Xooghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra'iisul Wasaaraha oo deeq lacageed gaarsiiyey Caruur ku dhaawacantay Qarax Miino (Sawiro)

0
Wednesday June 18, 2014 - 13:36:50 in Wararka by Web Admin
  • Visits: 1694
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xooghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra'iisul Wasaaraha oo deeq lacageed gaarsiiyey Caruur ku dhaawacantay Qarax Miino (Sawiro)

    Muqdisho, 18. June, 2014... Xoghayaha joogtada ah ee Xafiiska Ra'iisul Wasaaraha Dr. Cumar Xasan Cusmaan ayaa ku booqday Isbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho dhaawacyada saddex caruur ah oo dhawaan waxyeelo kasoo gaartay qarax ka dhacay degm

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muqdisho, 18. June, 2014... Xoghayaha joogtada ah ee Xafiiska Ra'iisul Wasaaraha Dr. Cumar Xasan Cusmaan ayaa ku booqday Isbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho dhaawacyada saddex caruur ah oo dhawaan waxyeelo kasoo gaartay qarax ka dhacay degmada Xamar-jajab ee Gobalka Banaadir.

Mudane Cumar ayaa mid mid u booqday dhaawacyada caruurta, wuxuuna waalidiinta dhallaankaasi ku wareejiyay lacag gaaraysa 1,500 dollar, isagoo u rajeeyay inuu alle siiyo caafimaad deg deg ah. Xoghayaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka codsay qeybaha kale ee dowladda iyo hay’addaha samafalka in ay caawiyaan dadka tabaaleysan ee ku jira qaar ka mid ah cusbitaaladda magaalada Muqdisho.

Mudane Cumar ayaa sheegay inuu booqasho gabaan ugu yimid Bukaanada ku jira Isbitaalka isaga oo ka wakiil ah Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha si ay ula qeybsadaan dareenkooda, isla-markaana ay soo gaarsiiyeen deeq lacageed.

"Xukuumaddeenu aad ayay uga xun tahay dhibaatooyinka maalin kasta soo gaaraya shacabka Soomaaliyeed, waxayna diyaar u tahay inay culayska iyo dhibaatada la qaybsato dadkeeda” ayuu yiri Mudane Cumar.

Waa masuulkii ugu horreeyey oo ka socda dowladda oo deeq lacageed gaarsiiya carruur Sabtidii ku dhaawacantay qarax ay kooxaha nabad diidka ah soo galiyeen qashin ay soo dhigeen meel u dhow sarta Uunlaaye ee xaafada Xamar Jajab.


---DHAMAAD---

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip