War Saxaafadeed ka soo baxay Ururka Nabada & Horumarinta Somaliyeed ee, UNHS.

0
Friday April 05, 2013 - 23:55:49 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 1807
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    War Saxaafadeed ka soo baxay Ururka Nabada & Horumarinta Somaliyeed ee, UNHS.

    Bismilaahi Raxmaani Raxiim. War Saxaafadeed ka soo baxay Ururka Nabada & Horumarinta Somaliyeed ee, UNHS. Xafiiska Ururka UNHS ee New York, USA ayaa soo saaray, war saxaafadeedkan oo ka hadlaya Shirka ka socda magaalada Kismayo. Falanqayn dheer ka di

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Bismilaahi Raxmaani Raxiim. War Saxaafadeed ka soo baxay Ururka Nabada & Horumarinta Somaliyeed ee, UNHS. Xafiiska Ururka UNHS ee New York, USA ayaa soo saaray, war saxaafadeedkan oo ka hadlaya Shirka ka socda magaalada Kismayo. Falanqayn dheer ka dib, waxaa laga soosaaray warsaxaafadeedkan.
Ururka UNHS, Wuxuu oogu baaqayaa guud ahaan Ummada Somaliyeed, gaar ahaan kuwa Jubooyinka in ay ka digtoonadaan, shirqoolada ay maleegayaan kooxo yar oo Qandaraas ka soo qaatay, wadamo shisheeye. Kooxdan damiir,laawa yaasha ah oo ay hor boodayaan, Jabhad dana gaar ah leh & Shakhsiyaad dhuuni raac ah.

Ururka Nabada & Horumarinta Somaliyeed UNHS wuxuu cadeeynayaa in dadka ka soo jeeda Jubooyinka ay yihiin, dad jecel nabada & wada Noolaanshaha. Waxaana marqaati ka ah taariikhda deegaanka & xeerarkii ay la hayeen. Waxaana ka mid ah, xeerka Waamo & Xeer Eji, oo ay maamuli jireen, Salaadiinta deegaanadaasi.

Waxaa nasiibdaro ah in tan & markii ay burburtay Dowladii dhexe ee Somalia, waxaa mar walba Gobolada Jubooyinka, ku amar taagleeynayey, Jabhado hubeeysan oo huwan magacyo Qabiil. Ayada oo mar walba laga faa,idaysanaayey, dadka deegaanka ee gobolada Jubooyinka.

Kuwaas oo aan ahayn dhaqan ahaan dad Colaadeed. Hadaba Ururka, UNHS, wuxuu mar walba u taaganyahay, ka hortagida Aafooyinka Dabiiciga ah & Colaadaha. Sidoo kale wuxuu uruuriyaa macluumaadka dhabta ah ee ka jira dalka Somalia. Sidaas darteed ururka UNHS, wuxuu ku talinayaa, in si wada jir ah looga hortago, Cid walba oo isku dayeeysa, in Umada Somaliyeed dib loogu celiyo, dagaaladii sokeeye ee la soo maray. Ururka UNHS wuxuu u arkaa xalka arimaha jubooyinka, sida soo socota:

1. In dowlada Federaalka Somalia ay magacawdo Maamul ku meel gaar ah oo laga soo xulay dadka deegaanka Jubooyinka.

2. In dadka deegaanka & Dowladaba ay si wada jir ah ooga sifeeyaan Gobolada Jubooyinka ee ay wali ka taliyaan, Alshabaab.

3. In degmooyinka & gobolada laga xoreeyey Ashabaab, la siiyo fursado ay dadku kaga tashadaan ayahooda & Cidii matali lahayd. Si xor ah oo aan xoog ku maquunin ahayn.

4. Waa in Maamul u samaynta dhamaan Gobolada Dalka Somaliya looga dambeeyo, Dowlada Federaalka ee Somaliya. Si ay Dowlada u qaatato, dowrkeeda kaga aadan Maamul u Sameeynta Gobolada Dalka.



Mahadsanidiin

Ururka, UNHS u.nhs@hotmail.com
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip