Ka bogasho wacan maansadii ( MIXNO ) "Qore: Abdiaziiz A. Mohamed."

0
Tuesday April 30, 2013 - 08:13:49 in Maqaallo by Xarunta Dhexe
  • Visits: 1621
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ka bogasho wacan maansadii ( MIXNO ) "Qore: Abdiaziiz A. Mohamed."

    Maansadan waxaa la tiraahdaa Mixno, Waxay ku socotaa abwaanada Soomaaliyeed kuwaas oo had iyo jeer u taagan sidii ay u baraarujin lahaayeen umadda iyo sidii ay u midayn lahaayeen.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maansadan waxaa la tiraahdaa Mixno, Waxay ku socotaa abwaanada Soomaaliyeed kuwaas oo had iyo jeer u taagan sidii ay u baraarujin lahaayeen umadda iyo sidii ay u midayn lahaayeen. Hadaba arinka aan doonayo maanta in aan ka hadlaahii waa dhibaato soo jirtay hadana jirta laakiin ay khalad tahay in ay sii jirto waayo waxaa naga mid ah qaar dulman oo gaar loo soocay, kuwaas oo ah kuwii noogu xirfadda iyo shaqada badnaa ayna ahayd in aan abaal marin gudoonsiino.

Dadkan la isir soocay ayaa ah u kuwii naga daba gayn lehaa dunida inteeda kale sababtoo ah waxaa lagu kala horumaray dunida waa sancada aakhirana waa camalka wanaagsan iyo cabsida Alaah.

Ka bogasho wacan maansadii ( MIXNO )

Maansada la tiriyiyo
Jeer ay masafa tahay
Mowhibada gabaygiyo
Murtideeda suugaan
Kuwa lagu manaystoow
Ruux la midab takooroo
la musuq-masuqaanee
Waa inaad macnaysaan
Waxa lay mucaaraday
Ama layga meyroo
Mixnadan i haysaa
Maantaba Dhamaataa.

Hadii aadan maqalood
Moodeysid aadmiga
Maqaamkaaga oo kale
Inay wada maraayaan
Qaarbaa la masabiday

Qaarbaa maraakiib
Ama mudac wax lagu tolo
Mooyaha wax lagu tumo
Markii ay masaartii
idiin muunadeeyeen
Muraadkiina fuliyeen
Lagu yiri Midgaanyohow.

Mashaqada dagaalkiyo
Kuwii diiday murankoo
Sancadii maciin biday
Ma dhibaan xun baadtahay
yaa Loogu Mahadnaqay

Kuwii muruqa maaloo
Dadkii kale ka maarmoo
Magansaday ilaahay
Magac baad ku sheegteen (boon)

Maqaartaad naceyseen
Kuwii muunadeeyoo
kuraas lagu murtaaxiyo
Jaakadaha ka muhandasay
Waad mala awaasheen

Hadaan maqasti qaatoon
Madixii idiin jaray
Majliskii akhyaartii
Layguma macsuumine
Mamnuuc baad tiraahdeen

Badaa mowjadaha lee
Mowlaheen nasiiyana
Malaaygii la cunayiyo
Hadaan maal ka keenana
Waad igu mashquusheen.

Shacabkaan matalayana
Mudanahay lahaayeen
Hadaan maanka galiyoon
Miiska soo fariistana
Midkalaad titaahdeen (othars).

Midabkiyo caqiidada
Afkeenii macaanaa
Layguma maciinine
Waa laygu maadsaday.

Ruux la midab takooroo
la musuq-masuqaanee
Waa inaad macnaysaan
Waxa lay mucaaraday
Ama layga meyroo
Mixnadan i haysaa
Maantaba Dhamaataa.


Mahadsanidiin.
Qore: Abdiaziiz A. Mohamed.
aziizxg@hotmail.com
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip