Wasiir ka tirsan xukuumadda kheyre oo ku soo baxay Doorasho ka dhacday Garoowe

0
Sunday October 07, 2018 - 15:11:04 in Wararka by Warsheekh Muqdisho
  • Visits: 1217
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiir ka tirsan xukuumadda kheyre oo ku soo baxay Doorasho ka dhacday Garoowe

    Magaalada Garoowe ee Caasimadda maamulka Puntland ayaa maanta waxaa lagu qabtay Doorashada Kursi ka banaanaa Golaha Shacabka Soomaaliya. Kursiggaan ayaa waxaa Iska casilay Dahar Cali Faarax ka dib markii loo Magacaabay Qunsulka Safaaradda Soomaaliya

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Magaalada Garoowe ee Caasimadda maamulka Puntland ayaa maanta waxaa lagu qabtay Doorashada Kursi ka banaanaa Golaha Shacabka Soomaaliya. Kursiggaan ayaa waxaa Iska casilay Dahar Cali Faarax ka dib markii loo Magacaabay Qunsulka Safaaradda Soomaaliya ee dalka Jabuuti.

Sidoo kale doorashada maanta ka dhacday Garoowe ayaa waxaa ku tartamay labo Musharax, kuwaaasi oo kala ah Wasaaradda Qorsheynta dowladda Soomaaliya Jamaal Maxamed Xasan iyo Maxamuud Cabdullaahi Maxamed.

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa banaan ee Doorashooyinka Qaranka Xaliimo Ismaaciil Ibraahim (Xaliimo Yarey) ayaa ku dhawaaqday in Mudane Jamaal Maxamed Xasan oo ah wasiirka Qorsheynta Soomaaliya uu ku guuleystay Doorashadii Kursi ka banaanaa Golaha Shacabka Soomaaliya.

Mudane Jamaal Maxamed Xasan ayaa dorashada kula tartamay Mudane Maxamuud Cabdullaahi, waxaana ugu dambeyn Wasiir Jamaal uu helay codad gaaraya 49-cod, iyadoo musharax kale Maxamuud Cabdullaahi uusan helin wax cod ah marka laga tago laba cod oo ciladoobay, sida ay sheegtay Xaliimo Ismaaciil (Xaliimo Yarey) oo ah guddoomiyaha Guddiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka Qaranka.

Kursiggaan ayaa waxaa Iska casilay Dahar Cali Faarax, ka dib markii loo Magacaabay Qunsulka Safaaradda Soomaaliya ee dalka Jabuuti.


Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip