Deelleey ma xidhantahay ? Maansadii ugu dambaysay ee Deelleyda Q-21aad Iyo Dedaalka Nabada !

0
Monday October 24, 2011 - 14:49:39 in Maqaallo by Xarunta Dhexe
  • Visits: 12008
  • (Rating 2.7/5 Stars) Total Votes: 3
  • 2 1
  • Share via Social Media

    Deelleey ma xidhantahay ? Maansadii ugu dambaysay ee Deelleyda Q-21aad Iyo Dedaalka Nabada !

    by Khaliif Faarax Xayir on Sunday, 23 October 2011 at 22:01 Assallaamu Calleykum Waraxmatullaah Bismillaah-Kadib Qaraxii Foosha xummaa ee dhammaadkii 2009 bishii December Lagu bartilmaameedsaday ardaydii iyo ubadkii Soomaaliyeed ee usoo kacay qarank

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

by Khaliif Faarax Xayir on Sunday, 23 October 2011 at 22:01 Assallaamu Calleykum Waraxmatullaah Bismillaah-Kadib Qaraxii Foosha xummaa ee dhammaadkii 2009 bishii December Lagu bartilmaameedsaday ardaydii iyo ubadkii Soomaaliyeed ee usoo kacay qaranka ,waa socotay diiwaan maanseed loogu magac daray DEELEYDA QARNIGA 21AAD IYO DEDAALKA NABADA ,taasoo ay dhalinyarada soomaaliyeed ee hal-abuurka ah Inamo iyo hablaha ku muujinayeen dareenkooda bulshadana ugu baaqayeen tirtirida aragtida qaloocaan ee odhayanysa(aqoonntiyo ubadka dila ,Ogaalka qudhiisa dila ,Si aan waxba loo ogaan),Maansadan deeley ma xidhantahay oo noqonaysa tii 30aad sidaan fiayo waxay leedahay ,deeley way xidhantahay macnaheedu maaha dulmiga iyo dabargoynta damiirlaawayaasha way ka aamusayaan hal-abuurka soomaaliyeed ee way wadi doonaan (waabay aamusi lahaayeene wax laga aamuso cid samaysaan jiirn)Deeley ma xidhantahay? ---------------------------------
Deelleey si-lsiladdii
Diiwaan bilowgii
Dulucdiyo ujeedkii
Hadafkiyo dantii guud
Da´yartiyo abwaankii
Dumarkiyo ragii furay
Ka damqaday xassuuqii
Dabargoyntii Shaamoow
Daan ku qalinlayaashii
Dugsiyada kasoo baxay
Lagu dooxay idilkood
Dantoodii ma gaadheen?
Deeley ma xidhantahay ?


Dambarkeedii guuliyo
Dalkoo loo istaagiyo
Isku duubni qaranimo
Dadka ma ugu baaqeen ?


Dayaxii madoobaa
Gabalkii dam noo yidhi
Daahii mala rogey ?


Dulmi-diid abwaankii
Wuxuu diidanaayee
Ka damqanayay waayada
Damiir-laawayaashuu
Dabargoynta qarankiyo
Uga digay dagaalada
Xumihii ma daayeen?


Dadwaynaha maloo digay
Mala yidhi dadkaygoow
Nabadaa dugaalee
Ku dedaala waligiin


Mala yidhi dadkaygoow
Dagaalada sokeeyuhu
Dibin daabyo mooyee
Dawo lagama dheefee
Ka durkoo isaga taga


Ma la yidhi dad aygoow
Haddaydnaan dantaa guud
Danta gaar ka doorbidin
Dar allene ku dhaafayn
Darxumooyinkii hore
Marna doogsan maysaan


Ma la yidhi dadkaygoow
Dalku qaali weeyoo
Dun xariira weeyoo
Dushiisaad ku gam´daane
Dibada oo wareegniyo
Dawarsiga asaageen
Doqonimo weeyee
Damqadoo istaagoo
Udedaala qarankii
Inaad soo dabaashaan


Ma la yidhi dadkaygoow
Dib waxaa inoo dhigay
Daba dhilif siyaasiyoo
Kala dila dadkeenoo
Lagu doorto reeroo
Lagu siiyo derejee
Hogaan daacadeedoo
Dalka noo mideeyoo
Dadka nabad ku beeroo
Nabarada na daashadey
Dawadeeda raadshiyo
Doorta ehelu diin wacan


Inuu cadowga daahsoon
Dibindaabyo nala rabo
Deegaanadeeniyo
Dalka aynu leenahay
Damac wayni kaga jiro
Dadkeenoo israaciyo
Isku duubni wadareed
Noo diidanyahayoo
Kala daadsanaan qaran
Nala doonayaano
Inaan dabar go´naa iyo
Dagaal waara nala rabob
Diiftiyo haraadkiyo
Darxumada na haysana
Qayrkeen ku diirsado
Deeley cadeysaye
Dabinada shisheeyaha
Bulshadiyo dadkeenii
Wali ma ay dareemeen ?


Dulucdiyo ujeedada
Waxaan uga danleeyahay
Deeley ragii furay
Dembigii horeetiyo
Dibin-daabyadii hore
Dusha waxay usaareen
Dareen-laawayaaliyo
Dagaal oogayaashaa
Dalka siistay shilimida

Su´aalaha is daba yaal
Waxaan uga danleeyahay
Deeley haddaan xidhay
Intuu qaranku diihaal
Daalaa dhacaayee
Dadku mooganyahaye
Doqonku uu fariid yahay
Nabadu diiday ay tahay
Dastuurkeenu reer yahay
Dayn mayno maansada

Galayr dooduhu qabay
Dal jeclaysigiisii
Dareenkii wadaninimo
Run dabool ka qaadkii
Dulmiilaha abbaarkii
Ninka daan-ku qalinlaha
Dilay sheegistiisii
Deeley hadduu xidhay
Muu daynin gabaygii

Deeley kuwii furay
Wali dunida kama tagin
Dulmi diid ma uu go´in
Dalsaneey khadiijiyo
Dumarkii ma haajirin
Suugaantii may dayn
Dibnahoodii may xidhin
Dalkoodiina may nicin !

Dibnihii shalay yidhi
Deeleydu waa kow
Waa diir kuyaaloo
Bari dood kaleetiyo
Diiwaano maansoo
Lagu diirsadoo wacan

Daaheeda furi kara*Eeboow Ummadoo Nabada-*Khailif Faarax Xayir
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip