(Faalo) "36 Sano Kahor Manta Oo Kale 9/4/1978"–

0
Wednesday April 09, 2014 - 19:27:56 in Wararka by Web Admin
  • Visits: 7299
  • (Rating 3.7/5 Stars) Total Votes: 3
  • 1 0
  • Share via Social Media

    (Faalo) "36 Sano Kahor Manta Oo Kale 9/4/1978"–

    "INQILAABKII DHICISOOBAY EE 9/4/1978", Waxey aheyd Maalin Axad ah waa xaruntii dalka Soomaaliya Muqdisho dadkuna ee wada ahaayeen kuwa udareeraya Kasab iyo Tacliin hasa yeeshe maalintanai ayaa xusuus naxatin leh u ah umada Soomaaliyeed kadi

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"INQILAABKII DHICISOOBAY EE 9/4/1978", Waxey aheyd Maalin Axad ah waa xaruntii dalka Soomaaliya Muqdisho dadkuna ee wada ahaayeen kuwa udareeraya Kasab iyo Tacliin hasa yeeshe maalintanai ayaa xusuus naxatin leh u ah umada Soomaaliyeed kadib marki subaxaas lagu waa bariistay madaafiic iyo xabado markii ugu horeesay dadka rer Muqdisho dhagahooda Maqlaan kadib gumeestihi.

Waxaa dadweynaha soo wajahay cabsi aad u xoogan waxa mar qura hakaday isu socodkii dadka iyo gaadiidka mana eesan jirin warbaahin madax banana iyo isgaarsiin maqal ah oo dadku warka isugu gudbin karaan, taaasi ayaa xaalka ka dhigtay mid haba yaraatee waxa dhacaya cid toos usheegi kartaa eesan jirin .

Xukuumadi Militariga Kacaanka Soomaaliyeed ee waaga talada heesay ayaa shaacisay in la fashiliyay isku day Afgambi oo la doonayay in talada dalka laga xayuubiyo madaxda berigaas jirtay uu horkacayay Marxuum Madaxweyne Maxamed Siyaaad Bare iyo xulufadiisi Golahi Sare ee Kacaanka.

Iyadoo dhanka kale ee xukuumadi bilowday isla maalinti uu fashilmay Af-Gimbigi soo qab qabsashada saraakiil lagu tuhunsan yahay inqilaabki dhicisoobay iyadoo qaar badan oo saraakiisha ciidamada oo ee arinta lugta lagashay lasoo qab qabtay iyagoo kusugan magaalada caasimada iyo qaar kale oo qeybo dalka kamid ah wallow ee jiraan xubno saraakiil ah oo iyaga fursad uhelay in xuduudaha dalka kaga tilaabaan wadamada deriska ah.

Inkastoo uu si cad ufashilmay isku daygi Inqilaabki Dhicisoobay ayaa hadana waxa guusha fashilka wada sheegtay xubno dhowr ah oo katirsanaa hogaanka ciidanka dowlada Soomaaliya hasa yeeshe ilo xog ogaal ah oo goob joog u ahaa wixi maalintaas dhacay ayaa tilmaamay in mas’uuliyada fashilka isku daygi Afgimbi uu lahaaColl Saciid Faarax Goojeoo kamid ahaa ciidamada xooga dalka Soomaaliya hase yeeshe guushaasi kala wareegayJeneral Morganoo awood badan kulahaa aqalka madaxtooyada bacdama uu qabay gabdhaha madaxweynihi geeriyooday Marxuum Maxamed Siyaad Barre.

Coll: Gooje ayaa sida ee qirayaan qaar badan oo kamid saraakiishi ciidanka xooga dalka Soomaaliya waxey arintaani kureebtay uur kutaalo iyo niyad jab taasi oo sarkaalkani u horseeday inuu si sax ah ugadan waayay bacdama laga abaal dhacay guushi uu usoo hoyay dowladi Soomaaliya ee markaasi jirtay.

Qaar kamid ah saraakiisha cidanka xooga dalka Soomaaliya xog-ogaalna u ahaayeen wixi maalinta dhacayay ayaa qiray in Janaral Morgan uu si dadban ula shaqeynayay saraakiishi dooneesay inqilaabki dhicoobay isagoo bilowgi hore hakiyay ciidamadi sida tooska ah oo umaamulayay balse marki la fashiliyay kadib uu dib usoo baxay jananka isagoo muujiyay in dadaalka uu dhan isaga leeyahay taasina ka bad baadisay Seefti qoorta looga jarayay saraakiishi Inqilaab doonka aheed isla markaana usaamaxday in Jeneral Morgan lagu abaal mariyo shaqa uusan qaban .

Sidoo kale Shacabka Soomaliyeed ayaa aaminsan in sheegashada beenta ah ee guusha Inqilaabki Fashilmay ee niyad jab xoogan dhax dhigtay saraakiishi xiligaa daacada u ahaa kacaanki uu hogaaminayay madaxweyne Maxamed Siyaad Barre, iyadoo sidoo kalena soo dadajisay habacsanaan xoogan oo soo wajahday ciidanki xooga dalka Soomaaliya oo barigaa safka hore kaga jiray ciidamada ugu awooda badan dalalka Afrika.

Inqilaabka loo yaqaan 'Inqilaabkii Dhicisoobay' waxaa hoggaaminayey Col. Maxamed Sheekh Cismaan oo ku magac dheeraa 'Cirro' iyo Col. Cabdullaahi Yuusuf Axmed.

Markii inqilaabkii fashilmayna waxaa la toogtey 17 kamid ah raggii la qabtay; in kalena xabsiga ayaa la dhigay. Raggii la toogtey magacyadoodu waa:

1. Col. Maxamed Sheekh Cismaan 'Cirro'
2. G/le. Saciid Maxamed Jaamac
3. G/le. Saciid Jaamac Nuur
4. Dhamme: C/salaan Cilmi Warsame
5. Dhamme: Ibraahim Maxamuud Xirsi
6. Dhamme: Cabdullaahi Nuur
7. Dhamme: Cabdullaahi Faarax
8. Dhamme: Caagane Axmed Yuusuf
9. Dhamme: Bashiir Abshir Ciise
10. S/xarigle: Faarax Xalwo
11. L/xarigle: C/Qaadir Geelle Cumar
12. L/xarigle: C/Raxmaan Macallin Bashiir
13. L/xarigle: Cabdi Ugaas Cismaan
14. L/xarigle: Aadan Warsame yare
15. L/xarighle: Maxamed Saciid Cabdulle
16. L/xarigle: C/Wahaab Axmed Xaashi
17. Rayad: C/Qaadir Warsame Yare

Sarakiishii ka carartay dalka ee Kenya gashay waxaa ugu caansanay, COL:Abdulahi Yuusuf Axmed, kadibna u wareegay Ethiopia isku daygaas fashilka ku dhamaday waxa dhaxakiisu noqday, in Ethiopia oo aheyd cadawga koowaad ee Somalia ka faa,iideysato

Ethiopia waxey heshay fusadii ay mudo radi heysay,waxeyna hub iyo sanad isugu dhiibtay somalia, waana ilaa iyo hada waxa tagan .

WAA QORAY
A.HAJI
Abdulqadir76@hotmail.com
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip