QARNIGA CUSUB (Gabay) W/Curiyey: Abwaan Maxamuud Muuse Cali (Caarre).‏

0
Saturday August 01, 2015 - 02:12:12 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 2461
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    QARNIGA CUSUB (Gabay) W/Curiyey: Abwaan Maxamuud Muuse Cali (Caarre).‏

    Tixdan gabayga ah (Qarniga Cusub) waxa an qoray Habeenkii Qarniga 21aad kow sadey, kuna aaddanayd taariikhda 01/01/2001… Qarnigii 20aad ee dab-tirtay isla habeenkaas, waxa uu Soomaalida u ahaa mid ayaan-darro oo tiiraanyo badan oo u leh raadre

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Tixdan gabayga ah (Qarniga Cusub) waxa an qoray Habeenkii Qarniga 21aad kow sadey, kuna aaddanayd taariikhda 01/01/2001… Qarnigii 20aad ee dab-tirtay isla habeenkaas, waxa uu Soomaalida u ahaa mid ayaan-darro oo tiiraanyo badan oo u leh raadreebyo madow… waxa uu ugu bilowday gumaysi iyo dagaallo Gobannimo iyo millad-difaacasho oo aad loogu hoobtay, riiqan iyo waleecaadna dhaxal-siiyey Soomaali oo dhan… sidoo kale, waxa uu ugu dhammaaday Bur-Bur Qarannimo, dagaallo Sokeeye iyo is-maandhaaf baahsan oo u horseeday dib-u-dhac, jaho-wareer iyo fawdo dawlad la'aaneed oo aad u dabo-dheeraaday…
Cishodii curinta tixdan (Jannaayo, 01/2001), Soomaaliya waxa ay taagnayd xaalad aad u cakiran oo walbahaar badan; iyadoo: - Khilaafkii qaybaha dalku aad u xoogganaa oo an talo tubta-toosan ku aaddineed faro ku jirin… - Fursado dib-u-heshiineed ma ay muuqan, nayaayirona saadaal ka-dheer bay ahayd… - Sidoo kale, dalku waxa uu ku sii siqayey god bahalaad… dadku wuxu u sii nuglaan hayey tabaalooyinka Bur-Burka ee u gacan-gelidda ma-naxaannada gudood iyo dibdeed… Danta guud waa sii baylahaysey oo sii away beelaysey,.. caqliga iyo cilmigu waa sii waxtar-gabayeen… -

Wax-ku-oolka ummadeed waa sii tamar beelayey oo dhiig-ka-galgalasho iyo hiil-gaacin gabayeen… Arrimahaas ayaa ka mid ahaa sababihii u yeedhyeedhay curintii tixdan "QARNIGA CUSUB”… Sidaa awgeed, waa gabay tibaaxaya meelihii dhibaalka ummadeed ka soo lallabnaa ee sartu ka qudhuntay; gaar ahaan; xaaladdii dhaqan, dhaqaale, siyaaso, amni, dawladnimo iyo hoggaamineed bulshada Soomaaliyeed ku sugnayd iyo heerkii faro-gelineed ee shisheeye… sidoo kale, waxa ku dhafan tusmooyin waano iyo tilmaaamo talo-gelyo oo guud leh… ilaa la gaadho saadaalo ifa-faale iyo ilaado mustaqbal oo bakhti-afuufideed…. Ka bogasho wacan:


1. Qacda hore qaraar iyo awood Qaaddir bayska lehe

Qarsoonaha jin iyo aadamiga qaaradaha buuxshey

Qastiguu Allaw uuntay waa caabudaad qudh ahe

2. Qushi dheregna Eebbaa baxshiyo qaybta nololeed-e

Qaryad lulatay qulucay heshiyo qabayga loo foonshey

Kama qubo-e qoomkii shukriya waw qul-quliyaa-e

3. Quruun iyo Shakhsina kibirku waw qoomammiyo hooge

Hadba jeedh quwad istaawisaa qaci ka yeedhtaaye

Qahaarkaa gil-gila duul hadduu qaallo daa’imo-e;

4. Qof tadhaha qabkiisaa hodiyo qolo kastoo weyn-e

Soomaaliduna waw qalmeen inay qahaarmaan –e

Iyagaa qasaarkiyo kasbadey qaran-dunkaa weyn –e

5. Quraankiyo axaadiista iyo diinta wada qoysey

Qiyamka iyo xeerkiyo afkiyo dhaqanka qaabeeya

Qaadhaanka iyo kaaladiyo qoodhidiyo diirka

6. Qasnad adhi ah qaawiyo gammaan nugulka qiimaysan

Xabag qaali dhaafiyo ugaadh qararka daaqaysa

Qaraab iyo qudaar iyo dawiyo quudka iyo oonta

7. Qooddiga Ilaahay dejiyo magaca qoyseeya

Badda qani ah webiyaal qul-qula samo qayoodaysa

Qandac laydh ah qaayaha dhalcada quruxda deegaanka

8. Quwad iyo qaniimiyo waxay taranba qaan-gaadhtey

Goortey ku qoor-taagtey oo samo qushuuc weydey

Cadho ay Eebbe uga qayshatiyo qabey ganaaxii-e

9. Hayeesho-e qambalaftii heshiyo qaballaxdii gaadhey

Qudh-goyntii ma-geydooyinkiyo qoriga haalyeeyey

Iyo waxa waliilkiyo qaxii lagu qataysiiyey

10. Qallayaal yar baa laga jafiyo qorar dunuubeede

Rabbi qaamihii kama jisayn qarada weynaa-o

Qabarkay mudnaayeen Ilaah qufraan deyay –e

11. Qacda kale warkii aad qabtaa laga qiseeyaaye

Haddaan ahay jidiin qawlalkiyo qaaxada arkaaya

Marna ahay qundaha xeeradiyo haanta wax u qaybsha

12. Marna ahay nin aadmiga qaloo kariyey oo qeexay

Marna qoomba tuu maaggan yahay qeedhin ka idleeyey

Qad-qatiimahay ku hawirmeen waa qadduun dhigan-e

13. Halkii lagu qallaco hebednimey weli qandooddaaye

Kan qar-qoora habi laawi bey samo ka quujeyn-o

Qaniinyada ladhkeediyo suntana qoonsan mahayaan-e

14. U qallidani yurub oo qafloo hadimo qootayn-e

U qallidani carab-qaydadliyo quulle dooya-ahe

U qallidani qalin-duurrayaal loo qabbaan-sado-e

15. U qallidani qawleysatiyo qoolle-ii qabo-e

U qallidani duullaan qarxiyo xal-aan qal-qaallayne

U qallidani qalalaasihiyo qaylo-dhaamaha-e

16. U qallidani uub loo qodooy qoobka ku hayaane

U qallidani ciin loo qasooy qudh-qudhiyeene

U qallidani qayb-qaybin tiyo qooro-gooyada-e

17. Qacda kale, xogtii qaadha waa lagu qandhoodaaye

Haddii timuhu qaaje i noqdeen qaarna iga duulay

Anna qoobey qaaddaba waqay qorayey taariikhda

18. Qabka ba’ay nin-doorka u qalmiyo qarandi daayeer ah

Qurbac feytey qaaqliyo maraan qaafil iyo dayro

Isu-qaawi qoodh iyo labeeb qarankan caal-waa-e

19. Hayeesho-e qasriga waxa ka xiga qar iyo haadaan-e

Kuwaa quud-darraynaaya iyo qaarka ku hadraaya

Qanjo iyo murraw diidi iyo qodax hor taaltaal –e

20. Qubka diinta kooxaha watiyo qaradka hoos-yaalla

Ee uun ka wada qayliyee qaaq dad kaga siiyey

Qalcad weeye dhawraysa iyo qodaxda koobaad-e

21. Qodax kale, qabiil kibir-sitiyo qiiro-jaahili-e

Qodax kale, qannaac faro hodeen sida qabaalkiiye

Qodax kalena, qooq loola jiro qaanso boqonkeed-e

22. Qodax kale, quduuc xil u bukiyo qaatil iyo tuug-e

Qodax kale, qawaca loo jabiyo damac-qarroorkiis-e

Qodax kalena, qalin dhiig leh oo qori ka xoog-weyn- -e

23. Qodax kale, abaajiga qurbaha soo qardaadubey-e

Qodax kale, qabbaan ferenji iyo qurus u tiigaal-e

Qodax kalena, qaadiyo qarshiyo qarax-aboobeed-e

24. Qodax kale, qashaash baydhisiyo Qowmi haajirey-e

Qodax kale, waddani qoona furay iyo Qammaamiire

Qodax kalena, qalan-baawigoo qaylka shaabahay-e

25. Qodax kale, qastiiliyo wargeys qoraya waabay-e

Qodax kale, qorshaha ay wataan gaalo qudhunleey-e

Qodax kalena, qaallaha jahliga qooyey oo degey-e

26. Qodax kale, naf nooley qummane qoorta kuu sudhan-e

Qodax kale, qireey iyo qireey laysu qaaddacay-e

Qodax kalena, qiil-qiil dadkoo haatan qaati ahe

27. Qacda kalena qawdhiidho iyo qabaxle loo ayye

Nasteexaa qadaadka hadhsatoo qoysa laabaha-e

Dadna ruuxa qaan-gaadh ah baa xaajo qabadtaa-e

28. Qabso talo qardhaas weeye iyo daawo qaali ah-e

La-yee, qob iyo waanaa xigaal loo qotomiyaa-e

Balse kii qalbiga siinayaa loo qandiciyaa-e

29. Isba geela qawsaarku waa qodax ragaadshaa-e

Xabaal iyo qabriba ruuxa lihi qaraxtiryoo oodye

Anna talada qowmiyaddu waa qaan dushayda ahe

30. Qabso dawlad qaynuunka guud qudh iyo waw ruux-e

Balse qodobbadiisiyo haddii aanu qumin xeerku

Ogow waa qushaashtaa dhakhsana waw qallibantaa-e

31. Qabso madax qaddiyad baa hagtiyo yool qummaati ahe

La-yee, jaho qayaxan kii qabtaa Qaran u aayaa-e

Ogow dhawr-qorshiyo dhawr-qiblaa lagu qaxaabaaye

32. Qabso qori-horaad qaabkastuu qaato la cadheeye

La-yee, waxa quruun deeqi kara qiil caddaalad ahe

Ogow qiro kaloo doojisoo qabadta loo waaye

33. Qabso gacan-qallayl derejo waw qaarray Eebo ahe

La-yee qaayib eexeed xil waw qaaxo feedha ahe

Ogow qabow guddoon baa saldano lagaga quustaa-e

34. Qabso ruux qanjiiro xantisaa qaari noqon waaye

La-yee, shicib qadderintiisu waa qootin kuu mudane

Ogow Qaaddi gaadiidey baa food ku qaalibane

35. Qabso nacab-qamuunyoonayaa sii qajeel ma leh-e

La-yee ruux ku qaaddacay wanaag kuuma qaabbilo-e

Balse qalad kan kugu seebiyaa qodi godkaagii-e

36. Qabso badi qaraabiyo tol waa qawda maqashiiye

Layee kii qal-foofaa ka daran oo qasaare-ahe

Ogow hawlba ruuxaan qabyayn baa qofkeeda ah -e

37. Qacda kale, haddaan qoobish ahay ama qaqaab guun ah

Marna aan qawaaciid dersiyo qolalka sooyaalka

Marna aan qar-qode feensha ahay qiila iyo qaala

38. Marna qolada Soomaaliyeed qaybey dhalankeeda

Marna wuxu qof-baan jamanayiyo qaarba garanaayo

Marna damaca qaadaa-dhigoo qun u ilaaleeyey

39. Qalinkuu ka doogtaa hiddaha qaaba Aadmigu-e

Dadna qaarba hawl loo qasbuu qaban awoodaayo

Qiyamkaw laqima meesiguu duulba qaalibo-e

40. Qarrog dhacay dantii qubatay ee nacabku qawleystey

Qiyaamaha la hoomaayey iyo Qaranka naafoobey

Qaban-qaabo seeskoodu waa hawl qaboono ahe

41. Haddaanse qonofka sharafeed dhugtiyo qirada maamuuska

Marna an qabatinteediyo aqaan qaabka lagu gaadho

Qardo kuma timaaddiyo xushmadu qiiro aan jirine

42. Qalbadduna indhey leedihiyo nuur qasaasilan-e

Markuu sedada qoon-shaariyoo nabad u qaabeeyo

Qareenkii maqnaaddiis leh waa loo qul-qulayaaye

43. Ragannimo Ilaah kaa qadshiyo qadan lagaa ooday

Inkastuu qoryaha kuu sidoo amarka kaa qaato

Qabiilkaagu kuma siin karee haysa soo qorin –e

44. Waxba yaan qaraa-qooshku xidhan shaarka reer qodax-e

Waxba yaan Qur’aan loo jejebin qaaddi baan ahaye

Waxba waw qalmaa yaanu odhan qaradle maamuus-e

45. Magac quruxle qaansiga libeed hawsha lagu qaato

Qallaf iyo dhib goortey gashiyo qaati laga oo’ay

Qasti geesi baa kula bixiyo qahar-ka-niibkeene

46. Qab-qabliyo qusuusina hankaas lagaga quus gaadhye

Haddiise suun wax qooyiyo miduun qiime ku hambaasay

Qabyo waxa bannaan kaalin uu qoodh lahaan jirey-e

47. Qorshe cadow qisaas loo guddiyey qoolley macaluushan

Qalbi jaban dadweynahan qiqloo qarowga haahaaban

Car kee qiil u roon kii qunshaan wiil u qirayaaye ???

Cara!! qiil u roon qiimi helay qaayo-dhaaf noqoye

Cara!! qiil u roon kii qabtaa qaadan libintiiye

Cara!! qiil u roon yaa qunshoo qowmi ku caddaaday;

48. Qacda kale hilaad lama qarshiyo qaalma-rogadkeede

Qobta iyo sirtiyo weliyadii qadanka loo dhiibtey

Qadhadheytiga u weyn markaan qoray ishaartiisa

49. Marna qaafka iyo Laamka iyo Miimka qodobbeeyey

Marna felegga qoolaaliyoo dirirka qiimeeyey

Qarniga cusub Soomaaliday qolo wadaagaane

50. Qadder-dhacay qabuul lagu fahmoo qaawiyaa jira-e

Qarqarsiga ka soo bood habeen qoofallaan jirey-o

Qallax wuxu la fooshaba deyooy qarax nasiibkii-e

51. Qudbigii gu’sooraha xaqiyo Macallimkii Qaasim

Arbiciin qallaqan waa tirsiga qaansi-gelineed –e

Kama qade qariibkii labaad dhaysta qarin waaye

52. Qarkuu aqal u gurayaa aboor daad ka qaxayaaye

Qarda-shaambiskaa ugubidiyo mooddu waa qani-e

Qoduhuna qabowsiimo sheeg fiidka qaw-lihi-e

53. Qaneeciyo xal buu haatufkii soo qaddimayaaye

Cirsan-yeedhka qaaqdiisa iyo qaysku waa nabad –e

Qumbe khayrrahaa soo wershiyo diig qal-qaalli ahe

54. Qabco iyo qadhoon iyo la sheeg qalalax dhaameel-e

Qurdubkii sanuu yeeshan iyo qadowgi jiilaal –e

Qadhin iyo qadhaab dhaharshe oo qoydey harodiiye

55. Qarrog-jile qawaarii dac-gudhay qamac diraaceed –e

Ku qubeysey dhebi baar-qabkii deercadkii qumiye

Qalaadna orgi iyo haysan waa qaydhab dhaxameed-e

56. Qiyaas iyo qulciyo waxan aqaan qiilka moorada-e

Saxalkii qalaallaa bax iyo cirirki qooqnaaye

Qumanyadiyo naafkii caddaa qaate kabihiiye

57. Quudhsiga Rasuulkaa walhaan loo qarraqayaa-e

Mishigaan qadhiidhaa dhowaan loo quturayaayo

Qaflad bey sugahayaan sidii Qoladi reer Luud-e

58. Qab-qabliyo dillaal iyo mallaal waa qal-dhebayaayo

Bur-burkaan qaniinkii ku koray waa la soo qabanne

Qarafayste waxa loo del-deli xadhig qisaaseede

59. Qabiilka iyo waa suurayaan quud-u-taabucu-e

Wixii qori ku noolaa dhaqsey quusan oo tegiye

Qalyanka iyo Mooryaanta iyo jeensey qirin-qiir-e

60. Qarribaadda duulkii na baday qoomammow imane

Qataw iyo qambalaf soocatiyo qaylo iyo geeri

Qalawdii baxdaba waxa ku lumin qaar istaahila-e

61. Qorshe kala wareeg baa socdiyo qayb rabbaani ahe

Goortey qibladu muuqatoo qamarku soo kaahay

Qorrax noqoy cisiga soo qosloo qoorta soo lulay-e

62. Qadh-qadhyadiyo tihii markii laga qamaanyeeyey

Ama uu qamiirkii ka kacay kala qafaallaayey

Waakaa qul-qulayoon dadkii kala qaloonayne

63. Qaxar iyo dhibaatuu nabsigu qoobka ku hayaaye

Sirma-qabeha qalaxii biyood saab ka qubi waaye

Quruumaha intii daacaduu qaaddir weheshaaye

64. Qummud-solato samir-qaayibtaa qado ma waayaane

Qatanaha xarraga luudayaa qadanki muuqdaaye

Qansax timir dhalaa laacayiyo qaydar iyo jiic-e

65. Cir qasaalan calankii qobtiyo looga midab qaybshey

Qaahiriyo Koongiyo dadkaa quban ilaa Xaabbo

Ha qawedin mar waw qaadayaan heeso qiira-leh-e

Hal-abuurle: Maxamuud Muuse Cali "Caarre”

E-mail: caarre85@gmail.com

Tel{ 00 252 90 770 25 83

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip