Doorka Maanta ah sadexbaa Dalkeenii loogu dowgalay Ii Doorta aan idin dilee, i Daaya aan dalka gubee,Ha Doodin Diinta aan Qaldee (By-Galeyr)

0
Monday August 16, 2010 - 16:12:58 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 1326
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Doorka Maanta ah sadexbaa Dalkeenii loogu dowgalay Ii Doorta aan idin dilee, i Daaya aan dalka gubee,Ha Doodin Diinta aan Qaldee (By-Galeyr)

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa arin lays waydiiyo mudan dhibaatada baahsan ee dhinac walba oo nololeed dalka soomaaliya ka  haysata yaa sababteeda leh maxayse tahay waxa loo la.yahay xal waara oo maruun la helo?

 

Qof waliba waxuu ka bixinayaa jawaab gaara waxuu markiiba dhinac saaraayaa qolada uu taageersan yahay uu u arko inay yihiin xalka umada , qolada ka soo horjeeda ay yihiin qolada nabada diidan ee dalka ka degi la, yahay. Isla markaas waxuu iska indho tirayaa  xadgudbyada ,dhibaatada ,qaladaadka

Iyo tacadiyada kooxda uu taageeraa gaysanayso.

 

Qaarkood waxay ku digtaan hadba gobolka dhibaatadu ka soo cusboonaato iyaga oo xal u arka inay  iyagu gubtaan oo dhibaatadu saamayso, kuwa nabada haystaa waxay  ku digtaan kan colaadu asiibtay  ciwaana uga dhigaan caqlixumo iyo aqoondaro inay hayso isaga oo isaga laftiisu qayb ka ah dhibaatada meeshaas ka jirta ,

 

Waxaa jira in yar oo faro ku tirisa oo aan kala soocin inta ku hadasha af soomaaliga ee magaca soomaali wadaaga  oo dhamaantood isku mid u arka  jecelna  nabadooda , xalkooda  , nidaamkooda dowladnimadooda  , wanaagooda ,  iyo horumarkooda , neceb, colaadaha, qabyaalada,  iyo qolo kasta oo dhibaato ku ah wanaaga umada soomaaliyeed iyo dhamaan qowlaysatada  masiibada ku  noqotay umada soomaaliyeed.

 

Dadka  qaarkiis hadaad waydiiso yaa ugu mudan inuu madax noqdo?

Ciwaanka ugu horeeyaa ee uu ku siyaa waa reerkiisa  isaga oo laba arimood ku doodaya inay yihiin dad hore siyaasada ugu jiray isaga oo kuu xusayaa  magacyadooda hebel iyo hebel ayaa naga dhashay iyo ragii la yaqaanay markaas  lugta hore haday lugta danbe dhaafto way jabtaa mar hore ayaan xal keeni lahayn ee waa nala hortaagan yahay.

 

Midna waxuu ku doodayaa  ilaa maalintii soomaaliya xoriyada qaadatay maalin keliya maanan arag madaxweyne ama ra, iisal wasaare  reerkayaga ah  markaa ilaa laga helayo arintaas way soconaysaa  mucaaradada iyo dhibaatada waan wadaynaa lagamana yaabo dowlad reer hebel wadaan inaan taageero.

 

Waxaa jira moogane aan labadaa midna raacsanayn  meesha xaal marayona la socon oo maalinba dhinac loo jiito meeshii jiibta iyo jaantu u badatona iska raaca waa nin  daad qaaday xunbo cuskay.

 

Shacabka soomaaliyeed waxay ku jiraan xero waxayna u xaraysan yihiin dad aan dantooda wadin

Waa sadex kooxood oo qolo waliba hadaf wadato.

 

Qolada kowaad hadafkoodu waa I doorta aan idin dilee?

 

Marka  laga soo bilaabo dowladii maxamed siyaad bare ilaa waqtigan maanta la joogo oo ah 41 sano waxaa socday dil iyo dhac iyo boob  hanti lunsi, iyo dowlad aan gudanin xaqii iyo waajibaadkii lagu lahaa oo shacabkeeda gumaadkiisaa ku soo caan baxda .

 

Hadaba maxamed siyaad bare xukuumadiisa waxaa la odhan karaa waxna way qabatay waxna way dhintay waxay yeelanaysaa miisaan ah in lagu xasuusto waxqabadkeedii inuu ka badnaa wax dhimaalaheeda waayo inta muuqata maanta iyo muuqaalka lagu tilmaamo soomaali waxaa inta badan sababteeda lahaa xukumadii maxamed siyaad bare, dhinaca arimaha bulshada, waxbarashada, caafimaadka, horumarinta bulshada sida wadooyinka warshadaha, ciidamadii dalka iyo magacii waynaa ee umada soomaaliyeed lahayd waqtigaasba.

 

Waxaa ka danbeeyay dowladihii maqaar saarka ahaa ee badnaa mid waliba waxay  ku caan ahayd  I doorta aan idin dilee waxaa had iyo jeer la yidhaahdaa dowlad heblayo jaanis bay wayday iyo waa laga hor yimid  soomaaliduna waxay ku maahmaahdaa  ( Hal booliya Nirig Xalaala ma dhasho)

Waxaay taasi markhaati ka tahay in aysan dhamaantood  ay ku yimaadeen qaab aan waafaqsanayn  sida sharciga ah oo aysan haysan  kalsoonida shacabka , waxaa arin mar walba ay shacabka markhaati ka yihiin ah balanqaadka madaxda inaysan araga mid keliya oo fuliya sida

Waxaan idinku maamuli doonaa cadaalad, waxaan idinku  xukumayaa shareecada islaamka

Waxaan  ka bilaabayaa shaqadayda horumarka bulshada sida caafimaadka waxbarashada, shaqada , nabadgelyada,  iyo adeega  ay umadi u baahantahay oo dhan.

 

Waxaa taas bil caksigeeda yimaada , inuu dumiyo guryaha inuu dilo maatada inuu dhaco hantidooda iyo caawimada la siiyo inuu keensado ciidamo shisheeye oo duqeeya iyo  inuu ka dhigo dhamaantood wax dhintay wax dhaawaca wax qaxay iyo wax waashay.

 

Haddii mar keliya dalka gudihiisa dowlad laga soo dooran lahaa oo bulshada gacanta taladooda la gelin lahaa caalamka iyo jimciyada quruumaha ka dhaxaysana layska dhaafi lahaa waxaa la gaadhi lahaa xal intuu doonaba ha le,ekaado , hadii tuulo tuulo iyo degmo degmo iyo buulo buulo iyo gobol gobol dadka loo dhexmaro waxaa hubaal ah in la helo mawqiq soomaali ku midaysan tahay iyo heshiis midho dhala ah oo aan ka noqosho lahayn.

 

Qolada labaad Hadafkoodu waa I daaya aan dalka gubee

 

Waxay qoladani ku timaada wajiyo badan  siyaabo kala duwan waa ajaanib aan u dhalan dalka soomaaliya waxayna qoloba ku soo gasha dalab kaga yimaada qolyaha ay xulufada la yihiin oo waxay yimaadaan iyaga oo ciidan ah oo hubaysan ama  dowladi hasoo dirto ama  dad shaqsiyaada ka noqdaana ,

 

Waxay ka qayb qaataan dhibaatada laxaadka leh ee umada soomaaliyeed haysata waxayna si arxan la,aana u dilaan shacabka masaakiinta ah iyada oo qolo waliba qiil uga dhigaysa inay yihiin qolyahay la dagaalamayeen  tusaale ahaan sida qolyahan  muhaajiriinta la baxay iyo amison.

 

Waxay kale oo ku yimaadaan feker ahaan iyaga oo kala maamula lana kala safta kooxaha soomaalida ah ee u taagan gumaadka umadooda waxayna  la baxaan magacyo badan sida , igadh, midowga afrika , jaamacada carabta,  qaramada midoobey , midowga yurub, iyo mujaahidiiinta caalamul islaam, waa kooxo iyo shaqsiyaad cadaawad fog u qaba umada soomaaliyeed waxayna  had iyo jeer la shaqeeyaan lugooyada umada soomaaliyeed mana jecla in laga hadlo waxay wadaan oo hadafkoodu waa I daayaa aan dalkan gubee  waxii ka soo horjeesta ama ka hadlana waxay ku tilmaama hadba magaca ay la safan yihiin maahe magaca kale , sida gaalo raac  iyo argagixiso midkood.

 

Qolada Sadexaadna waa  Ha Doodin Diinta aan Qaldee

 

Qoladani waxay  keentay arin ku cusub bulshada soomaaliyeed oo ah waxaa markii hore dagaalku u dhaxeeyay  jago doon , qabiil doon, aduun doon aarsi doon , iyo kooxo badan oo nabad diida oo magacyo badan leh waxaa ku soo biiray jawigii wareersanaa  10sano ee u danbeeyay kooxo  magacoodu ku salaysan yahay diinta islaamka qolo walibana iyada keligeed isku sheegtay muslin inta kalena gaalo ka dhigtay , waxay dhamaantood ku midaysan yihiin kuwii hore iyo kooxaha danbe

Mowqof keliya oo ah dibindaabyada iyo darxumaynta shacabka dulman.

 

Waxay ku doodaan inaay xaq wadaan xaquna ma qabto iyaga

Waxay ku faanaan dilka muslinka waxayna ku sheegaan guul

Waxay banaystaan dhaca iyo boobka iyaga oo magacyo carabi ah ula baxay

Waxay adeegsadaan aayadaha kariimka ah ee ilaahay soo dejiyay iyaga oo dantooda ku fushanaya

Waxay  sitaan  calamo ay ku xardhan yihiin ashaahadaada muslinka iyo islaamkaba  mana ixtiraamaan .

Waxay  axaadiistii Nebigeena suubaana CSW ka dhigeen rasaas laysku weeraro iyo wax ay siday doonaan u adeegsadaan .

Hadaad xaqiiqada ka hadasho ,  xukunkaagu waa dil, hadaad dood diimeed ama climiyeed furto xukunkaagu waa dil, hadaad war sii dayso xukunkaagu waa dil hadaad dantooda farageliso xukunkaagu waa dil,

Iyaga musika qaadka sawirka , ciyaaraha, fanka,  faxshigu waa u banaanyahay dadka kelana waxaa qabanaysa tacsiir iyo in dhagax lagu dilo. Waa kaa xoog wayni xaalkoodu sidaan doonana kuu xukumayaa.

 

Waxay shacabkii soomaaliyeed galeen gacan aan naxariis lahayn waxayna la gubteen labada dhinac

Dhibaatadana waxaa ugu wacan ilaa hada umada soomaaliyeed ayaan dareemin sadex waxyaabood

oo dilay,

 

1=QABYAALAD- ay ku taageeraan nin dilya

2=JAHLI- aysan kala ogayn waxii u daran iyo waxii u dana oo meel ay marayaanba aysan la socon

3=DULMI- Dulmigan oo ah iyaga oo aaminsan kala sarayn kala badnaan kala wanaagsanaan  qolo walibana jeceshay inay qolada kale xaqeeda duudsido  yar iyo wayna ay isku mowqof ka yihiin.

 

Waxaan qoraalkayga ku soo afjarayaa , sidan

Labada shariif iyo Sharma,arke xukuumada laga waayaa shareecadii ay balan qaaday

Shacabka inay dilaan maahe shaqo kale uma qaban

Shabaabna shareecadii islaamka waxuu ka shay xanuun badan  waxay ka jecel yihiin shilinka aduunyo ee  la siiyo.

Qolyaha kale ee bulshada caalamka waxaan dhib ahaan nooguma soo gurman dheefna kama hayno

Aan dhimasho iyo dhaawac iyo dhiiloo  ahayn

 

Waxaan baryeynaa waa bil ramadaane ilaahay isaga waduudee bulshada soomaaliyeedna  haku baraarugto inay  cidla taagan yihiin cidina u maqnayn ceelna u qodnayn, qolyahan qowlasatada ahna aysan qoladan dantooda wadin

 

 

 

Mudaan buuq ku jirnay

Oo aan beerka u jiifnay

oo belayo qarxaysay

boobe laysla dhacaayay

Baasuukiyo laysku afuufay

Bee kaa em iyo suugA

Pii emkaa onkodaayiyo

Bii teen uu ka  holcaayay

Banaadiiq kala nooca

Bonbo laysku gamaayay

Baaruuda kala jaada

Barbaartii ku dhamaatay

Duqaydii ku basbeeshay

Haweenkii ku ba,eenoo

Beladadii ku gubteene

 

waa bishii ramadaane

ilaahayoow baryadeena

iyo baaqeena ajiib

rabiyoow dhul barwaaqo

oon belaayo lahayn

oo aan bahal joogin

rabiyoow baadku ka buuxo

xooluhu ay barqadaan

beeruhu geedo dhaleen

iyo badhaadhe na sii

 

rabiyoow nabad buuxda

oo colaadi bidhaamin

mar dalkeena ku baahi

waa bishii ramadaanoo

waa bishii barakaatkee

ilahayoow baryadeena

iyo baaqeena ajiib

basbaaska xumaanta

belo sheega dhibkiisa

ilaahayoow naga baaji

rabiyoow barkhad khayrleh

iyo belaayo xijaab

iyo badhaadhe aduunyo

ayaan kaa barinay

boqorkow nabad buuxda

baasidoow nabad buuxda

baari,oow nabad buuxda

bulshayahay barbarkiina

aamiinta bilaaaaaaaba

 

aaamiin aamiin aamiin

 

Waa Qalinkii

Cabdiraxiin Hilowle Galayr

Abdirihiin1@hotmail.com

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip