Degmada Warta-nabada oo laga fuliyano howl-gallo xad dhaaf ah.

0
Tuesday May 21, 2013 - 09:25:19 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 1362
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Degmada Warta-nabada oo laga fuliyano howl-gallo xad dhaaf ah.

    Ciidamada dowalda Soomaaliya iyo AMISOM ayaa waxa ay howl-gal kii ugu xooggana ka wadaan maanta guud ahaan degmada Warta-nabada (Ex-wardhiigley) ee gobalka Banaadir, iyada oo la qab-qabanayo dhalinyarada.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamada dowalda Soomaaliya iyo AMISOM ayaa waxa ay howl-gal kii ugu xooggana ka wadaan maanta guud ahaan degmada Warta-nabada (Ex-wardhiigley) ee gobalka Banaadir, iyada oo la qab-qabanayo dhalinyarada.
Howl-galka maanta oo ahaa kii ugu yaabka badnaa ayaa waxaa uu si isku mid ah uga socdaa guud ahaan degmada, laga bilaabo agagaarka Madaxtooyada ilaa wadada Warshadaha waxaana dhamaan dadka lagu qabto lala aadayaa CID-da.

Goob joogayaal ku sugan agagaarka CID-da waxa ay sheegayaan in dadkii lagu soo qab-qabtay howl-galka maanta oo wali sidiisii u sii socda oo lagu qaadayo gaadiid waa weyn ay qaadi weysay xarunta denbi baarista dalka hadana lagu hayo wadada u dhexeysa Hoteel Saxafi, CID-da iyo agagaarka Hargaha iyo saamaha halakasi oo lagu kala saarayo korna ay ka ilaalinayaan ciidamada AMISOM.

Baaritaankan Warta-nabada oo shalay bilaawday ayaa waxa uu yahay mid looga hor tegayo weeraro dane oo madaxtooyada looga soo qaado degmadaasi oo aheyd halkii habeen hore laga weerarary.

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip