M. GHEDI " NABADA SOOMAALIYA KA BILLAABATAY MA BUUXSAMI-DOONTAA???.–

0
Sunday January 27, 2013 - 10:08:39 in Maqaallo by Xarunta Dhexe
  • Visits: 1943
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    M. GHEDI " NABADA SOOMAALIYA KA BILLAABATAY MA BUUXSAMI-DOONTAA???.–

    Dhowr iyo labaatan (20+) sano ka dib, oo uu shacabka Soomaliyeed ku soo jiray fowdo, fool-xumo adduunyo, niyad-jabsanan iyo jihawareen baaxad-weyn, ayaa nasiib wanaag, lixdii (6) bilood ee laga soo gudbey la dareemaayay daruuro nabadeed oo uu

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dhowr iyo labaatan (20+) sano ka dib, oo uu shacabka Soomaliyeed ku soo jiray fowdo, fool-xumo adduunyo, niyad-jabsanan iyo jihawareen baaxad-weyn, ayaa nasiib wanaag, lixdii (6) bilood ee laga soo gudbey la dareemaayay daruuro nabadeed oo uu shaqsi kasta ee Soomali ah meelkasta haka joogo dunidee uu aminsan yahay inay Soomaliya ka soo ifayso nabad guud iyo dib u hanasho midnimadii Soomaliweynnimo.

Rejadaan fiican eedhowr iyo labatan sano ka dib, Soomaliya ka soo muuqaneysa mahadeeda waxaa iska lehIlaahey, ha yeeshee, waxaa horseeday wax yaabo dhowr ah, ooqabsoomey laga soo billaabo dhammaadkii sanadkii 2011-kii, welina u socda si tar-tiib tar-tiib ah ootaxadir ku jiro, wax yaabaha ilaa haddaqabsoomey ee la taaban karo waxaa ka mid ah:-
b) bishii Agoosto 6-deedii sanadkii 2011-kii oo ay bilaabatay wiiqitaanka kooxihii nabad-diidka ahay, markii ciidamada xoogga dalka oo kaashanaaya kuwa Amisom ay xoog iyo xeelado dagaal ku muquuniyeen kooxahaas nabada Somaliya hor-taagney.
t) Dowladaha Turkiga iyo Jabuuti oo Soomaliya u soo gurmadeen xilligii ay Soomaliyaay ka jirtay macluusha ba'neyd, bartamihii sanadkii 2011-kii, iyadoo ay weli sii wadodowlada Turkigu u kaalmaynta Somaliya, kaalmadaas oo ah mid u muuqata sida Dayax (15)shan iyo toban ah.
j) Madaxweynihii hore ee dowladii KMG-ka aheyd Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo xukunkii xarrako u wareejiyey bartamihii bishii September, sanadkii 2012-kii , markii looga guuleystay doorasho xalal aheyd, mudane Sheekh Shariif, wuxuumarey wadaddii adeerkiis madaxweynihii ugu horreeye Somaliya al marxuum Al Haji Aden Abdulle Osman ( Aden Adde), al marxuum Xaaji Aden Abdulle Osman wuxuuAfrika u billaabay xukun xarrako loo wareejiyo, waxaa ku xigsadey Madaxweynihii hore ee Tanzania( former president of Tanzania H.E. Julius Nyerere), iyadoo ay Afrika ku faanto labadaas (2) madaxweyne ee soo kala hoggaamiyey Somaliya iyo Tanzania.
x) Soomaliya oo ka baxday dowlad ku maal gaar ah, oo noqotay dowlad rasmi ah, misana haysata kalsoonida beesha caalamka, marka laga reebo dowlada Eritrea oo taageerta kooxaha nabad-diidka ah ee la dagaalama ciidamada Somaliya iyo kuwa Amisom.
kh) Xukuumada cusub oo ku guuleysatay qaadista Is-baarooyin fara badan oo aad loogu dhibaateyn jiray gaadiidka dadweynaha iyo shacabka lugeynaayaba, iyadoo caasimada Somaliya ee Muqdishu oo kaliya laga qaadey in ka badan (60) is-baarooyin amba jid-gooyo, iyadoo weliba aysanku daadan wax dhiig ah.
d) Dowlada Mareykanka oo Soomaliya siisay aqonsi rasmi ah ( official recognition), aqoonsigaas oo soomaliya siin-doono fursado fara badan, sidawax la qabsiga dhammaan dowladaha caalamka iyo la macaamilootan toos ah hay'adada bixiya deynta iyo kuwa bixiya macaawinooyinka sida USAID, World Bank iyo IMF iwm.
R)Muwaadiniin dalka horey uga cararey, amaan xumo awgeed oo haddasi xowli ah dalka hooyo dib ugu soolaabanaaya, gaar ahaan caasimada Soomaliya ee muqdisho, muwaadiniintii dhowaan dalka dib ugu soo laabtay oo durba sameystay maharooyin waaweyn, gaar ahaan dhinaca ganacsiga, xarumowaxbarashada iyo ruggo caafimaad iwm, balse waxaa xusid mudan inay muwadiniintii dhowaan dalka dib ugu soo laabtay ay qabaan shaki-weyn "huge-skeptical", markii ay arkeen muwaadiniin weli laga haysto hantidoodii ma ruurtada aheyd sida guryo dhisan, dhul aanan dhisneyn, beero iyo Jardiinayaalkii dadweynaha oo dan guud awgeed horey looga kiciyey muwaadaniinyii horey u lahayd jardiinooyinkaan sida sharci-darro ah loo dhistay dhowr iyo labaatankii sano ee lagu soo jiray fowdo iyo kala danbeyn la'aan dowladnimo.
Gunaanadkii iyo gabagabaddii, maqaalkaan nabada Soomaliya ka billaabatay ma buuxsami doontaa oo dib ma loogu noqon doonaa barisamaadkii hore?.
Mohamoud Ghedi Aw Hilowle
Naadiga Lasocodka Arrimaha Soomaliya.
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip