Maqaal aan qoray bishan juun ciwaankiisuna ahaa “Murashax iyo madaxdoon” ayaa qayb Maansada ka mid ahi ku jirtay anigoo markaa bulshada weydiinaya haddii Bulshadii soomaaliyeed kuligood madaxnimo rabaan adeegyada kale ee bulsho yaa qabanaya mase wada noqon karnaa Madaxweynayaal dhamaanteen ayaa waxaan idhi.

Maansada Murashax

Madaxnimada mooyee

Murashaxa ordaayoow

Macne kale ma haysaa?!



Milge maxaad u leedahay?

Maxaad maanta ka horoow

Maatada dalkaagiyo

Maxasta u samaysoo

Mudane, lagugu doortaa?.



Mise magacan baasbaa

Adigana ku madax maray

Mar uun meesha gaadhbaa

La maqiiqan tahayoo

Maqal iyo ogaaliyo

Maba lihid majare saxan?!



Mabd’a lagugu aamino

Iyo mawqif horumara

I maqlaayda mooyee

Maxaa mudane kuu dheer?!



Miilankiyo ujeedada

Aan mariye maansada

Muftigii cilmiga waday

Iyo Mu’adsinkiisii

Waa murashaxiinoo

Masjidkii ka maagoo

Maxay uga danleeyihiin?.



Dhakhtarkii mudnaa iyo

Mudaawadka laga rabay

Ee mariidku sugayee

Ahaa lagama maarmaan

Waa murashax maantoo

Ma dabiibo ruuxnee

Muxuu uga danleeyahay?.



Meleteriga hore iyo

Mudanoow Askarigii

Mirta iyo habeenkii

Maatada inuu jiro

Muddo tababarka u jiray

Muran buu ka keenoo

Waa murashax maantee

Muxuu uga danleeyahay?.



Odaygii milgaha iyo

Dhaqanka u mudnaaye

Ee Macawis iyo Shaal

Iyo marada xidhan jiray

Madaxuna u duubnaa

Miisaanka weynaa

Waa murashax maantee

Muxuu uga danleeyahay?.



Macnahii aqoontiyo

Ma huraan waxbarashada

Iyo Macallinkii waday

Muriidkii aqoontiyo

Masnacii waxbarashada

Iska maanacoo diid

Waana murashax maantee

Muxuu uga danleeyahay?.



Minaaradaha dhaadheer

Matoorrada olkamayiyo

Warshadaha muhiimka ah

Meeshii dhismeba galo

Iyo qalab makaaniik

Maareeyahoodii

Injineerkii muraniyo

Maya buu ka joogaa

Waana murashax maante

Muxuu uga danleeyahay?.



Mudantii haweenkiyo

Marwada iyo hooyadii

Minankiyo ciyaalkii

Maareeynti gurigiyo

Meeqaankii hooyada

Marxabaynta ubadkii

Ma hurtadii ka booddo

Waana murashax maante

Maxay uga danleeyiiin?.



Su’aalahan muhiimka ah

Malaayiinta Soomaal

Ee madax u dirirka ah

Maqalkiina laga xidhay

Muuqaalka eber yahay

Madaxweyne mooyee

Meel kaleba aan rabin

Muslinoow la yaabaye

Maxay uga danleeyihiin?.



Dhammaad.



Cabdiraxiin H galayr

Galayr1977@hotmail.com
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip