Maansadii 28aad ee Deelayda Diiwaankii Nabada iyo Deelaydii Qarniga 21aad

0
Saturday March 19, 2011 - 14:24:15 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 2318
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maansadii 28aad ee Deelayda Diiwaankii Nabada iyo Deelaydii Qarniga 21aad

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maansadan doorasho waxaan ugaga hadlayaa dadka inta badan danaha soomaalida ka hadla oo aan dhamaantood ku imanin doorasho iyo nidaam sharciyan ah oo shacabka kalsoonidooda ku yimid .Haday dowlad yihiin iyo haday mucaarad yihiin iyo haday gobolo yihiin iyo haday wax kale yihiin.


Qolo waliba waxay afduub ku haysataa qoloda ay magaceeda sheeganayso qaybaha kala duwan ee bulshada sidaa awgeed waxaa ila qurux badnaata inaan bulshada u bandhigo arinkan doorasho la,aanta iyo qolyaha afduubkana aan ifka iyo aakhiro waxii jira xasuusiyo.


Waxaay maansadan daba socotaa maansooyinkii hore eediiwaankii nabada iyo dedaalkii dhalinta iyo deelaydii qarniga ee dhalinyadara soomaaliyeed ee aduunka dacaladiisa kala joogaa ku lafa gurayeen dib u heshiisiinta iyo dedaalka nabada iyo dardargelinta baraarujinta bulshada soomaaliyeed kagana digayeen kala daadsanaanta , dagaalada iyo colaadaha , dulmiga iyo darxumada dalka aafaysay, waa deelay mudo laba sano ah soo taxnayd waxay bilaabatay qaraxii ardaydii hotel Shaamoow ee sanadkii 2009kii ilaa 2010 ilaa hada oo lagu jiro 2011 waxa ka qayb qaatay dhalinyaro wadanka joogta iyo kuwa qurba joogaa iyaga oo maansooyin xidhiidh ah isu marinayey oo ay ku cabirayaan dareenkoda.


Shabakadaha af soomaaliga lagu qoro waxan kale oo u mahadcelinaya bahda warbaahinta oo iyaguna qayb wayn ka ah samata bixinta umada soomaaliyeed iyo xal u raadinta dhibaatada goor walba dalka ka taagan iminka ugu danbayn iyo maansadadii 28aad ee deelaydii qarniga 21aaad.


Qofkaan hore u arag ama abwaanka doonaaya inuu ka qaybqaato waxuu ka helayaa 27ka maanso ee hore mareegta lagu kaydiyey ee www.galayr1.blogspot.com hadana bogasho wacan maansadii doorasho.


Deelleey nin tirayaa

Maansada dareershaa’

Suugaan dudubiyaa

Geeraar degta u xidha

Iska doodi maayoo

Iska diriri maayoo

Danla,aan ma joogee

Waxbuu uga danleeyahay

Diiwaanka qoranee

Da,yarteena loo dhigay

Deelay qarniga iyo

Dalka loogu magac daray

Dab shidkeeda uu yahay

Dalka iyo dadkeenaba

Deganaanta iyo nabad

Maku soo dabaalaa

Dadyoow waynu daalnee

Dirir mayska daynee

Dulmigana ma dhaafnaa

Dar ilaah gebigeen

Daacad maysu noqonaa

Dadka ina diraayee

Ina kala dilaayana

Dabuubtood ma diidnaa

Danta guud ma dhawraa

Diraac baa bilaaboo

Dulmidiid abwaaniyo

Xasan door ka qaateen

Ducaysane bashiiriyo

Kun kaloo kas ii daran

Waa kuwii dabka u shiday

Duco iyo samaaniyo

Wax dardaaran geli kara

Dadweynaha usoo diray

Isku duub dhamaantood

Diriraa dalka u kacay

Ka damqada xumaantoo

Ka diiraayaa dhiilada

Darxumadiyo gaajada

Jahligaa ku dayr dhalay

Anna doorka manta ah

Waxaan uga danleeyahay

Dulucdaydu ay tahay

Maansadan digtoonaan

Duciyo wax sheegiyo

Wax dardaaran geli kara

Dunidaa dhamaanteed

Dawakh noqotay maantoo

Dalalkii aduunyadaa

Dhibku daaray maantoo

Kuwa daadku qaadiyo

Dhulka oo dakaamiyo

Diririyo dhibaatada

Kuwo loogu dawgalay

Bal dalkeena soomaal

Da, labaatan sana iyo

Mudo loogu sii daray

Dibindaabyo socotoo

Hadba door ka joogtee

Dadoow idin su,aalee

I deeqsii abwaankoow

Jawaab aan ku degi karo

Dalka aynu leenahay

Deegaanka gaarka ah

Deganahay dadkaygoow

Dowlad aynu raacnoo

Dadka oo dhan doorteen

Dookheena lagu helay

Dar allee ma joogtaa ?

Yaa doortay qoomkaan?

Yaa doonay oo dhigay?

Yaa duubka sare sudhay?

Yaa taajka ugu daray?

Dad iyagu is doortoo

Isu doodaa keligood

Dunidaa dilaaliyo

Ka helaayaa duunyoo

Dalka xoog ku joogoo

Nina aan dantiis wadin

Duul dooraan maahee

Horta yaa damiin ka ah?

Waxaa taas ka sii daran

Dadka diinta eebahay

Daliilkiyo kitaabkii

Dayrkii qudhaatee

Darbigii inoo hadhay

Intii kaleba duminee

Darbaa sheegtay keligood

Kula dooda aadmaha

Iyagoonan daalacan

Dib u eegin diintii

Dawgii alaahiyo(swt)

Dabuubtii rasuulkiyo(csw)

Doorkii asxaabtii (rdc)
Dariiqooda raacayn

Dadka qaar rideeyoo

Diintana ka saaroo

Daalimiin dadkoodiyo

Dalkoodiiba soo gubay

Dusha sare u qaadoo

Ku daydaay ha diidina

Waa daliil ilaah yidhi

Iyo diin la soo diray

Horta yaa dirsadayoo?

Diinta gaadhka uga dhigay?

Dalkan yaa u soo xulay?

Yaa doortay qoomkaan?

Yaa duubka sare sudhay?

Yaa taajka ugu daray?

Dad iyagu is doorto

Diintii islaamkiyo

Ku dabakhaya toodo

Ku danaysanaayoo

Duunyada ku raadsada

Dayrkii qiyaamaha

Meel aan dabaabaad

Dagaalka iyo dhiigiyo

Dulmi aan wax lagu helin

Ayaa daa,im waa xaqe

Nin waliba danbiga iyo

Dakanooyinkuu galay

Dar allee la waydiin

Mana diidi doonaan

Duubkiyo jidhkiisiyo

Doodaaya keligood

Danbigay faleeniyo

Dulmigay sameeyeen

Iyagaan dafirahayn.

Wax taas ka sii daran

Da,yartaa la sirayee

Dabka loo xanbaarshee

Is dilaay la yidhiyee

Duulna ay ku doodaan

Dalkaan daafacaynaa

Doorna ay ku doodaan

Diintaan daafacaynaa

Yaa u dira dadkaygoow

Yaa doortay qoladaan?

Dabka iyo rasaastiyo

Duulaanka yaw diray?

Yaa yidhi dagaalama

Yaa dumiya daaraha

Dabku shida walaalkiin

Duqaydiina dabarjara

Maatada dareershoo

Duleeda u wada rara

Yaa ku siiyaa darajada?

Waa duul dan seegoo

Dulmi iyo xumaatadu

Dawadooda noqotoo

Ka diirnixin dadkoodoo

Ka dubaaxin dhiilada

Ileen doqoni weligeed

Dabin ay ku dhacaysiyo

Dhibka kama digtoonee

Dhalinyahay isdaba qabo

Dilka iyo xumaatada

Ninkii dabaqad sare iyo

Dalacaad ku gaadhaa

Dib ku waari maayoo

Dugsi maleh aduunyoo

Doorkiisu wuu iman

Ama waa la dilayoo

Dabkuu shiday ayaa gubi

Ama diif xanuuniyo

Hediisa doontoo

Wedku dayn ma doonee

Naga daaya dirirtoo

Dabka dhiga dhamaantiin

Dalka iyo dadkaw naxa

Dar ilaahay gebigiin

Isku duubni wada jira

Iyo daacadnimo qaran

Dib u raadsho idilkiin

Dooda ugu danbaysana

Fariin waxaan u dirayaa

Duqaydaa is xulatee

Keligood is doortee

Doolaarka guratee

Dibitaatinyiinta ah

Alla daayin weeyee

Dadkii waxay la yaabeen

Danbigaad falaysaan

Dhiigaad daldalaysan

Xumahaad dudubisaan

Samahaan la dirirtaan

Dhibka waad ku darartaan

Dalka oo shuf yidhibaad

Dawadiinu noqotoo

Damac xumo ma daysaan

Balse doorka maanta ah

Intaan dunida joogtaan

Ku dakeeya maalmoo

Dib ayaad arkaysaan

Daynkaad gasheeniyo

Waxaad daano dhigateen

Danbigaad asiibteen

Xisaab aan la daynayn

Nina diidi karahayn

Dumadiina sugaysaa

Aakhira danbaysee

Maa la daayo xumahoo

Dar ilaah ahaataan

Danta guudna dhawrtaan

Dalkeenana samaaniyo

Degani u horseedaan

Adoon doolaar eegayn

Dadka maad sinaaniyo

Daacad ugu adeegtaan

Dulmiga iska daysaan

Ila durugtay heestuye

Aan dabar ku jiidoo

Soo dayro maansada

Duqaydiyo haweenka

Da,yartiyo caruurta

Dunjigeeda soomaali

Nina daahir maahee

Dhibka wuu na daaroo

Galay daakhilkeenoo

Waana daafadeeyoo

Darbigaaynu gaadhnee

Dawadeena doonoo

Dejiyoo dhibaatada

Yaan la daalin shacabkoow

Maa daalaha abwaankow

Daaciga dadkeenoow

Da,yartaa is garatee

Sama doonka jecleey

Deelleeyda noo wada

Ninba daaqadiisiyo

Diiwaanku noo furan

Yaan la daalin waligiin

Inaan doodno waa xaqe

Yaan la daahin waligiin

Inaan durugno maahee

Yaan la diidin waligiin

Digrigiyo wax sheegiyo

Ducadaan wadaynaa

Inta ay ka degaysoo

Dalku nabad helaayoo

Dadku dowlad caamiyo

Qaranimo ku soo dumo


Waa Qalinkii & Hal-abuurkii
Cabdiraxiin Hilowle Galayr
Galayr1977@hotmail.com

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip