Maansadii Hambalyo(Oo ku socota Madaxweynaha Cusub ee Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud)

0
Tuesday September 11, 2012 - 08:37:34 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 1550
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maansadii Hambalyo(Oo ku socota Madaxweynaha Cusub ee Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud)

    Maansadii“Hambalyo” waxaan Curiyey Maansadan ka dib, Isbedelka Doorashadii Maanta oo ay Taariikhdu ahayd 10.09.2012 ka dhacday Magaalada Caasimada Muqdisho ee Jamhuuriyadda Soomaaliya Doorashadaas oo lagu doortay Hoggaamiye cusub oo noq

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maansadii“Hambalyo” waxaan Curiyey Maansadan ka dib, Isbedelka Doorashadii Maanta oo ay Taariikhdu ahayd 10.09.2012 ka dhacday Magaalada Caasimada Muqdisho ee Jamhuuriyadda Soomaaliya Doorashadaas oo lagu doortay Hoggaamiye cusub oo noqonaya Madaxweynha Soomaaliya ee Afarta Sanadood ee soo socota ahna Mudane Dr, Xasan Shiikh Maxamuud Macalin haddaba anigoo metela codka Shacabka Soomaaliyeed ayaan maansadan Hambalyo,Bogaadin Dardaaran , Talo, Tusaalayn, Duco, Dhiirigelin Gubaabo isugu jirta u tiriyey ee Bogasho wacan:

Maansadii Hambalyo

Ha‘deediyo Wawga

Heestii dhaqankeena

Anoo ka hadaafay

Ka haajiray waayo

Inaan halabeeyo

Inaan hal abuuro

Hilaadiyo maanso

Suugaan hilinkeeda

Anoo muddo hiifay

Ayaan helay haatuf

Hagaag ka hadlaaya.

Sidii hogol hoortay

Hillaaca barwaaqo

Sidii haramaanyo

Dhirtoo wada hawrtay

Hoobanna la ciirtay

Haleelo la maalay

Hadhuub iyo caano

Baalan hambalyeeyo

Hojiyo hadalkayga

Hubaalna u sheego

Halkaan ula jeedo

Halyeeyga la doortay

Hoggaanka dalkeena

Horjeegaha haatan

Codkii helay maanta

Hal aan ku iraahdo.

Hoggaamiye heedheh

Muddaan u harraadnay

Halyeey samadoona

Dhulkoo hamashoobay

Hareeri baxaaya

Hir doogle na geeya.

Hoggaamiye heedheh

Haddii Baarlamaanku

Codkooda hibaysan

Habsami kugu doortay

Hantidii qarankoo dhan

Hormuudka u taagan

Haddaad tahay maanta

Hayaanka bilaabmay

Horseedka la gaaray

Hagaaji dhankaaga

Hannaanka dalkaaga

Halbeeg hadalkaaga

Hubsiimana raaci

Ha diidin wanaagga

Ha qaadin tallaabo

Hadhow lagu eedo

Halkay hadda joogto!

Horey u dhaqaaji

Ka haabso ujeedka

Habkuu qarankeenu

Hirkaa iyo caadka

Hubaal ku tegaayo

Hilaadi dhankeeda.

Habkeeda wanaaji

Hankeeda sabaali

Ka heer cadowgeeda

Hajuumka xumaale

Halgaadda Dhurwaaga

Haadaan ka ilaali

Halkay ka hallawday

Hoggii lagu eeday

Dorraato ka haadday

Ka haybso aqoonta

Halmaal dhaqankeena

Haweenka ilaali

Dhallaanka habaabay

Aqoonta ka hoostay

Haddeer u hagaaji

Agoonta haryuuban

Cid lada ku habaastay

Hooy sii shacabkaaga

Habee umaddaada

Hubsoo dhaqankaaga

Ku hay sadrigaaga.

Halyeey calankeena

Habaaska ka dhawr

Hoos yaanu u ciirin

Cirkaa sida heego

Ha fuulo buluugle .

Hilmaan danta gaara

Hirgali danta guudna

U hiilli wanaagga

Ka haari xumaanta.

Ninkii hadafkaaga

Hummaag gelinayaa

Hadhkii la xisaabtan

Hub yeelo dagaalka

Han yeelo dhaqaale

Hab yeelo siyaasi

Hadhiimo samayso

Hadhoow magacaaga

Halyeey lagu sheego

Ha’dii xarafkeeda

Hannaan ma u muujay

Miyaan halna seegay!

Duucaan la hurayn

Rabboow la hagaaji

Hoggaanka la doortay

Rabboow hilin toosan

Rabboow hadaf taama

Rabboow nin hufnaanta

Horseeda ka yeel

Umaddan kala haadday

Habaabka ku raagtay

Hoygeeda ka guurtay

Harraadku dhammeeyey

Rabboow harac gee

Hanuunshe ka yeel

Rabboow na hadee

Dadkaaga u hiilli

Haykalka qarankeenna

Himliye kor u qaada

Mideey ku hurdaano

Hagaajiye doora

Hoggaanka ka yeel.

Aamiin. Aamiin. Aamiin.

Cabdiraxiin Hilowle Galayr

Galayr1977@hotmail.com


Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip